Sida geesi xididkiyo
xigtadiisu jeceshahay
oo xubinta hadalkiyo
xaajada yaqaanoo
oo xumaan sokeeyiyo
lagu xaman bakheylnimo
oo xoola bixintiyo
deeqsinima ku xeeldheer
oo loo xubeeroo
sida xuladka nooloo
xaashaan la dhaafeyn
halka uu xariiqo
amase xadiidkiyo
xaqa diinta sheegoo
xag Illaahay mooyee
tii kaleba xooroo
oo ay xertiisiyo
dadkoo idil ku xoomaan

