More protests against farole rock Bosasso *Pictures*
Posted: Fri Mar 08, 2013 3:11 pm
As usual, foreign funded security forces were deployed to break up the peaceful protest.
People are upset at farole's illegal term extension and the neglect they have faced during his time in office. Puntland was once a major player in Somalia, now however, farole has made it irrelevant. The TFG has no respect for us.
-----
Mudaharaadkan subaxnimadii Jimcaha ka bilowday bartamaha magaalada Bosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland ayaa ahaa mid ay ka qeyb qaateen boqolaal shacab ah kuwaasi oo xiray qaar kamid ah jidadka waaweyn ee magaalada Bosaaso.
Isku socodka gaadiidka ayaa hakad ku yimid subaxnimadii hore kadib markii dadka mudaharaadayey ay fadhiisteen wadooyinka bartamahooda, halka kuwo kale ay soco dheer ku mareen wadooyinka waaweyn ee magaalada Bosaaso.
Dadka mudaharaadayey ayaa watay boorar ay ku qoron yihiin erayo looga soo horjeedo Dowlada Farole oo ay kamid ahaayeen Dowlada way dhacday, No Faroole iyo sawiro looga soo horjeedo Madaxweynaha Puntland.
Hal qof ayaa dhaawac soo gaaray kadib markii ay ciidamada Booliiska isku dayaan inay dadka ku kala eryaan rasaas ay ridayeen, balse mudaharaadka ayaa sii socday waxaana magaalada laga maqlayey rasaas xoogan oo ay ciidamada ridayaan, gaar ahaan nawaaxiga Dowladaha Hoose iyo nawaaxiga hotel Juba.
Madaxweynihii hore ee Puntland Gen. Cadde Musse ayaa kamid ahaa dadkii kasoo dhex dhacay mudaharaadkan xiligii uu socday isagoo kusoo beegmay wadadii oo xiran oo ay dhex dhooban yihiin dadkii mudaharaadayey.
Cadde Musse oo gaarigiisa kasoo degtay isla markaana isku dayey inuu la hadlo shacabkii mudaharaadayey ayaa wax yar kadib halkaasi isaga tagay kadib markii ay shacabka u ogolaadeen inuu wadada maro xili uu kusii jeeday gurigiisa uu ka degen yahay xaafada Laanta Hawada ee magaalada Bosaaso.
Mudaharaad Bosaso [08 Mar 13]
Gen.Cadde Musse oo wadada loo baneeyey
Gen.Cadde Musse oo dadkii mudaharaadayey la hadlaya
Wadada Aada Airporka Bosaso oo xiran
Dadka mudaharaadayey oo hakiyey gaadiidka
Mudaharaadka ayaa joogsaday xiligii Salaada Jimce loo dareeray, mudaharaadkan ayaa ah kii sadexaad oo ka dhaca magaalada Bosaaso labadii bilood ee lasoo dhaafay, wuxuuna kusoo beegamayaa xili sicir barar xoogleh ku yimid suuqyada Puntland.
Dhageyso: Mid kamid ah Suxufiyiinta Madaxa-banaan oo ka waramaya Banaanbixii maanta:
Sicir Bararka
Xili uu hoos u dhac horey ugu yimid ganacsiga Puntland ayaa waxaa saameyn ku yeeshay qiimaha sarifka Dollarka oo in muddo ah ka cabanayeen shacabka, waxaana taasi usii dheer iyadoo ay soo kordhayaan cadaadis horleh oo dhanka ganacsi oo salka ku haya go’aamo kasoo baxay dowlada.
Suuqyada Bosaaaso ayaa waxaa sidoo kale saameyn kuyeeshay go’aankii Dowlada Puntland ku gaartay in la joojiyo shidaalka laga keeno dalka Yemen, arrintaasi oo ay horey baaqyo uga soo saareen ganacsatada iyo gaadiidleyda Puntland. Qaar kamid ah ganacsatada yar yar ee Bosaaso ayaa ku eedeeyey dowlada inay ruqsad gaar ah siisay ganacsato waaweyn oo ku xiran Wasaarada Maaliyada iyo Madaxtooyada.
Dowlada Puntland ayaa joojisay Batroolka laga keeno Yemen, iyadoo ku sheegtay mid ay keenaan doonyo amniga wax u dhima oo hub lasoo saaro ama Al Shabaab adeegsadaan, balse doonyaha ka yimaada Yemen ayaa weli yimaada waxa kaliya oo ay dowlada mamnuucday waa shidaalka arrintaasi oo ay ganacsatada shidaalka ku sheegeen mid dano gaar ah laga leeyahay.
“…Doonyihii Bagaashka keeni jiray ee Yemen ka imaan jiray waa yimaadaan, Doonayihiin Kaluumeysiga Yemen waa yimaadaan oo lama mamnuucin, waxa la diiday waa Doonyihii shidaalka, meeshaas ayey ka cadahay in naas nuujinta loo ganacsato ummada oo dhana waa ogtahay xiriirka ka dhaxeeya Wasiirka Maaliyada iyo wiilka Madaxweynaha iyo ganacsatada shidaalka ruqsada loo siiyey ee Dubai fadhiya…” ayuu yiri Saalax Cabdirisaaq oo kamid ah ganacsatada yar yar ee shidaalka ku iibiya magaalada Bosaaso.
Doorashadii Puntland
Dadka mudaharaadaya ayaa qaar kale iyaguna kasoo horjeeda xil kororsigii xukuumada Puntland sameysay, xili dowlada ay sheegtay in xisbiyada is qoray ay doorasho geli doonaan bisha May.
Hase yeeshee doorashadii bishii May oo ka hartay bil kaliya ayaa xiligan shaki soo galay kadib markii Xisbiyada is xaadiriyey ku guuleysan waayeen in ay gobalada Puntland ka diiwaan gashaan xubnahooda oo laga rabay xisbigiiba in uu qoro 330 qof.
Guddiga Doorashada Kumeelgaarka ah ayaa iyagu sheegay in aan loo haabeyn hubinta diiwaangelinta xubnaha sharuuda looga dhigay xisbiyada kadib markii xisbiyada qaarkood oo uu ku jiro xisbiga Horsed ee Madaxweyne Farole ku guuleysan waayeen sida la sheegay inay dhamaan 5ta gobal ee Puntland ka qoraan min 330 qof oo xisbigaasi kamid ah.
Dhinaca kale Doorashada ayaa hada weli loo diyaarin wax Diiwaangelin shacabka ah, lamana yaqaan cida codeyn karta (Muwaadinka) codka dhiiban kara, iyadoo ay soo baxayaan hadalo kasoo yeeray Guddiga Doorashada kumeelgaarka ah oo sheegaya in Doorashada Golayaasha deegaanka lagu geli doono Diiwaan la’aan isla markaana aan weli la qoondeyn degmooyinka ay doorashada ka dhici doonaan.
Qaar kamid ah Xisbiyada Mucaaridka ayaa baaqyo ay soo saareen ka digay sida wax loo wado iyagoo isla markaa niyad xumo ka muujiyey qaabka uu guddiga Doorashada ee uu Madaxweynaha Magacaabay u dhaqmayaan.
Urur siyaasadeedka Midnimo ayaa dhamaadkii bishii lasoo dhaafay bayaan uu soo saaray kaga hadlay walaaca ay ka qabaan Guddiga Doorashada oo diiwaangeliyey urur siyaasadeed oo aan buuxin sharuudii horey loogu xiray inay kasoo baxaan dhamaan ururada siyaasada ee Puntland looga dhawaaqay.
Horseed Media
News Desk

the so called opposition have no shame walle and thats why he will never be president