Posted on Mar 6 2013 - 7:46am by Mahad
« PREVIOUS |
Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta ka dodaya qaraar ah in cunoqabataynta hubka ee saaran Soomaaliya.
Qaraarka ka qaadida cunoqabataynta hubka ayaa waxaa maanta ka doodaya xubnaha golaha ammaanka iyadoo cod loo qaadi doono in xayiraada hubka ah laga qaado dalka Soomaaliya iyo in kale.
Dowlada Maraykanka ayaa taageersan ka qaadida cunoqabataynta hubka si dowlada Soomaaliya ay awood ugu yeelato inay iska daafacdo ururka Alshabaab ee xiriirka la leh ururka Alqaaccida.
Xubnaha golaha ammaanka ayaa laga yaabaa in ay oggolaadaan in muddo kooban loo oggolaado dowlada Soomaaliya in ay hub ku keensato.
Dowlada Soomaaliya ayaa horay u dalbaday in laga qaado cunaqabateynta hubka ee saaran si ay awood ugu yeelato inay qalabeyso ciidamadeeda Qaranka.
We need the Arms to built stronger Qaran Army
