War deg deg:- Caleema saarka Coll Barre Hiiraale oo Kismaayo ka soconaya.
Wararka ka imaanaya Magaalada Kismaayo ayaa sheegaya goordhow In ay ka bilaabatay Hotel Barawaa ee Magaalada Kismaayo Xafladda Caleema Saarka Coll Barre Hiiraale oo kamid ah Labo Madaxwayne oo shalay yeelatay Kismaayo.
Xafladda Caleema saarka ayaa waxaa sida uu no sheegay Suldaan Cabdirashiid oo kamid ah raga ka qayb galaya, waxaa iskugu yimid salaadiin kasoo jeeda dhamaan beelaha daga Jubbooyinka iyo Saraakiil Ciidan.
Caleema Sarka Barre ayaa la filayaa inay Khudbado ka jeedin doonaan Masuuliyiin sare oo ka tirsan Ciidamadda Dowladda iyo Odayaal dhaqameed.
Wararkeena danbe kala soco Faah faahin ku saabsan Caleema saarka Barre.
BREAKING NEWS CALEEMO SAARKA PRESIDENT BARE HIRALE OO KA SOC
Moderator: Moderators
- CoolPoisons
- SomaliNet Super
- Posts: 10533
- Joined: Sun Dec 16, 2007 7:23 am
-
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 3328
- Joined: Tue Oct 30, 2012 8:34 am
- Location: Hawd bartu geela ka daaqo.
Re: BREAKING NEWS CALEEMO SAARKA PRESIDENT BARE HIRALE OO KA
Sources please.
- CoolPoisons
- SomaliNet Super
- Posts: 10533
- Joined: Sun Dec 16, 2007 7:23 am
Re: BREAKING NEWS CALEEMO SAARKA PRESIDENT BARE HIRALE OO KA
Kismaayo-(Sh.M.Network)-Munaasabad Lagu Taageerayay Korneel Barre Aadan Shire ( Barre Hiiraale ) oo Shalay sheegay in loo doortay Madaxweynaha Jubbaland ayaa Maanta ka dhacday Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose.
Munaasabadda ayaa waxaa ka soo qeyb galay Odayaal, Waxgarad iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Ku Nool Magaalada Kismaayo oo intooda badan halkaasi ka hadlay iyagoona Muujiyay taageerada ay u hayan Barre Hiiraale.
Cali Mustaf Axmed oo ah Suldaanka Beelaha Digil iyo Mirifle ee Jubbooyinka iyo Guddoomiyaha dhaqanka Beelaha Hawiye ee Jubbooyinka Cabdi Max’ed Yarow iyo Max’ed Bashiir Madoobe oo ah Suldaanka Beelaha Sade ee Waamo oo dhammaantood halkaasi ka hadlay ayaa soo dhaweeyay Madaxweynaha Maamulka Jubbaland.
Korneel Barre Aadan Shire ( Barre Hiiraale) oo Munaasabadda Ka hadlay ayaa soo dhaweeyay taageerada loo Muujiyay isagoona sheegay in uu ku shaqeyn doono rabitaanka Shacabka ku nool Gobollada Jubbooyinka Wuxuuna ku baaqay dib u Heshiisiin in la isugu keeno Beelaha dega Gobollada Jubbooyinka.
Sidoo kale Barre Hiiraale ayaa Farriin u diray Shacabka Jubbooyinka oo uu ugu baaqay in ay taageeraan Shaqsiyaadka ka talinaya Maslaxadda Gobollada Jubbooyinka.
Shalay ayey ahayd markii Barre Aadan Shire ( Barre Hiiraale) uu sheegay in loo doortay Madaxweynaha Maamulka Jubbaland iyadoona ay Xusid Mudantahay in Hoggaamiyaha Ururka Raaskaambooni Axmed Max’ed Islaam ( Axmed Madoobe) uu isna sheegay in loo doortay Madaxtinimada Maamulka Jubbaland.

- TheAspiringMufti
- SomaliNetizen
- Posts: 394
- Joined: Thu May 09, 2013 4:42 pm
- Location: The genius Hyuuga Neji will never be forgotten!
Re: BREAKING NEWS CALEEMO SAARKA PRESIDENT BARE HIRALE OO KA
Kismaayo (AGGM): Xaflad si heersare ah loo soo agaasimay islamarkaasina ay kasoo qeybgaleen nabadoonno, salaadiin, ugaasyo iyo waxgarad kasoo jeeda beelaha dega Jubooyinka ayaa maanta ka dhacday Hotel Baranwaa ee magaalada Kismaayo.
