Taariikhdii iyo Gabayadii Cabdi Gorod

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
Allowitaageer
Posts: 1
Joined: Sun Feb 17, 2013 10:52 am

Taariikhdii iyo Gabayadii Cabdi Gorod

Post by Allowitaageer »

Cabdi Gorod wuxuu noolaa hilaaddii amaba wakhtigii udhaxeeyay 1915'kii ilaa iyo 1996'dii.
Cabdi Gorod allaha unaxariistee wuxuu dhintay isagoo madaxa la galay 80'teenka.
Wuxuu ahaa gabayaa aad loo qadariyo, tolkii uu la joogay iyo kuwii deriskiisa ahaaba.
Cabdi Gorod wuxuu ku dhashay kuna barbaaray dhulka udhaxeeya Doollo oo rugtiisu tahay Wardheer, iyo Qoraxay oo oollinkiisu yahay Qabridahare.
Abwaanku noloshiisu waxay ku xidhneyd Geela iyo meesiyada kale nolosha reer guuraaga Soomaaliyeedi ku tiirsantahay.
Abtir ahaan wuxuu Cabdi Gorod ka dhashay Qabiilka Absame, Ogaadeen, Maxamed-Subeyr, Reer Cabdille, gaar ahaan Reer Cali-Wanaag.

Qoraal la,aanta iyo xilkas la,aanta uruurinta suugaanta, ayaa sababtay inay lumaan gabayadiisa qaaliga ahaa iyo ragii kale ee la heerka iyo wakhtigaba ahaa.
Waxaynu kobtan maanta kusoo qaadaneynaa, gabayo aan ka uruuriyay Cabdi Gorod allaha unaxariistee, kuwaasoon filayo sida aan ula dhacay, inaad ula dhici doontaan.
Wuxuu Cabdi Gorod ku jiray ragii amaanta geela aad ugu fogaaday, ee abuurista eebbe udhameeyay Geela ka cajabsanaa.
Isagaa Geeraar ku amaanayaa, ayuu ina tusayaa adkeysiga geelu leeyahay iyo sida qoysku ugu ladanyahay caanihiisa iyo dheeftiisaba.

Wuxuu Yidhi Cabdi Gorod allaha unaxariistee;

Haddan gooha amaano
Gees-lakoyda riyaad
Iyo ninkii giiryar lahaa
Armuu ciil la go,aa

Kolkay gooha dhaleyso
Geeljirkaa la diraa
Tubahay guga jeexday
Yaa gadaal loogu eryaa
Geedaday la hudeecday
iyo goojaday kor uqaado
Ma Gamaan la koraa

Dabarkaanu la gaadhnay
Gubahaanu ka jeexnay
Markii ay godol qaaday
Gaawahaan ku lisaynay
Gariirkii ka baxaayay
Gildhigaan la ridiyaayiyo
Gaadhi roori miyaa

Gorofkaanu uqaadnay
Garabroorka ka taagan
Maxaamudii la gooyiyo
Ma go'yaal bafta aa

Odayaashaa gaboobiyo
Gabankii yaryaraa,
Iyo gacalkey gasabtaaye
Ma gugoo da'ayaa
Hadda wayba gudhneyde
Ma gu'goo da,ayaa


Waxaa la wariyay Cabdi Gorod bari uu u safray magaalada Berbera ee qadiimiga ah , magaalo xeebeedna ah
Reer baadiyihii horre ee Hawdka ama Doollo iyo Ciid ku dhaqnaana aad ugu safri jireen, Iyagoo xoolahooda ku badasha alaab magaaleedka suuqa magaaladaas yaala.

Cabdi Gorod iyo nin ay wada socdeen baa magaaladaas tegay, dantii ay lahaayeen kolkii ay bogteen , xoolihii ay wateena ay agab magaalo ku gedisteen, ayay maqaaxi soo fadhiisteen.
Nin Isaaq ah oo maqaaxida gees ka fadhiyaa yidhi "War nimankii dheer-dheeraaye Cagdheer wali miyeysan dhulkoodii Maqaaxi ka sameysan ay iyaga iyo geelooduba shaaha ka cabaan" Si kaftan ah

Aallaaba reer magaalkuna wuu is kaftan gartaa, reer Baadiyuhuna wuu iskaftan gartaa, sidaas awgeed ayaa ninkii hadalkaas korre ku kaftamay iyo Cabdi Gorod isu maandhaafeen, oo Cabdi Gorod hadalkii wuxuu u qaatay Aflagaado iyo juqeyn.
Gabay buu ka mariyey isla kobtii isagoo fadhiya, isagoo nimankii Isaaq ku liidaya maqaaxi shidka iyo arimo kaleba, wuxuuna yidhi Cabdi Gorod;

Afku dhidarle goolweyn dhigdhige dheefna kama quuste
Dhulka xaaqe dharab xaar ah side dhiriq ku geeraare
Dhur ma side dhaqaalana ka tage suuqa dhamashleeye
Dhaxalkii awoowgii ka tegay naag love ah siiye
Dhiraandhiryaha beerkiyo wadnaha beesad wada dhaafshe
Dhex-ku-Kiishadaadlow ninkaan dhaabay baad tahaye
Inaan kugu dhayaayayn lahaa dhalashadeydaa og


