Clan alliance is back in Kismaayo, Shit hits the fan

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

AhlulbaytSoldier
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 20301
Joined: Fri Feb 08, 2008 4:50 am
Location: Persian Empire

Clan alliance is back in Kismaayo, Shit hits the fan

Post by AhlulbaytSoldier »

Kismaayo Oo Caawa Ah Nin iyo Qori,Beelo Isku Bahaysanaya La Dagaalanka Axmed Madoobe (Warbixin).
Written by Administrator on 23 February 2013.
Rasaas Teel Teel ah oo ay is dhaafsanayaan maleeshiyaadka Axmed Madoobe iyo kuwa kale oo dadka deegaanka ah ayaa caawa fiidkii laga maqlayay Kismaayo xilligaasi oo SomaliMeMo ugu war dambeysay xariir ay la sameyso magaalada.



Diifta dagaalkii maanta ayaa laga dareemayaa waddooyinka waaweyn ee magaalada waxaana dhismayaasha ku dhaw saldhigga Booliska laga dareemayay gubasho kadib markii rasaastii lays dhaafsanayay haleeshay.



Dhimashada laba dhinac ayaa tobaneeyo ah waxaana jira dhaawacyo lagala geeyay goobaha caafimaad ee labada dhinac kala adeegsanayaan,ilo wareedyo aan ka helnay Kismaayo ayaa sheegaya in ciidamo gurmad ah ay caawa kusoo qulqulayaan magaalada arrinkaasi oo sababi kara in colaaddu xoogeysato.


Qof diiday in magaciisa la adeegsado ayaa SomaliMeMo u sheegay in gaadiid dhuxul kasoo daabuli lahaa howdka la baajiyay waxaana kireystay dad gaancsata ah oo tuulooyinka fogfog ugasoo daabulaya maleeshiyaad hubeysan oo qeyb ka naqan doono loolanka Kismaayo.


Ifafaalaha Xisaabaadkii Hore Ee Kismaayo oo la dareemay.

Marka si fiican loogu fiirsado dhiilla colaadeed ee ka taagan magaalada Kismaayo waxaad soo xusuusanaysaa sidii ay Kismaayo aheyd shan sanadood ka hor oo ay magaalada gacanta ku hayeen xoogag beeleed hubeysan.


Isbaheysigii Dooxada Jubba ee Dagaal Ooge Barre Hiiraale madaxda u ahaa ayaa taageera dhanka ciidanka ka heli jiray beelo ay isbaheysi yihiin ,kulamo galabta illaa iyo caawa ka dhacayay Kismaayo ayay xoogagii maanta Axmed Madoobe la dagaalamay waxay ugu gacan haatiyeen beelihii xilligii Dooxada Jubba Isbahaysiga la ahaa xoogaga Mareexaan.


Dagaalkii maanta ka bilaawday magaalada Kismaayo ayaa Wadna qabad ku naqday Axmed Madoobe oo islahaa inta odayaal kooban isugu geysid Kismaayo Sawirana aad ka qaadid halaguu Caleema Saaro Madaxweynaha Waxa Loogu Yeero Jubbaland!!.



Rasaasta ka dhacda qoriga Zuugga ayaa caawa laga maqlay duleedka Kismaayo waxaana loo maleynayaa in beelo hubkooda horay u duugtay xilligii Islaamku Kismaayo maamulayay banaanka ulasoo bexeen hubka si ay qeyb uga qaataan Xisaabaadka Cusub ee Kismaayo ka furmay.


Waxaa Jira Xasaasiyad laga qabo in Axmed Madoobe Maleeshiyaadka uu wato iyo ciidanka Kenya ku gumaado maleeshiyo beeleed hor leh arrinkaasi oo u cuntami waayay qaar katirsan qabaa’ilada Kismaayo.



Waxgaradka Kismaayo waxay sheegayaan in dagaalkii maanta dhacay uusan Axmed Madoobe uusan raalli ka aheyb sababa laxariira siyaasaddiisa oo dhulka gelaysa.


Magaaladan Maanta dagaal beeleedka lugta lagashay muddo 4 Afar sana ah oo uu Islaamku maamulayay xabadi qush kama dhihin waxaana ka jiray ammaan iyo kala dambeyn lagu helay ku dhaqanka shareecada Islaamka.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”