Following farole's orders: the governor of Bari and the security minister are blaming General Samatar for their own governments incompetence in handling Puntland.
Farole's achilles heel is negative media and protests. He has very thin skinand, which can been seen in his reaction to the protests in Bosasso. I can't even think of what will happen if farole tries to take on General Samatar.
audio ------> http://horseedmedia.net/2013/02/10/dowl ... -dhageyso/
-----
Dowlada Puntland ayaa sheegtay in tilaabo adag ka qaadi doonto siyaasiyiinta mucaaridka ah ee ku sugan magaalada Bosaaso.
Cabdirisaaq Maxamed | on February 10, 2013
Warsaxaafadeed uu magaalada Bosaaso ku qabtay maalinimadii shalay (Sabti) Guddoomiyaha gobalka Bari Cabdisamad Maxamed Galan ayuu sheegay in dowlada Puntland tilaabo ka qaadi doonto siyaasiyiinta kasoo horjeeda.
Cabdisamad Maxamed Galan oo muddooyinkii lasoo dhaafay ka gaabsaday saxaafadda inuu la hadlo tan iyo Fadeexadii Janaayo 2013, ee codadkii laga duubay ee la xariiray arrimo musuq maasuq ah, ayaa shalay shirka jaraa’iid oo uu qabtay si weyn ugu nuux nuuxsaday in tilaabo adag ay ka qaadi doonaan siyaasiyiinta kasoo horjeeda maamulka Madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole ee ku sugan magaalada Bosaaso.
Guddoomiyaha Gobalka Bari Cabdisamad Maxamed Galan ayaa ku eedeeyey siyaasiyiinta kasoo horjeeda inay abaabuleen mudaharaadyada ka dhacay Bosaaso, wuxuuna sheegay in ay jiraan ciidamo u gaar ah iyo maleeshiyooyin ka amar qaata siyaasiyiintaasi oo ku sugan gudaha magaalada Bosaaso.
Guddoomiyaha Gobalka Bari ayaa dusha ka saaray siyaasiyiintan inay ka danbeeyeen rasaas ay habeenimadii Jimcaha isdhaafsadeen kooxo burcad iyo ciidamada Booliiska, isagoo sheegay in kooxahaasi ay asoo abaabuleen siyaasiyiinta mucaaridka ah ee ku sugan magaalada Bosaaso.
Wuxuu sheegay in ragga abaabulka ka danbeeyey ay yihiin Gen.Cabdullahi Siciid Samatar Wasiirkii Hore ee Amniga iyo Liibaan Musse Boqor Cismaan oo uu sheegay inay yihiin kuwa kamid ah Golaha Samatabixinta Puntland ee dhawaan Puntland looga dhawaaqay.
“…Ama wiilka (Liibaan Muse Boqor) ha aruursado 10 wiil, ama Odayga (Cabdullahi Siciid Samatar) ha aruursado 20 wiil…sharciga ayaa lasoo hortaagi doonaa, labada nin gacmaha kama laaban doono, Waxay raggan sitaan Basabooro ajnabi ah waxay sitaan Basabooro Ingiriis iyo Canadian ah, waxay tageysaa xisaabtan rasmi ah….” ayuu ku hanjabay Guddoomiyaha Gobalka Bari Cabdisamad Galan.
Galan ayaa ku hanjabay inay tilaabo toos ah ka qaadi doonaan raggaasi ku sugan magaalada Bosaaso.