Intaas haddeynu kaga gudbno, wali waxaynu ku jirnaa Cabdi Gorod iyo safarkiisii Berberee, maqaaxidii buu cunto ka dalbaday, Intuu uu noolaana waa markii uhoreysayee uu Maqaaxiba galo.
Dalbashada cunooyinka kala duwan ma uusan aqoone, War cunto ii keen unbuu yidhi , lacagna bixi.
Kaluun baa lasoo hordhigay, Cabdi Gorod dhowr jeer buu eegayoo, suuradiisii buu garan waayey, ninkii Maqaaxida joogay buu u yeedhayoo yidhi, Adeer cunadan aad iisoo hordhigtay bal magaceeda ii sheeg.
Ninkii maqaaxida lahaa wuxuu ku jawaabay "Waa Kaluun la geedeeyay oo cuntooyinka Berbera kuwo loogu jecelyahay ah".
Cabdi Gorod maba sii sugine, Kobtii gabay ka marshay isagoo ximaariniya ninkii maqaaxida lahaa oo udhashay Isaaq, Habar Awal, Ciise Muuse.
Wuxuu Yidhi inta aan ka hayo ;

Mas la dilay Abeesada malmalan Muluc la geedeeyay
Kolba aniga milix haysoo marshaan Ciise Muusuhuye


Cabdi Gorod wuxuu qabay laba dumar ah, gabayadii uu kula xaajooday haweenkiisa amaba uu ka marshay howlihii kala duwanaa ee uu la maray guurkooda amaba uu ka mutay tolkii ay dumarkaasi ka dhasheena , waxbaynu ka iftiimin inshallah.
Waxaa la weriyay Cabdi Gorod inuu guursaday haweenay u dhalatay qabiilka Harti, khaasatan Majeerteen.
Xoolana waa baxshay, reerka uu gabadha ka qabayna mudduu Inan-layaal u ahaa oo uu la deganaa, malaheygana sidii ufili hayay ee nin xidid ah loo maamuusi jiray waa uu waayey.
Islaantii uu qabayna tabashooyin badan buu ka tirsaday, sidaas la adligeed, waa abwaan caadadiise, gabay buu inoogu soo bandhigay dareenkiisii, oo wuxuu yidhi;

Dhaan-Dhaan Majeerteen anaa mooday naag dhaqane
Dhalaankeyga anigaa ka tegay dhibicdii dayreede
Hashaydii oon la dhicin anaa dhoofshay berigiiye
Dhabayaco anaa ula kiciyo dhul aan la gaadheyne
Dhuul-Dhuul ma anaa usocon sidaan dhiilo kulul sheegi
Haddii reerku oomane ku dhaco ani miyaa dhaamin
Dhibaadeyda oo laba harar ah dhabar miyaan saari
Dhoqol caanihiisii maxaan dhami maxaan reebi
Dhalinyaro sideedii siday taladu ii dhaaftay


Cabdi Gorod gabadh kalena way udhaxday, isla qoyska Harti kasoo jeeda, khaasatan Dhulbahante.
Gabadhan dambe yarraan buu ku guursaday, waxaana la ii sheegay inuu ahaa 18 jir markii uu guursaday.
Sida muuqatana guurka ka hor, Jacayl baa ugu horeeyay, ee kuma uusan guursan sida caadada aheyd ee gabadh ina hebel ah baan dooni.
Inuu Jacayl ugu horeeyay guurkoodiina, Gabayganaa makhraati u ah, uu yidhi;

Jinta xooga weyniyo laftaad jananka moodeyso
Jigta socodka joomaha badhyaha joodariga laabta
Jiljileeca laafyaha markay jagac ka siineyso
Janbal lama ahaadee xubnaha say ukala joogto
Sanka jooga dheeriyo afkaw jinayga qaanseede
Sida johorad nuurkeed ishay nagu jaleeceyso
Qalbigaa i jiitoo inaan joogo la i moodye
Gabadhaa jacaylkaan u qabo waw jibaysnahaye


Cabdi Gorod gabadhii wuu guursaday, wuu la xididay Inan-Layaal buuna noqday siduu caadku ahaa.
Sida la iigu waramay, Cabdi Gorod wuxuu yidhi "Haddaan buulku ku raago, ragu intay buulka soo horistaagan bay ciyaar iga horqabsan oo lay odhan, War buulka kasoo baxoo geedka noogu imo, haddaan subaxda dambe soo kalaho oon geedka sii fadhiistana, Intay ii yimaadaan bay i odhan, War maxaad usoo kalahday, miyaanay gabadhanadu ku qancinin?
Hadalkii buu sii wadoo wuxuu yidhi Cabdi Gorod "Anigoo wax aan yeelo garan la' iyo si aan ugu tab baxo toona, yaan geed ay fadhiyaan gabadhan aan qabo qoyskeedu soo fadhiistay"
Gabadhu uu qabo, Dhulbahante markii hoos looga dego, Waa Axmed Garaad oy kasii tahay Cali-Geri, Reer Warfaa Gorod.
Geedkii buu soo fadhiistay, geedkana waxaa jooga oo ka gabyayoo la dhageysanayaa abwaankii isla beeshaas ka dhashayee la odhan jiray Ismaaciil Mirre.
Ismaaciil Mirre ama kas haka ahaato oo uu Cabdi Gorod ku daandaansanayay ama gabayguba hala maree, wuxuu Ismaaciil gabaygiisii kusoo daray tuducyadan caanka noqdayee ah;

ceeb weynida Ogaadeen inay geeri dumar joogi
Goonyaha haddaan lagala marin guddimo xiiraaya
Inay gaari mowtiyo anoo garanayaan sheegay
!

