SourceMarna ma kula heshiineyno dhulkeena Mooriyaanta Guriceel(Qalinkii tafatiraha Markanews)
April 11, 2013 | Filed under: Wararka | Posted by: Webmaster
Odayaashii beesha Biimaal ee todobaadyo ka hor kulan kula yeeshay Magaalada Marka saraakiil ka socotay Ciidamada Dowladda waxa ay afbuuxa ugu yiraahdeen “dhulkeena ma kula heshiineyno Mooriyaanta Guriceel”.
Hadalkaas waxa uu ahaa mid taariikhi ah, oo ay tahay in Jiilka hadda jooga uu u gudbiyo jiilaalka soo socda waayo waa hadal xaq ah oo laga horsheegay mas’uuliyiin ku sifoobay Dulmi iyo beel necbeysi.Waa Hadal xaq ah oo laga hor sheegay nin sheeganaya in uu madax u yahay ciidamo Soomaliyeed, oo Hubkii qaranka u adeegsaday in beel Soomaliyeed ku xasuuqo, Sharafta gabdhahoodana meel uga dhaco.
Dhamaan Odaydhaqameedka Beesha Biimaal wa in ay ku socdaan wadadii ay noo jeexeen Odayaashaas geesiyaasha ah ee sida cad ee aan gabashada lahayn ula hadlay saraakiishii ciidamada Dowladda ,oo aysan marna aqbalin Qorshayaasha ay maleegayaan Madaxda beesha mooriyaanta Guriceel ee aadka ugu xeel dheer dhagaraha iyo jalaafooyinka siyaasadeed.
Kadib markaan akhriyay Warkii ay maalintii shalay ahayd ay qortay shabakadda markanews ee ku saabsanaa Wadahadalada xamar ku dhex maray labada dhinac ee Biimaal iyo reer Guriceel iyo xiriiro aan la sameeyay gudaha dalka Soomaliyeed waxaa ii soo baxay in Odayaasha Biimaal ay ku dhaceen dabinkii ay u dhigeen madaxda Beesha mooriyaanta Guriceel.
Taas waxaa daliil u ah:
1. Madasha shirka wadaxaajoodka ee ka dhacay Muqdisho waxaa fadhiyay dhagar qabayaal dambiyo culus ka galay dadka gobolka Shabellada Hoose, oo uu ugu horeeyo Jaamac Balow oo ah nin dhibaato weyn u geystay guud ahaan dadka Shabeelada Hoose gaar ahaan dadkeena ku nool Tuulada Gaawarow iyo Degmada Qoryooley. Waa nin ka mid ah madaxdii Maamulkii Indhacade ee horay ugu amartaagleyn jiray Gobolka. Jaamac Balow waa nin beer ay leeyihiin dadka Shabellada hoose oo ku taalada Tuulada Farxaane xoog ku heysta. Haddaba, Odayaashii ka qeyb galay kulankaas waxa ay ku qaldanaayeen in ay hor fariistaan dambiilahaas waayo ma aha wax marna la qaadan karo in ninkii mooriyaan ah oo ku dulmay gogol loo fariisto.
2. Sidoo kale Cidda soo qaban qaabisay kulanka waa wasaaradda Dhulbalaarsiga oo uu madax ka yahay Cabdikariim Guuleed oo ay heyb qabiil oo hoose wadaagaan Mooriyaanta Jaamac Balow iyo Cabdisalaan. Waxaa wasaaradda arimaha Dhulbalaarsiga shirkaas u matalayey nin lagu magacaabo Iidle oo ay walaalo yihiin Cabdikariim Guuleed. Taas waxa ay la micno tahay “Qaadiga Maxkamadda iyo eedeysanahaba waa isla Hal qof”. Kulankaas ma joogin cid dhex dhexaad ah oo ka madax banaan labada dhinac ee is heysta. Odayaasha Biimaal waxa ay ahayd in hadiiba ay horfadhiisanayaan Odayaasha Mooriyaanta Guriceel in ay la fadhiistaan goob dhex dhexaad ah, waxa ay ahayd in ay ku wada hadlaan gogol ay fidisay cid dhex dhexaad ah. Taasna meesha kama dhicin.