[Halkan ka dhageyso Shirkii Jaraa'iid ee Guddoomiyaha Gobalka Bari:]
Burcadda weerarkooda lagu eedaynayo labada Masuul, waxay gaari ka soo dhaceen nin kale oo ay qaraabo yihiin nimanka la eedaynayo, isla markaana ay u geysteen jirdil, Dadka arrimahan la socda ayaa sheegaya in Maxamed Cabdi Jamiiqo oo ahaa ninka gaariga laga dhacay uu qabsan lahaa haddii ay yihiin ilaalada Gen.Cabdullaahi Siciid Samanter, laakiin Guddoomiyaha waxa uu ku deg-degay in uu dusha uga tuuro eedayn laba nin oo dhalasho ahaan is xiga, waxaana uu sugi waayey baaritaanka la sheegay in ay boolisku wadaan, Waxaa dhawaan lagu diley nin Suldaan ah magaalada Bosaso isla markaana aan cidna loo soo qaban laguna eedayn ayaa dadka qaarkiis ku andacanoonayaan in Guddoomiyaha agtiisaba caddaalad laga aqoon sida uu ku sheegay cajilkii sirta ahaa ee laga duubey ee uu sheegay in qof-kastaaba ogyahay caddaalad darrada uu ku shaqeeyo Dhegayso.
Xayiraad Socdaal
Khaliif-Ciise-Mudan-300x2251Dhinaca kale Wasiirka Amniga Puntland Khaliif Ciise Mudan oo wareysi siiyey idaacada SBC ee bosaaso ayaa sheegay in ay xayiraad kusoo rogeen siyaasiyiinta mucaaridka ah isla markaana sheegay inuu amar ku bixiyey in siyaasiyiinta mucaaridka ah aysan ka dhoofi karin Airporada dalka.
“…Arrintan sii-soconmeyso waxay soo dadajineysaa inaan tilaabo ka qaadno raggan, waxaan reer Bosaaso iyo Puntland ka codsanayaa inay meel uga soo wada jeestaan, dadka dhibka wada waa dad dibadaha ka yimid waa in ciidamada ka hortagaan…” ayuu yiri Wasiirka Amniga ee Puntland Khaliif Ciise Mudan oo xiligan ku sugan magaalada Jabuuti.
Khaliif Ciise Mudan ayaa sheegay in Gen.Cabdullahi siciid Samatar uu yahay ninka ka mas’uul ah arrimahan oo dhan isagoo sheegay wixii khasaaro yimaada inuu asagu qaadi doono.
[Halkan ka dhageyso Wareysigii Khaliif Ciise Mudan:]
Hadalada hanjabaada ah ee kasoo baxaya mas’uuliyiinta ka tirsan Dowlada Puntland ayaa kusoo beegmaya xili ay mudaharaadyo ka dhaceen magaalada Bosaaso, kuwaasi oo looga soo horjeedo Xukuumada uu Madaxweynaha ka yahay Cabdiraxmaan Maxamed Faroole.
Dowlada Puntland oo culeys xoogan saartay magaalada Bosaaso bilihii lasoo dhaafay inay wax mudaharaadyo ah ka dhacaan, ayaa ku tilmaamtay labadii muduharaad ee magaalada ka dhacay maalmihii lasoo dhaafay kuwo khal khal lagu gelinayo amaanka.
Shacabka ku dhaqan magaalada Bosaaso ayaa is weydiinaya hadalada kasoo yeeraya mas’uuliyiinta dowlada ka mid ah inay soo dadajin karto isku dhac hubeysan ee ka dhaca gudaha magaalada Bosaaso oo ay ku sugan yihiin siyaasiyiinta mucaaridka oo iyagu heysta ciidamo illaalo ah oo hub culus heysta.
Xukuumadda Puntland ayaa in badan oo ka mid ah shacabka Puntland aaminsan yihiin in ay sharciyad beeshay, laakiin ilaalinta xasilinooda iyo nabadgelyada darteed indhaha looga qarsadey, Waxaase hadda soo abxdey in ay dooneyso in ku darsato, ku darsashadii xilka gacan ka hadal isla markaana ku dhawaaqdo, sida ay kuu sheegayaan dadka qaaarkiis ee arrimahan la yaaban.
Tan iyo intii ay bilaabatay xurgufta ka aloosan tahay xil kororsiga xukuumada Puntland ayaa waxaan deegaanada Puntland ka dhicin wax dagaal hubeysan ah, walow ay jireen mudaharaadyo intooda badan si nabad ah ku dhacay oo ka dhacay magaalooyinka waaweyn ee Puntland, marka laga reebo magaalada Garowe ee caasimada oo aan iyadu wax banaanbax ah ka dhicin.