Cabdi Gorod isagoo Inan-Layaal inuu niman seediyadii ah ka dhex kaco oo uu gabyo iyo inuu aamuso yuu cabbaar dhulka xariiqay.
Waxay talo kaga ibo beeshay inuu hadalkina faafi doono, oo carro Ogaadeen la geyn, lana odhan doono, Markuu Ismaaciil Mirre saas lahaa, Cabdi Gorod baa geedka fadhiyay oo aamusay.
Taa dambaa i cuntumi weyday, marka waxay talo kaga ibo beeshay inuu geedka ka dhex istaagoo oo uu jawaabo, sidii buuna yeela, wuxuu ka jawaabay Tixdan goodiga miidhan ah.
Cabdi Gorod wuxuu ku bilaabay meerisyo kulul oo gooddi ah oo uu leeyahay, Ismaaciilow iskama kay xajin kartide, daandaansiga jooji.
Cabdi Gorod wuxuu is barbardhigayaa, Murtida jiifta isaga iyo Faras gu'gusii dhameystirmay oo maanta dooyo lagu gelo haad ka orod dheer.
Maroodigu cadhooday oo qaylo iyo gurxan soo gaadhay, Webi iyo laago soo rogmaday oon la hor istaagi karin, Wiyil gadooday oo nin midgaan ahi damcay inuu toogtoo, saanteeda Neddiga jeedalkee fardaha ka jarto.
Arimahaas oo dhan cajiibka ah buu ku goodiyay, Gole Ka Fuul iyadoo Geedkii la fadhiyo buu wuxuu yidhi Cabdi Gorod;

Ismaaciil gu'gaagiyo ma jiro adi gankaagiiye
Gadhku igama soo bixin cirradu ima gaboodyeyne
Aan gabtood kasoo dhigo Haldoor gaaxsan baan ahaye

Senge guri barwaaqo ah la furay badhina loo gooyey
Gafar socodka dooxada haduu gal iyo giig beelo
Hadii gulufku geel dagan arkoo galab la heenseeyo
Garmaamiyo afdhuublaan ka badin gacaliyow jooji

Maroodiga intuu goloy fadhiyay gabanadii daashay
Gurdanka iyo qeylada haduu gaadhka ka ogaado
Garab iyo itaal baan ku qaban gacaliyow jooji

Webiga oo galdaasa ah baddoo gabiyadii xoortay
Laagahakan gowleynayee samada guux dhaafshay
Gudbitaan anaa kaga dhex bixi gacaliyow jooji

Wiyishoo gadoodoo banaan cadho guhaadeysa
gees iyo nedaan jaran lahaa gacaliyow jooji

Goodkiyo abeesiyo maskoo gudahayoo guuri
Ninkii gacanta kula soo degdega geeri baa wada'e
Giirkaba anaa qaban lahaa gacaliyow jooji

Gusku uunku wuu wada lahaa gaaliyo islaane
Haddii gabadha oo kaa tagtiyo geeri laga yaabi
Idinkaa wax gooyaad sitiyo gamas wax laayaaye
Gunta maa la jaro saw qurjigu gaari dili maayo
Gardarada tolkay qabo maxaa godobta loo raacshay
Gablamooyin anaheyn ileen guni ma qaan gaadho


Muddo markuu inan layaal ahaa buu Cabdi Gorod damcay inuu soo wareego oo tolkii iyo Carro Ogaadeen usoo awrar rarto.
Dumar iska jecel inay hooyadood dugsadaane, malaha gabadhii baa damcday inay negaadaan oysan guurin.
Cabdi Gorod mudduu arintaa ku dhex jirayoo, war hala i rarada uu ku hayay, waxse uuga naaso-caddaan waaye.

Habeenkii dambuu gabyay, isagoo ciil karaar dhaafsan, wuxuuna yidhi;

War ma horor libaax baan ugalay hal iyo baarkeeda
War ma ceel hawadu weyntahaan horay usoo duulay
War ma haadda gaaladu waddaa igula soo heentay
War ma waalidkay baa habaar igu higaadeeyay
War ma niman horweyn laga wataa igu halaayuusey
War Ma anoo habeen guuri baan halaqa soo jiidhay
Hundhudh iyo calool xumada waa lala habaabaaye


Kobtaa markuu marin hayo ee uusan gabaygii dhameystiran, baa Cali-Dhuux Aadan gabadha adeerkeed ah, ag fadhiyayna baa afka qabtay oo yidhi "Adeer gabadha waa laguu rari, dhibaadna waa loogu dariye, gabayga halkaa ku jooji"
Aroortii dambaa, awr laysku soo sanxidhay iyo gabadhii oo xadhiga uheysta, sidii bayna kusoo ambabaxeen.
Cali-Dhuux baa yidhi, Adeer waad naga eed sheegatay, Aniguna nin Ogaadeen xidid la ah baan ahaye, hadal faafayna xidid uma fiicnee, Gabaygii eed sheegadka ahaa eed xalay marisay mid amaan ah nagaga meydh.
Cabdi Gorod howraarsan buu yidhi iyadoo oon meejiiba laga dhaqaaqin buu mariyay tixdan dhameystirka u ah taa korre;

Hadda waxaan kasoo rogahayaa amaan ka haaneeday
Waxaan helay halyeey aan la marin hooladuu daga'e
Waxaan helay habeen iyo dharaar hooy la jiifsada'e
Waxaan helay allaha ii hayooy hanadka wiilkiiye
Waxaan helay huruud iyo anfaco laga hibaadaaye
Waxaan helay allaha ii hayooy haybtii reer Gorode


