Source:HAG Security Council.Doonyo hub siday oo gaaray xeebaha magaalada Kismaayo oo xiisadaha ka jira oo sii xoogeysanaya
Waxaa sii xoogeysanaya xiisado colaadeed oo ka aloosmay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada hoose tan iyo markii habeen ka hor uu halkaas gaaray Col. Barre Aadan Shire (Hiiraale) oo dooni kaga ambabaxay Muqdisho.
Wararku waxay sheegayaan in kulamo dhexmaray Axmed Madoobe iyo Barre Hiiraale kuna saabsanaa shirka ka socda Kismaayo la isku fahmi waayey, waxaana kulamadaas barbar socday diyaar garow dagaal iyo dhaqdhaqaaq ciidan oo ay wadaan labada dhinac.
Sida ay sheegayaan wararku magaalada Kismaayo xeebaha ku dhow ayaa waxaa xalay gaaray saddex doonyood oo Ciidamo iyo hub u siday Col Barre Hiiraale kuwaasoo ilaalinaya guriga uu degay Barre Hiiraale iyadoo ay ku biireen ciidamo kale oo ku sugnaa Kismaayo.
Hogaamiyaha Jabhada Raaskambooni Axmed Madoobe ayaa dagaal adag oo muddo dheer qaatay u soo galay la wareegida Kismaayo isagoo taageero siyaasadeed iyo mid mileteri ka haystaa ciidanka Kenya oo ah awooda ugu weyn ee maamusha Kismaayo kuwaasoo magaca AMISOM halkaas ku jooga.
Barre Hiiraale oo horay dhowr mar Kismaayo u soo maamulay ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya inuu taageero siyaasadeed iyo milateri ka heysto dowlada Somalia, si meesha looga saaro Axmed Madoobe iyo kooxdiisa oo magac ahaan ogol dowlada, hase ahaatee siyaasad ahaan diidan.
Ciidamo kala taabacsan labada dhinac ayaa fariisimo milateri ka kala sameysanaya gudaha iyo daafaha magaalada Kismaayo, waxaan laga cabsi qabaa inuu dagaal ka qarxo halkaas, iyadoo dadweynaha magaalada ay wadnaha farta ku hayaan xiisadaha halkaas ka jira awgeed iyagoo isweydiinaya sida ay waxyeeli lahaayeen haddiiba labada dhinac ee magaalada ku loolamaya ay food is daraan.
Doonyo hub siday oo gaaray xeebaha magaalada Kismaayo oo xii
Moderator: Moderators
-
- SomaliNet Super
- Posts: 20702
- Joined: Wed Jun 28, 2006 9:39 am
Doonyo hub siday oo gaaray xeebaha magaalada Kismaayo oo xii
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 4 Replies
- 543 Views
-
Last post by CaliCaato
-
- 3 Replies
- 505 Views
-
Last post by Murax
-
- 13 Replies
- 946 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 0 Replies
- 311 Views
-
Last post by Somali2003
-
- 4 Replies
- 648 Views
-
Last post by The_Patriot
-
- 0 Replies
- 298 Views
-
Last post by KacdoonSool
-
- 16 Replies
- 5220 Views
-
Last post by Colonel
-
- 0 Replies
- 695 Views
-
Last post by Murax
-
- 14 Replies
- 1209 Views
-
Last post by Warsame101
-
- 2 Replies
- 614 Views
-
Last post by watchman