3.Waxaa labadaas qodob ka sii daran in kulamadii dhacay kadib lagu heshiiyay in kulan dhameystir ah leysugu yimaado magaalada Marka, oo ay labada beelood Heshiis buuxa ku gaaraan. Qodobkan waa mid aan marna la aqbali karin, waa qodobkii ay horay u diideen Odayaashii Marka ee Caalamka oo dhan laga daawaday ee yiri “Gurigeyga kulama heshiinayo Mooriyaanta Guriceel”. Hoos ka daawo Video ga odeyaashan geesiyada ah.
Kulan ka dhaca Marka oo ay ku heshiiyaan Mooriyaanta Guriceel iyo Beesha Biimaal waxa ay khiyaano ku tahay Odayaashaas geesiyaasha ah iyo dhalinyaradii lagu dilay digaalkii xaq u dirirka ahaa ee ay la galeen maleeshiyada Guriceel. Hadii uu kulan ay ku heshiiyaan Biimaal iyo Mooriyaanta Guriceel leysugu yimaado magaalada Marka waxa ay ka dhigan tahay in Mooriyaanta Guriceel ay wax ku leeyihiin Gobolka, labada beeloodna ay wada degaan Gobolkaas.
Haddaba, Odayaasha ka qeyb galay kulankaas waxa ay ku dhaceen dembi weyn, waxa ayna khiyaaneen dadkooda laakiin dambi kaas ka sii weyn waxa ay ku dhici doonaan marka ay gogol magaalada Marka kula fariistaan Madaxda dambiilayaasha Guriceel.
Beesha Biimaal waa beel nabada jecel oo aan ku xadgudbin beelaha kale iyo deegaanadooda laakiin hadana waa beel aan dulmiga aqbalin, waa beel aan marna ogoleyn in dhulkeeda lagu maamulo. Waxa ay dagaalo qaraar la galeen Gumeystihii taliyaaniga oo Hub casri ah watay xilligaas iyagoo diidaya in dhulkooda lagu gumeysto, maantana ma aqbali doonto in cid kale ay deengkeeda kudhulbalaarsato.
Waxaan digniin culus u jeedineynaa Odayaasha ku lugta leh wadaxaajoodkaas in ay xal quursi ku dhisan u soo qaadaan beesha Biimaal, hadii ay sidaas sameeyaana wixii ka dhasha iyagaa masuuliyadeeda qaadaya.
Marna ma kula heshiineyno dhulkeena Mooriyaanta Guriceel(Qal
Moderator: Moderators
-
- SomaliNet Super
- Posts: 20702
- Joined: Wed Jun 28, 2006 9:39 am
Marna ma kula heshiineyno dhulkeena Mooriyaanta Guriceel(Qal
Last edited by The_Patriot on Thu Apr 11, 2013 10:02 am, edited 1 time in total.
- AbkoowDhiblaawe
- SomaliNet Super
- Posts: 14237
- Joined: Fri Jan 18, 2013 7:02 pm
- Location: chilling in Liido beach
Re: Marna ma kula heshiineyno dhulkeena Mooriyaanta Guriceel
how many threads or posts do you make daily about habar gidir




