

http://www.boramanews.com/index.php?...d=34&Itemid=53
Deg deg: Bakhaaradii kaydka Hubka ahaa ee Ville Somalia oo Xalay larartay iyo Tuhun ku saabsan in Shabab laga Gatay.
joore
Mar 16|18:24
War Deg deg ah oo Goor dhowayd aanu kahelay Magaalada Muqdisho ayaa Xaqiijinaya in Gabi ahaan Bakhaaradii Hubka ee Xarunta Madaxtooyada kuyaalay Saqbadhkii Xalay laga rartay wixii Hub ahaa ee ku Kaydsanaa.
Bakhaarada Kaydka Hubka ayaa Gabi ahaanba kuyaalay Xarunta Madaxtooyada mana Jirin meelo kale oo Ciidamada Dawlada Hub u Yaalay, Hubkan Habeenkii Xalay ahaa larartay ayaan la Ogayn meel loorartay, waxaana Jira warar sheegaya in Hubkaasi Gabi ahaanba Kooxda Shabab lagu wareejiyay oo laga Gatay.
Sargaal katirsan Ciidankii ilaalada ka ahaa Kaydkii Hubka ee ugu badnaa kunayaalay Ville Somalia, oo ay waraysi layeesheen Ciidamada Nabad Sugida ee Muqdisho ayaa lasheegay inuu Iftiimiyay in Hubkan lagu raray loogana saaray Bakhaaradii uu ku Kaydsanaa Amar ugayimid Xarunta Madaxtooyada, ayna ku Lug lahaayeen Saraakiil Caana oo katirsan Madaxtooyada.
Dhinaca kale waxaa Jira buuq aad u wayn iyo Sas Xoogle oo kataagan Xarunta Madaxtooyada kana dhashay Hubka Xalay larartay kaasi oo Su'aalo badan kadhasheen Madaxwayne Gurguurte iyo Saraakiil ka socota Ciidamada AMISOM ayaa lasheegay inay Duhurnimadii Maanta booqdeen Bakhaarada Hubka Xalay laga Gurtay, waxayna Shaki wayn ku abuurtay arintani Ciidamada AMISOM.
Lama Oga Halka rasmi ahaan Hubkan loola kacay waxaa se Jira Tuhun dhab ah oo ku aadan in Hubkan laga Gaday Kooxda Xagjirka ah ee Shabab, oo Xidhiidh wanaagsan uu kala dhexeeyo Maamulka Xasan Gurguurte oo isagu hada ku Xisaabtamaya in Hub aad u badan uu uga yimaado Suuqyada Caalamka Maadaamo Cunaqabatayntii laga Qaaday.
Warkan oo aanu kahelay ilo wargaleen ah kala soco