The PM also announced a 6-month temporary administration for Gedo region where the former governor Mohamed Abdi Kalil was renamed.
Dhagayso+Sawiro:- Heshiiskii Ahlusunna iyo Dowladda iyo Sidoo kale Magacaabista Maxamed Cabdi-kaliil
Apr 1, 2013 - jawaab
Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Wal Jamaaca ee Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta heshiis ku kala saxiixday magaalada Garbahaareey ee xarunta gobolka Gedo.
Heshiiskaan oo ka kooban Shan qodob ayaa waxaa Saxaafadda u aqriyey Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi waxaana qodobadaasi ay kala yihiin:-
1-in Ahlu Sunna Wal Jamaaca loo mahad celiyo,lana aqoonsado halgankoodii dheeraa ee ay usoo galeen in gobollada Koonfur Galbeed laga xoreeeyo Khawaarijta Al-Shabaab.
2-in ciidammada Ahlu Sunna iyo Saraakiishooda la qarameeyo oo ay si rasmi ah uga mid noqdaan Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed.
3-in qalabka iyo gaadiidka Ahlu Sunna lagusoo wareejiyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.
4-in la daryeelo agoontii ay ka geeriyoodeen halgamayaashii ka tirsanaa Ahlu Sunna ee naftooda u huray halganka khawaarijta .
5-in la magacaabo gudi farsamo oo ka kooban labada dhinac si ay heshiiskaan u hirgeliyaan.
Heshiiskaan ayaa dhanka Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa u saxiixay Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi ayadoo dhanka Ahlu Sunna Wal Jamaaca ee Koonfur Galbeed ay u saxiixeen 1-C/raxmaan Axmed Amiin, Kusimaha Gudoomiyaha Ahlu Sunna Koonfur Galbeed,2-Sheekh Maxamed Xuseen Al-Qaadi afhayeenka Ahlu Sunna koonfur Galbeed iyo Taliyaha Ahlu Sunna ee Koonfur Galbeed.
Sidoo kale Heshiiska kadib ayaa waxaa hadlay Raisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Sacid).
Sidoo kale waxaa Maanta lagu dhawaaqay Guddoomiyaha KMG ah ee gobolka Gedo kaasoo loo magacaabay Maxamed Cabdi Kaliil.
Cabdi Faarax Shirdoon ayaa horay ula galay Maamulka Ahlusunna ee gobolada Dhexe heshiis ka kooban dhowr dhinac, waana heshiiskii labad ee uu la galo Ahlusunna.
http://saadaalnews.com/2013/04/01/dhaga ... di-kaliil/