Taa markuu mariyay buu tana kusii xijiyay oo isla amaantii qoyska uu ka qabay ah, wuxuuna yidhi;

Ma qatani qudhaydiyo intay Qaaso nooshahaye
Ma qatani qabiil goba intaan qoys ku leeyahaye
Ma qatani intaan Qoor-yarow wiilka qooqsadaye
Ma qatani intaan Qoob-mareer qayrkii hoos marine


Wakhtigii baa kasoo soke maray 1945'tii, Dowlada iyo nidaam iyo xuduudyo beenaad iyo waxbaa bilowday.
Cabdi Gorod tolkii wuxuu ahaa dadkii lagu sheegay "Ethiopiada cusub" ee goboladoodii la yidhi ha hoos tagaan Xeyle Salaase.
Amar iyo maamul cusub baa lasoo rogay, ninkii mucaarad sheegtay geeliisii ba la ooday, sanadkaas oo loo yaqaan "Geel-Oodkii" oy rag badani ka gabyeen, sida Xuseen Hudle Xasan oo kale.
Cabdi Gorod ninkii cidhiidhigaas cusubee soo kordhay ku dhibtooday buu ahaa.
Waxaa lasoo sheegay in Niman Reer Amaadin Khalaf ah oo xabashi laayey, la xukumay oo geelashoodi la ootaye, tii buu ka gabyoo , Cabdi Gorod yidhi;

Nimanyahow gu'geygoo lixdan ah oo gadhku cadaaday
Gidigii habeenimo haddaan talo ku gawriiray
Geesaha unbaan dayi afkaan gaadhka ka hayaaye

Anigiyo gankeygii haddaa gini la siistaaye
Kuwii gogosha ila jiifi jirey goonbir lagu qaadye
Gindhidh nimanka yaalee la dhacay gacalka Jeeraar ah
Cabdallaha godeygaa Bah-Geri goolka laga qaadi
Iidoorka gubantaa dagee gaadhiyada waayay
Iyo aniga geestiina naal waan gudboonahaye

Cirka gaadhi meynoo dhulkaa gaalku gaasiraye
Gooraan xafiis baa la tubay geel rag leeyahaye
Gabagabada waa kaa ku dhalay giirtyartii rimaye
Gurta niman ka laafyoonayaa Geydho foofsadaye
Gaadiidka meel aan uraro waygu gabileey'e
Allow noo gargaar maanta waan gebi dhaceynaaye


Cabdi Gorod wuxuu kaloo ka gabyay jamhadihii ka dagaal galay dhulkaas, sida Jamhaduu Nasurallah, guulo ay kasoo hooyisay xabashidan, aad buu ugu dhaatay, waa kii mar yidhi;

Maasaarta nimankii watiyo mulikihii qoolka
Mari waayey gaadhigu jidkii soo marsheyn jiraye
Maajeerku goortuu socdee macatabkii gooyey
Muslim baan ahaan jirey kolkuu uunka maqashiiyey
Iyo muusanow Waldhe iyo Minilikii xaarrey
Maasaare iyo Harooreyso iyo maalintii Jidhacle
Magac buu Ogaadeen ku helay meel uu joogaba'e


Xeyla-Salaasaa mar yidhi, Ogaadeen dhulkan daaqsin buu kusoo galayoo oo way na riixeen, dib iyo Soomaaliyaan ku celin oon urari, Taasii ka jawaabayoo uu yidhi, gabay aan ka hayo;

Dulqabowba nimankaa degiyo Doollo iyo Ciidba
Dirqi yaa ku rari waa sidii duudka Aw-Belede


Cabdi Gorod ma aheyn nin dekanada sokeeyaha ka gabya ama ku mashquula, haddii ay dantu ku qabatana, si dedban oo maldahan yuu uga hadli jiray.
Waxaa la weriyay nin ay ilma adeer ahaayeen oo la odhan jiray Axmed-Xaashi ayaa ku baxay gacan sokeeye.
Marka abwaankii Beesha Cali-Wanaag, maadaama uu yahay waxay dadkii uu la dhashayi ku qalqaaliyeen inuu gabay guubaabo ah marsho oo dhiig ku daato;
Wuxuu ku jawaabay Cabdi Gorod tix ay iga soo gaadhay;

Arbiciin anoo jiray inaan dunida aafeeyo
Oon gabayga eeda leh tirshaa waa ardaalnimo'e
Nimankii arbow Diiriyiyo odayadii laayay
Axmed-Xaashi nimankii dilee naga unuun gooyey
Alla magane ooftiyo naftey naga abaareene


Nimankii Axmed-Xaashi dilay geelii waa laga soo celiyay, magtiina waa bixiyeen baa soo yeedhay, markaasuu ku noqdayoo, Gabay digasho qarsoon ah mariyay, xikmadina gebiyada jabisay.
Wuxuu Yidhi Cabdi Gorod;

Gablan talo adduuney maxaa tu walba loo joogay
Bah-Bartire miyaa loogu tegay toomo guri xaashi
Birtuu gaalku soo tumay miyaa lagu takoogeeyay
War ma tanaga soo dhaamiyaa lagu tantoomeeyay
Ninkii laga tol roonaa miyuu gaal u tabareeyay
Toban toban ragii helay miyaan tuludna loo reebin
Tii dhicisay maa laga mag dhabay tacab khasaarkooda
Ninba tuu lahaan jiray miyuu kor uga soo tuuray
War ma taaliyaa loola kacay tookhii Ina Heybe
Wali Timiro Ina Sheekh miyaa timaha feedhaysa
Oo aan tafteedii la rogin gabadha Toolmoon ah
Oo ma tobinkii baan afurin kaaha tumin waayey


Beri baa lasoo sheegay nin Barre Cali la odhan jiray oo Cabdi Gorod ina adeerkii ah in lagu dilay xadka Burco.
Waxaa lasoo sheegay in cidda gacanta lihi ay tahay Habar-Yoonis.