-
- SomaliNet Super
- Posts: 20702
- Joined: Wed Jun 28, 2006 9:39 am
Re: Marna ma kula heshiineyno dhulkeena Mooriyaanta Guriceel
Ask Shabbellenews how many they make about juboyinka.Warsheekh wrote:how many threads or posts do you make daily about habar gidir![]()
![]()

-
- SomaliNet Super
- Posts: 20702
- Joined: Wed Jun 28, 2006 9:39 am
Re: Marna ma kula heshiineyno dhulkeena Mooriyaanta Guriceel
SourceIsbaarooyin xad dhaaf ah oo la soo dhigay wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye
April 11, 2013 | Filed under: Wararka | Posted by: Webmaster
Ciidamada Dowladda ayaa Isbaarooyin ay gawaarida iyo dadka lacag baad ah uga qaadanayaan soo dhigay wadada isku xirta magaalada Muqdisho iyo Afgooye.
Ciidamada Dowladda ayaa isboorooyin aad u tira badan oo aan horay loo arag soo dhigtay goobo badan oo ku yaala wadadaas sida; Xaawo Cabdi, Siinka dheer,Calamada, Carbiska iyo Alnasri.
Ciidamada ayaa dhibaatooyin ku geysta darawalada Gawaarida iyo dadka rakaabka ah iyagoo kufsi iyo dhac u geysta dadka saaran gawaarida hadii darawalada gawaarida ay bixin waayaan lacagta baada ah.
Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in saraakiisha ugu sareysa ee ciidamada Dowladda ee ku sugan Xamar iyo Gobolka Shabellada hoose ay bixiyeen amarka ay maleeshiyadaas ku dhigteen isbaarada iyagoo sabab uga dhigaya in aysan helin xuquuqdii ay ku lahaayeen Dowladda.
- AbkoowDhiblaawe
- SomaliNet Super
- Posts: 14237
- Joined: Fri Jan 18, 2013 7:02 pm
- Location: chilling in Liido beach
Re: Marna ma kula heshiineyno dhulkeena Mooriyaanta Guriceel
who is shabellenewsThe_Patriot wrote:Ask Shabbellenews how many they make about juboyinka.Warsheekh wrote:how many threads or posts do you make daily about habar gidir![]()
![]()

Re: Marna ma kula heshiineyno dhulkeena Mooriyaanta Guriceel
Habargidir get out of Shabeellaha hoose and Darood get out of Jubbaland 

-
- SomaliNet Super
- Posts: 20702
- Joined: Wed Jun 28, 2006 9:39 am
Re: Marna ma kula heshiineyno dhulkeena Mooriyaanta Guriceel
Cery foxnews version 

-
- SomaliNet Super
- Posts: 20702
- Joined: Wed Jun 28, 2006 9:39 am
Re: Marna ma kula heshiineyno dhulkeena Mooriyaanta Guriceel
Besha Kuwait go back to kinshasa.Somaliman_50 wrote:Habargidir get out of Shabeellaha hoose and Darood get out of Jubbaland

- AbkoowDhiblaawe
- SomaliNet Super
- Posts: 14237
- Joined: Fri Jan 18, 2013 7:02 pm
- Location: chilling in Liido beach
Re: Marna ma kula heshiineyno dhulkeena Mooriyaanta Guriceel
thanks brother Lameck KipropThe_Patriot wrote:Cery foxnews version

-
- SomaliNet Super
- Posts: 7820
- Joined: Sat Oct 16, 2010 1:22 pm
- Location: Xarunta Xisbiga Gooni Isu Taaga Dal udug
Re: Marna ma kula heshiineyno dhulkeena Mooriyaanta Guriceel
Somaliman_50 wrote:Habargidir get out of Shabeellaha hoose

Somaliman_50 wrote: and Darood get out of Jubbaland

- FarhanYare
- SomaliNet Super
- Posts: 19029
- Joined: Fri Jun 17, 2011 10:06 pm
- Location: Location:Location
Re: Marna ma kula heshiineyno dhulkeena Mooriyaanta Guriceel
.....................................................................................................................
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 231 Views
-
Last post by Moguul21
-
- 1 Replies
- 296 Views
-
Last post by waryaa
-
- 3 Replies
- 285 Views
-
Last post by LilTrigger
-
- 32 Replies
- 4519 Views
-
Last post by bashe19
-
- 13 Replies
- 911 Views
-
Last post by grandpakhalif
-
- 9 Replies
- 1058 Views
-
Last post by xaliye123
-
- 8 Replies
- 1092 Views
-
Last post by Timiro1999
-
- 7 Replies
- 852 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 6 Replies
- 413 Views
-
Last post by Somaliweyn Commando
-
- 6 Replies
- 507 Views
-
Last post by X.Playa