Mudaharaadyadii ka dhacay Bosaaso, Qardho iyo Gaalkacyo ayaa ahaa kuwo dadka ka qeyb qaatay aysan sidan wax hub ah, walow ay jireen dad rayid ah oo ku dhaawacmay rasaas ay rideen ciidamada Puntland, mudaharaadyadii ka dhacay magaalada Qardho. Sidoo kale ciidamada PIS ayaa rasaas ku kala eryey dad mudaharaadyay magaalada Bosaaso horaantii todobaadkan, cidina wax kuma noqon rasaastaasi. Arrintaasi ayaa keentay in mudaharaad ka xoog badan kaasi uu magaalada Bosaaso ka dhaco Jimcii lasoo dhaafay, mudaharaadkaasi ayaa si nabad ah ku dhamaaday.
Horseed Media 2013
farole threatens General Samatar and other Osman Mohamud
Moderator: Moderators
-
- SomaliNetizen
- Posts: 481
- Joined: Thu Apr 16, 2009 10:16 am
-
- SomaliNet Super
- Posts: 29468
- Joined: Mon Aug 22, 2005 5:08 pm
Re: farole threatens General Samatar and other Osman Mohamud
This multi nicker is either abdiwahab....hutuking or xiinow. 

-
- SomaliNetizen
- Posts: 481
- Joined: Thu Apr 16, 2009 10:16 am
Re: farole threatens General Samatar and other Osman Mohamud
There were people protesting in Qardho who were recently shot, protests in Buhoodle, Gaalkaayo and yesterday in Bosasso. The government even admits to protests and is pointing fingers at the cause.
You can try and avoid the topic, with clear pictures, proving the growing discontent in many of Puntland's major cities. I am not alone in my anger at farole, there are fellow Puntlanders who also taking up the cause. Do you think the security minister and governor would be holding press conferences if everything was all in order?
I will not allow those - who are fighting for Puntland: the most prosper and influential region in Somalia - to be silenced.
I will report the news.
You can try and avoid the topic, with clear pictures, proving the growing discontent in many of Puntland's major cities. I am not alone in my anger at farole, there are fellow Puntlanders who also taking up the cause. Do you think the security minister and governor would be holding press conferences if everything was all in order?
I will not allow those - who are fighting for Puntland: the most prosper and influential region in Somalia - to be silenced.
I will report the news.
- afisoone
- SomaliNet Super
- Posts: 5509
- Joined: Wed Jul 22, 2009 9:46 pm
- Location: We all want to become president even though Amisom controls Mogadishu
Re: farole threatens General Samatar and other Osman Mohamud
We want an Islamic justice in Puntland. If there are people who believed Islamic system, These men who are trying to create Chaos in Bosaaso Should be held responsible. Sharia law says if man creates fitna because he wants leadership, then he should be killed. It saves more life and make peace to the land. But no one want Islamic law. They all for democracy and tribalism. So be it until Allah bring Islamic law to that particular place.
-
- SomaliNet Super
- Posts: 29468
- Joined: Mon Aug 22, 2005 5:08 pm
Re: farole threatens General Samatar and other Osman Mohamud
What about your blog?
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 25 Replies
- 1797 Views
-
Last post by STARKAST
-
- 6 Replies
- 1013 Views
-
Last post by original dervish
-
- 3 Replies
- 750 Views
-
Last post by Almis87
-
- 4 Replies
- 951 Views
-
Last post by Southie4life
-
- 19 Replies
- 1761 Views
-
Last post by Ashlee
-
- 21 Replies
- 1235 Views
-
Last post by Niya
-
- 1 Replies
- 370 Views
-
Last post by Khalid Ali
-
- 12 Replies
- 1243 Views
-
Last post by GalaadiGuardian