Cabdi Gorod col uu wato baa baxayoo, afar nin bay ugu soo aareen ninkii la dilay, Afarta waxaa laga dilay jifo la yidhaahdo Reer Ceynaanshe oo HabarYoonis ah.
Gabay digasho ah waa abwaan wixii lagu yaqiinaye buu marshay, intaan ka hayana, wuxuu yidhi;

Ma la eeday awrkii Baroo Cali ma loo aaray
Afartii la dilay reer Wacays ma u agoontowday
Awal bay amaah naga qabeen nimanka Iidoore
Alxamdulila weeyee Bah-Celi aas ma lagu tuurey

Bari baa Doollo waxaa ka dhacday abaar aad u daran oo xoolihii dhameysay, Cabdi Gorod iyo beeshiisiiba hoos inay uhayaantey goosatay.
Gabay uu ku alla baryayo buu mariyay oo ahaa;

Adhi iyo ninkaan geel lahayn waa allow sahale
Igland iyo Hawaas iyo Mardha iyo Unnuda loo dhoofo
Abaar gaadhay abidkay ma arag eeggah ka horoowe
Eebbow wuxuun nagu irsaaq waad na aragtaaye


Markey soo hayaameen ayey reer Hundo noqdeen oo roob fiicana ka da,ay, maadaama nolosha reer guuraagu ku xidhantahay, Kolba inay sahansadaan meeshii tigaad iyo biyo leh.
Hunde waxaa la yidhaa dhulka togga Faafaneed uu kusoo daaco, iyo agagaarkiisa.
Geeljire qadaf iyo afxumo makala deystee, kuray Bahgeri ah iyo kuray reer Cali-Wanaag ah yaa is laayay oo is aflagaadeeyay.
Mid kuraygii Bahgeri ka mid ah baa soo gabyay, isagoo leh dib nooga guura iyo Doollo, oo dhulka nooga tega, wuxuuna yidhi;

Goflow Cali-Wanaagow haddaan gumacyo kaa qiiqin
Godka Dhoobo-Weyn iyo haddaad joogto gurigeyga
Goble iyo Hangoole-Xun haddaad geel kusoo horoto
Garbadiyo haddaad Labo-Toglaha Goray ku haaneedo
Alleylehe gun yahay waa waxaad galabtii moodeene


Gabaygaas buu Cabdi Gorod ka jawaabay isagoo goodin haya, una digahaya wiilkaa soo gabyayee Bahgeri.

Wiyil Geeska Lama soo qabtoo waa wax giir adage
Lama gaado Goodkiyo Maskiyo gaatiyaha Aare
Lama gaadho gaadhiga ordiyo Goroyo Cowleede
God Abeeso gacantaada Waa lagala giigaaye
Lama geysto goor iyo ayaan godob sokeeyaade
Lama gooyo geedaha midkay gogoshu kuu taale
Gujo beerka layskagama dhuftiyo gumuc rasaaseede
Ninkii gabayga kaa badin dhawaan looma goodiya'e
Gumbablow Jibraa'iilka iyo Gerigan maansooday
Labaduba gu'gay soo baxeen waana goray ciile
God waxaan ku aabudhi midkii gaar u joogsada'e


Markii lasoo galay 1950'kii, is-beddelno baaxad leh baa dhacay oo nolosha dadkaas wada deganaa ah.
Cabdi Gorod baa malaha wuxuu arkay qabiilo markii horre la caano maali jirey Absameha oo la odhan jiray "Reer Aw".
Haddaan sharaxo "Reer Aw" waxaa isku ahaa "Abayoonis, Gaadsan, Sheekhaash, Reer Aw-Xasan".
Nimankii oo wuxuu arkay Aw'nimadii kasoo taagan oo madax-taag iyo indho-dhaafini ku jirto.
Wuxuu maqlayoo Kale, Jifo Ogaadeen ah iyo Abayoonis baa geelal kala dhacay, Arintaasuu qaadin kari waayey, wuxuuna yidhi;

Kobtii Aar libaax uu fadhiyay dawac ka uugaanye
Atoor waliba geesaha ufidhay amar ku taagleyne
Abid aadankay waxaanan arag odayna ii sheegin
Abayoonis geel dhacahayoo uustar wada heysta
Oo niman Ogaadeen ah galay oogta waaberiga
Oo igadh lo'aad iyo la tegay Ayra iyo Loola
Oo duqeytidoodii dagaal inanka guubaabin
Oo loo ergeeyoo tolnimo lagaga ay waayey
Oo laga aloolsani sidii nimanka iidoora


Isagoo nimankaas aynu kor kusoo xusnayee "Reer Aw" ah ka digaya arimahay soo wataan, waa kii markalena lahaa;

