Iyadoo dhawaan la filayo in Magaaladda London ee dalka Ingiriiska uu ka furmo Shir looga hadli doono Arrimaha Soomaaliya ayaa waxaa war qoraal ah laga soo saaray Xafiiska Ra’isul Waasaraha Dalkan Ingiriiska David Camaroon lagu sheegay in Dowladda ingiriisku aysan marnaba raali ka noqon doonin in la carqaladeeyo Hanaanka geedi socodka Soomaaliya.
Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in Dowladda Ingiriisku aysan Horseed u noqon doonin kala goynta Dalka Soomaaliya iyo kala fogeynta Siyaasiyeentamidna sida warka lagu yiri , waxaana warsaxaafadeedkaasi sidoo kale lagu sheegay in dowladda Ingiriisku ay buuxin doonto kaalinta kaga aadan Horumarin, Ammaanka Soomaaliya.
Dhanka kale, Qoraal gudaha isbuucaani ka soo baxay Xafiiska Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka John Kerry, ayaa waxaa lagu sheegay in Dowladda Maraykanka ay raaci doonto Natiijada ka soo baxda Shirka dhawaan ka furmi doona Magaaladda London, waxaana sidoo kale qoraalka lagu sheegay in Dowladda Maraykanka ay qaadatay Mowqif ku aadan inay taageerto Hanaanka geedi socodka Soomaaliya , waxaana lagu xusay inay kaalin buuxda ka qaadan doonto dowladda Maraykanka Dhanka Ammaanka iyo Horumarinta Soomaaliya.
Qoraalka oo ahaa mid diirada lagu saarayo Arrimaha Soomaaliya, ayaa waxaa lagu sheegay in dowladda Maraykanku ay Soomaaliya u Aqoonsan tahay inuu yahay Hal dal oo aan kala qeybsami Karin, waxaana sidoo kale lagu sheegay in marnaba Dowladda Obama aysan kaalin ka qaadan doonin kala jarida Soomaaliya .
Si kastaba ha ahaatee qoraaladda ka soo kala baxay Dalalka Ingiriiska iyo Maraykanka ayaa waxaa uu ahaa mid lagu xaqiijinaayo in Soomaaliya ay tahay Hal wadan isla markaana uusan ahayn dal kala qeybsami kara.
I always knew that their interest ''oil'' is to have a united Somalia so lets