Xafladan oo ahayd mid lagu caleemo saarayo Col Barre Aadan Shire (Hiiraale) ayaa waxa kasoo qeybgalay dadweeyne aad u fara badan oo ay ka dhexmuuqdeen saraakiisha ciidamad dowladda ee Jubooyinka, siyaasiyiin caan ah, haween, odoyaal iyo dhalinyaro.
Goobta ayaa waxaa khudbado kala duwan ka jeediyay waxgaradkii xaflada kasoo qeybgalay, waxayna Col Barre ugu hambalyeeyeen xilka uu ku guuleeystay, iyagoona sidoo kale u rajeeyay in uu noqdo mid kasoo baxa masuuliyadda culus ee loo dhiibay.
Nabadoon Salaad Max’ed oo ka mid ahaa dadkii goobta ka hadlay ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay in maanta magaalada Kismaayo lagu caleemo saaro hogaanka cusub ee Jubooyinka, isagoona sheegay in masuulkani ay soo doorteen guud ahaan beelaha dega Jubooyinka.
“Shacabka ku dhaqan Jubooyinka waxaa hogaamin kara ciddii ay raali ka yihiin, Col Barre waxaa doortay dhamaan qabaa’illada dega Jubooyinka, fadhiga maantana way ku dhanyihiin qabiiladii deegaanka u ahaa Jubooyinka,” ayuu hadalkiisii raaciyay.
Intaas kadib ayaa waxaa goobta ka hadlay Col Barre Aadan Shire oo ah madaxweeynaha cusub ee dowlad goboleedka Jubbaland, wuxuuna uga mahadceliyay dhamaan dadkii xaflada kasoo qeybgalay taageerada ay u muujiyeen, isagoona sidoo kale ballan qaaday in uu howshiisa u gudan doono si daacadnimo ay ku dheehantahay.
“Waxaan idiin ballanqaadayaa in xilka aad ii dhiibateen aan uga soo baxo si cadaalad ah oo waafaqsan shareecada Islaamka,” ayuu hadalkiisii raaciyay.
Ugu danbeyn ayaa waxaa halkaasi xilka madaxweeynenimo loogu dhaariyay Col Barre Hiiraale, waxaana jawiga xafladda uu kusoo dhamaaday si nabadgelyo ah.
Maamulka KMG ee Kismaayo ayaa saxafiyiinta uga digay in ay ka qeybgalaan xafladaasi, waxaana jawiga xafladda uu ku soo dhamaaday si nabadgelyo ah.
Dhinaca kale waxaa magaalada Kismaayo ka dhacay dibad bax aad u ballaaran oo ay kasoo qeybgaleen kumannaan dadweeyne kaasoo lagu taageerayay Madaxweeynaha cusub ee maamulka goboleedka Jubbaland Col Barre Aadan Shire (Hiiraale).Filo Dhawaan Sawiro iyo Maqal Iyo Muqaal.
Ibraahim Geedi
Kismaayo-Soomaaliya.Isha Ku Hay Allgalgaduud Media

- Posts: 7582
- Joined: Fri Jan 23, 2009 5:51 am
- Location: nomand, first of my names, king of the andals and the first men
Re: BREAKING NEWS CALEEMO SAARKA PRESIDENT BARE HIRALE OO KA
all of jubbaland is celebrating tonight, i heard all of kismaayo is happy with their new president barre hiiraale.
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 2 Replies
- 49 Views
-
Last post by Murax
-
- 4 Replies
- 1152 Views
-
Last post by Magnusomalius
-
- 31 Replies
- 215 Views
-
Last post by COSTA
-
- 38 Replies
- 2357 Views
-
Last post by snoop12
-
- 1 Replies
- 526 Views
-
Last post by grandpakhalif
-
- 26 Replies
- 1769 Views
-
Last post by Murax
-
- 32 Replies
- 2769 Views
-
Last post by Mustafee101
-
- 27 Replies
- 2349 Views
-
Last post by CoolPoisons
-
- 2 Replies
- 635 Views
-
Last post by 500ml
-
- 1 Replies
- 695 Views
-
Last post by The_Patriot