Ogaadeenku waa Doqon-fariid daawashada guude
Waa duul maroodi ah markuu dib u cadhoodaaye
Nin waliba markuu naga dibiray durugsay meeshiiye
Waxa noogu sii darana waa duul wadaado ahe
Dariiqadaad maqleysaani waa dowlad gooni ahe


Sidaan soo sheegnay Isbedelkii ka fajicayay Cabdi Gorod, mid kobtaa ku joogsamay ma aheyn, mid maalin walba taagan buu ahaa.
Dowladii Xeyle Salaase oo leh wadooyin rasta ah baanu jeexi, oo dhul geel iyo geeljiruhu inay maraan mooyee, sidooda kale xidh u ahaa baa loo qalabeystay in wado baabuur laga jeexo.
Bbc'dii baa sheektay in Mareykankii Dayaxa sahan udiray, Qayilaada jaadka baa laga bilaabay magaalada Qabridahare oo raga badankiisii Caleen-Ruug noqday.
Caano geel oo la iibiyo lama aqoon, Dumarkii oo intay haanta dhabarka soo saarteen suuqa keenaya caano oo laga iibsan hayo yaa iyana bilaabatay.
Nimankii SHeekhaash la odhan jiray oo dagaalo bilaabay iyo weerar baa iyana baryahaan cusayb hor leh aheyd.
Xeyle Salaase baa boqornimadii lagu heystaa oo Mingisti baa inqilaab soo wadana way soo yeedhay, Niman baa geed waabtayoo shaah ku karin hayana way horlaheyd, iyo wax Telefon la yidhaahdaa soo baxayaa, Niman wadan kale jira kuu sahli inaad is maqashaan, idinkoonba is arag.

Arimahaas aan kor ku soo xusay oo dhan buu hal gabay isugu geeyay, la yidhaahdo "Dib maxay ka noqon waa adduun doorshay kii horre'e".
Wuxuuna ka mid yahay gabayada Cabdi Gorod kuwiisa loogu jecel yahay.
Allaha unaxariistee, wuxuu yidhi Cabdi Gorod;

Dalka nalaga qaatee weftigu diirada u heyso
Sida duunyo booli ah anaga nalagu doodaayo
Dowyaha Nogbeed iyo rastada duuda laga jeexi
Diyaaradahan Doollo iyo Webi iyo dadab u rooraaya
Waa duun ibleysiyo wuxuun dunida aafeeyne
Dib maxay ka noqon waa adduun doorshay kii horre'e

Dayaxanaa la degi waa iblays derejadiisiiye
Midka diinta heystiyo sharciguu duufso leeyahaye
Waa duun ibleysiyo wuxuun dunida aafeeyne
Dib maxay ka noqon waa adduun doorshay kii horre'e

Nin dameero dhaanshow ahaa jaadka daba roori
Oo maatidiisoo dibjir ah dooga lacag siisan
Oo sidii duq geeloo tebsi leh daamanka u buuri
Waa duun ibleysiyo wuxuun dunida aafeyne
Dib maxay ka noqon waa adduun doorshay kii horre'e

Naaguhu dukaan bay dhigteen dagalka suuqiiye
Caanaha waxay kuu daraan daasad iyo koobe
Adigoon darduwin bay ku odhan dollarka isiiye
Waa duun ibleysiyo wuxuun dunida aafeyne
Dib maxay ka noqon waa adduun doorshay kii horre'e

Sheekhaashtan duulaanka kicin sida Daraawiishta
Diini Xaaji iyo Aw Sadiiq duhurkii geel qaadi
Oo reyfal daasadi dhextaal dib ula soo jeedsan
Oo maganta daasaha gashiyo dili Ogaadeenka
"Daaroodka daanyada ku jira aniga ma i deyni"
Waa duun ibleysiyo wuxuun dunida aafeyne
Dib maxay ka noqon waa adduun doorshay kii horre'e

Sida maro dawaarkii ka go'ay boqorkan duugoobi
Dunta jananka laga qaadiyee alifle loo deyni
Waa duun ibleysiyo wuxuun dunida aafeeyne
Dib maxay ka noqon waa adduun doorshay kii horre'e

Ragan duurka waabtayee qaxwuhu dibinta boogeeyay
Kuwaa dubaya meeshii danlee gabadha oo daawan
Waa duun ibleysiyo wuxuun dunida aafeeyne
Dib maxay ka noqon waa adduun doorshay kii horre'e

Birtan dadani ee uun digriyi sidii, wadaad duub leh
Durba hadalka kuu iman intuu, Xamar kasoo duulo
Dadkan yoomi ee kula fadhiya, kaana sii durugsan
Waa duun ibleysiyo wuxuun dunida aafeeyne
Dib maxay ka noqon waa adduun, doorshay kii hore e!


Wali waxaynu ku gudo jirnaa waxyaabihii ka fajiciyay abwaanka Cabdi Gorod ahe.
Wuxuu magaalada Qabridahare ku arkay, niman ganacsi yeeshayoo , intay geelii kasoo xoreedeen, noloshoodu ku xidhantay wax baabuur dushii saaran.
Alaab loo soo dejiyo, iyaguna alaabooyin udirsada Hargeysa iyo dhulal kale.
Wuxuu kaloo arkay Caano-Niidoo, ama caanaha qasacadeysan ee daasada ku jira oo intii biyo lagu daro, caano ahaan loo cabayo.
Wuxuu kaloo arkay Dumar booskii raga galaya oo qoysaska qaar iyagu kaba taliyo, wuxuuna kusoo horiyay nimankii culimada ahaa ee Reer Aw, ood moodo Cabdi Gorod inuu il gooni ah ku hayay.
Waa gabay aad dadku ujecelyihiin, waxaana ka mid ah meeriskii caanka noqdee ahaa "Nin adduun ku noolow maxaa aragti kuu laaban"
Wuxuu yidhi Cabdi Gorod;

Baabuur isjiidahoo uraran niman Ogaadeena
Ee iib la'aan loogu furi maanta waa ugube
Nin adduun ku noolow maxaa aragti kuu laaban

Caanahaan aduun laga liseyn adhiyo geel toona
Ee ubadka loo qaybiyaa maanta waa ugube
Nin adduun ku noolow maxaa aragti kuu laaban

Usha godan haweenka watee amarka loo dhiibay
Ee sida Askari noo xukumi maanta waa ugube
Nin adduun ku noolow maxaa aragti kuu laaban

Abayoonis iyo Aw-shariif odayo shekhaash ah
Oo intay alabaabada xidheen laga aloolaysto
Oo ergadana geed loogu tegi maanta waa ugube
Nin adduun ku nooloow maxaa aragti kuu laaban


Wali gabayadii Mucjisooyinka adduunka uu ka marshay baynu ku jirnaaye.
Naag maqaaxi shideysa oo bakeeri shaah qaybineysa, Kaarre lagu dagaal galo, oo ninka wadana aanad arkeynin, dowladii oo soomaaliya oo bixineysa koorsooyinka reer guuraage lagu barayo nacfiga geelu leeyahay.
Wuu yaabay, wuuna fajacay Cabdi Gorod.

Gabayadii waxaa ka mid ah kan uu yidhi;

Kuubba iyo Ruush iyo Amxaar, kaynta soo gale e
Kufriga iyo Islaamkuba dadkii, way kilkiliyeene
Keeniyo hoggaanbuu sitaa, kiin aan loo imane
Mid waliba intuu kayn galuu, kaalay leeyahaye

Kaaraha cirkaa marayaan, kor u dayeynaaye
Kolkuu soo degana ciidda waa, lagu kexeeyaaye
Kobna kama duleelaa la yidhi, wuuna ku arkaaye
Waa waxaan xabadi kuu karayn, kaana orod dheere
Waa xaajo kow ahoon la arag, maanta ka horow e!

Naaguhu kobtii lagu ogaa way, ka tegayaane
Kursi bay u fuuleen qaxwaha, keen la leeyahaye
Kun nin oo hareeraha fadhida, kama xishoodaane
Kolkay gacanta kuu fidin la arag, kolanta naaskiiye
Waa xaajo kow ahoon la arag, maanta ka horow e!

Geelaa kursaha weyn la waa, kob an ku maalaaye
Kunbis baaba lala doonayaa koromadiisiiye
Koobada in lagu qaybsadaa, kooros loo galaye
Kobna kama baxeysoo naftani waa la kololeeye
Waa xaajo kow ahoon la arag, maanta ka horow e
Kariimow allahayow adaa dunidan kaalmeyne


Gabayadiisa mucjisada ee cid furtay iyo dan uu ku lahaa midna aan la garaneyn, aniguna shaqsiyan aan aad u raadiyay sababtii ka keentay, waxaa ka mid gabayga la yidhaahdo "Qamardaad"
Waa gabay qufulan oo saan filayo isagoon sharixin dantii uu ka lahaa uu la dhintay allaha uraxmee.
Marka gabaygan akhristayaasha ayay ufurantahay inuu ninba siduu u fahmo ula dhaqaaqo.
Wuxuu yidhi Cabdi Gorod;

Qudhii Maxamed qowlkii Salaan qodabadii Raage
Qamaan iyo Ismaaciil Mirriyo Qowdhan iyo Weerar
Qarnigii horreetaan ka hadhay qoonkii gabaygiiye

Qabri baanan gaadhine adduun qaatay calafkeeye
Wax i qaaday mooyee cirkaan qadow ka laacaaye
Qoraxdii gudeysaan qabsaday Qaahiraan tegaye
Qalin iyo waraaq baan sitoo qaaradaan maraye

Qarduum nimanka joogaan utegay qoomkii Reer Yurube
Qormadaan lahaan jiray dhurwaa qaawan baa degaye
Ingiriisku qooriga Berbera qaylo soo didiye
Diinkuba intuu qolof huwaday qoorta soo ridaye
Qumbulaadii Ruushku maanta way nagu qandoodaaye

Qudha Adari quruxdii JigJiga Qaali iyo Faafan
Qowyaha Nogbeed iyo Wardheer Qaalnimadeeda
Qabridahariyo Dhooba-Weyn qadadii noo tiilay
Qoorriga suweys kama xumayn qoodhay xeradeeye

Lagase qaad qoonkii lahaa taniyo qaabiile
Ogaadeenkan qaxayaa shardoo qaybta laga daayo
Qarxin maayo gabaygaan hayee hayska qamar-daado


Dadka gabayada xiiseeya waxay jecelyihiin, nin gabayaa ah oo magac dheer leh markii ay la kulmaan, inay juqeeyaan oy kolba gees hadalka kala maraan
"Adeer berigii gabaygaad marisay noogu celi" "Adeer hebel ma isu gabaydeen wali" "Adeer Gole-ka-Fuulka ma taqaanaa"
Su,aalo noocaas ah, Gole ka fuulkuna waa masalo dadku jecelyahay, Abwaanka yaqaanana lagu tix geliyo.
Waa Abwaanka kartida uleh inuu meeshii la joogaba iyo marxaladii lagu suganyahayba wax ka tirin karo, isagoon usoo fakarin.
Mar ay nimanka raaska ahi xujeeyeen Cabdi Gorod, oy dhaheen war bal cunadan aynu dul fadhino ka gabay, buu tixahan hoose ee Gole ka Fuulka ah ku jawaabay;

Fandhaal Cali Cadduur qoray haddaan, lagu fataakheynin
Fud malaasan caanaha haddaan, fiiqdu daba joogin
Siddii awr faruur xidhan haddaan, foorar lagu raagin
Ma fogaato gaajadu haddaan, feedhu kor u boodin


Nin Isaaq ahoo ay dekene kala qabeen baa arkay Cabdi Gorod oo carro Isaaq safar ku yimid.
Ninkii baa toorri iska gooyoo damcay inuu laba ukala jaro Cabdi Gorod.
Cabdi Gorod ma hub la,ayne toori buu lasoo baxay isna af-xiir ah, waase lakala qabtay:
Dhacdadii buu ka gabyay isagoo toori afeysanaya maalin kaloo wuxuu yidhi;

Shalay duhurkii Daahirow markii, Carab isoo doontay
Diilintii bannaanayd markuu, dumarku ooyaayey
Dabajiir midduu tumay markuu, igula soo duulay
In lay dili kolkii naagihii lagu dalaaqaayey
Een Daabcaddaydii la baxay, soo degdegi waaye
Soofaha ku duug maandhow waanigii, kuu ducayn jiraye


Gabayadiisa loogu jecelyahay ee lagaga haasaawyo goobaha lagu kulmee magaalada Qabridahare, waxaa ka mid ah gabaygan soo socda ee uu marshay mar uu gaboobay, oo uu malaa doonayay gabadh yar in loo guuriyo.
Duq gaboobayoo geeljirenimo soo maray, xoolo jacayl kama dhamaadee, waxaa kaloo ka muuqdo inuu jecelaan lahaa xoolo badan inuu yeesho, waa gabay aad dadku u xiiseeyaan.
Inuu mar hadii wakhtigiisii gabaabsi yahay oo uu cimriyay, inuu cilmiga diinka barto oo waliba sheekh weynoo la maamuuso noqdo buu sheegtay inuu jecelyahay.
Allaha unaxariistee , wuxuu yidhi Cabdi Gorod;

Qoton gabadha jeeroon la galo qolad'da aan seexdo
Jeeroon birtii lagu qodbiyo qoofalada gooyo
Qumbulaada jeeroon ku rido qalabka loo haysto
Jeeroo qofteydoo i jecel qoodhka iga dhowrto
Qosli maayoo jeeroon ka baxo quudha aadmiga'e

Caanahaa qabowga leh shardoo qabaxsi loo fuudo
Qar-madoobe isagoon la darin qadow dhanaankeeda
Qosli maayoo jeeroon ka baxo quudha aadmiga'e

Jeeroon quraankiyo cilmiga qiil walba usheego
Jeeroon qardhaasaha udhigo qooni nimay heyso
Qosli maayo jeeroon ka baxo quudha aadmiga'e


Waxaa la weriyay in dowladii Kacaanka aheyd Soomaaliya iyo Dhoodaan is madax-dhaafeen.
Dhoodaan oo saluugsanaa qaabka uu kacaanku ula dhaqmayay siyaasada ku wajahan Ogaadeeniya, una majaro habaabinayay.
Dhoodaan sidaas baa lagu qoray inuu mucaarad yahay, maadaamo uu ku fooganaa in shacabka kasoo jeeda dhulkaas oo uu arimo badan oo ka qarsoonaa u iftiimiyo.
Sidaas la adligeed, Dhoodaan wuxuu degay Herer oo uu kasoo gabyi jirey, waana loo tabca waayey.
Wixii abwaan sheegan jiray oo dhan baa laysu keenay Radio Muqdisho, nin liilaya, ama heerka iyo meeqaamka ereyada Dhoodaan beegsanayeen, ag dhiga baa la waayey.
Dadku waa is yaqaanaaye, nin Cabdi Gorod aqoon u lahaa baa yidhi, Nin Dhoodaan ka dhiciya Dowlada Soomaaliya anaa aqaanoo, Cabdi Gorod baa la yidhaahdaa ee haloo yeedho.
Sidii baa Cabdi Gorod lagu keenay meesha, isagoon raali ka aheyn.
Gabay wuxuu tirshay sarbeeb ah oo uu Dhoodaan kula hadlayo oo uu leeyahay, War Kacaankii sirdoon buu kuu soo diraye, meeja aad joogto ka dhaqaaqo.
Gabaygu wuxuu ahaa intaan ka hayo;

Dheri iyo dhardhaar iyo dabbaad, kala dhextaalaaye
Lafo dhuuxba laga waayeybaad, dhabaqsanaysaaye
Hal dhurwaa candhada gooyeybaad, dhiil u sidataaye
Dhabihii walaalkaa ka tagay lagugu dhaandhaanye
Adoo Adari dhaantada ka tumi, yaa dhab lagu siine
Ka dhaqaaq kobtaad taagan tahay, dhabano weynayde
!

Waxaa soo uruurshay Faarax-Geeydh

FaaraxGeeydh@hotmail.com
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”