Fmr Governor of Mudug annouces he is running for Pres (pics)

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

Southie4life
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 481
Joined: Thu Apr 16, 2009 10:16 am

Fmr Governor of Mudug annouces he is running for Pres (pics)

Post by Southie4life »

He is the former governor of Mudug and wants to run for the presidency of Puntland.

----

http://horseedmedia.net/2013/05/16/maxa ... sawirocod/


Maxamuud Cabdiraxmaan Cuuke oo ku dhawaaqay inuu yahay Musharax utaagan xilka Madaxweynaha Puntland (Sawiro+Cod)
| on May 16, 2013
0 Comments

Gudoomiyihii hore ee gobolka Mudug horeyna usoo ahaan jiray Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada Puntland Mudane Maxamuud C/raxmaan Cuuke ayaa waxaa uu isu soo taagay xilka Madaxweynaha Dawladda Puntland.

Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo ahayd xaflad qado sharaf ah ayuu Mudane Cuuke u sameeyay Siyaasiyiin, Waxgarad, Aqoonyahan, Dhallinyaro, Culimaa’udiin, Haween iyo Marti sharaf kale, munaasabadaasi oo uu Mudane Cuuke ku shaaciyay in uu yahay Musharax u taagan Xilka Madaxweynaha Dawladda Puntland.

Musharax Cuuke ayaa dadweynihii xafladiisa kasoo qeybgalay wuxuu uga sheekeeyay halka ay marayso xaalada dalka gaar ahaan Puntland, wuxuuna sheegay in uu doonayo in uu wax badan ka badalo sida ay haatan tahay Puntland, haddii loo doorto xilka Madaxweynaha Puntland.

Mudane Maxamuud C/raxmaan Cuuke ayaa wuxuu shaaca ka qaaday haddii loo doorto Madaxweynaha Puntland in uu dalka ka hirgelin doono waxbarasho lacag la’aan ah, caafimaad dalka gudihiisa laga helayo oo bilaash ah, amaanka oo uu sheegay in uu gacan bir ah ku qaban doono, siyaasada gudaha iyo dibada oo uu sheegay in uu sare u qaadi doono, isagoona sheegay in balan qaadyadaasi iyo kuwa kale oo badan in uu doonayo in uu dalka ka hirgeliyo waa haddii Madaxweyne loo doorto.

Dhagayso Codka Musharax Cuuke

Musharaxa ayaa tusaale u soo qaatay waxqabadkiisii Wasaaradda Waxbarashada iyo sidoo kale intii uu hayay xilka Gudoomiyaha Gobolka Mudug, xilalkaasi oo uu sheegay in uu u gutay si waafaqsan sharciga isagoo sheegay in uusan lunsan hanti shacab.

Mudane Cuuke waxaa uu sheegay in uu cadaalad iyo sinaan ku dhaqi doono shacabka Puntland haddii loo doorto Madaxweynaha Puntland, wuxuuna hadalkiisa ku daray in uu noqon doono qofka ugu awooda yar dawladiisa marka loo doorto Madaxweyne, wuxuuna sheegay in uusan awooda ku faragashan doonin hay’addaha Xukuumada.

Waxgarad, Odayaal dhaqan, Siyaasiyiin, Dhallinyaro iyo Ururada haweenka qeybahooda kala duwan ayaa xaflada ka hadlay, waxayna Musharax Cuuke ku taageereen sida geesinimada leh ee uu isu soo sharaxay, waxayna u balan qaadeen in ay siin doonaan codkooda oo ay ku taageeri doonaan in uu xilkaasi ku guuleysto.

Xildhibaan Siciido Geelle Diiriye oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Baarlamaanka Puntland ayaa Musharax Cuuke ku taageertay hadafkiisa ku aadan in uu noqdo Madaxweynaha Puntland, waxayna ka codsatay in uu cadaalad iyo sinaan dadka ku dhaqo haddii loo doorto xilkaasi.

Musharaxa ayaa horey usoo qabtay xilalka Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada Puntland iyo xilka Gudoomiyaha Gobolka Mudug iyo Duqa Magaalada Gaalkacyo, wuxuuna xilalkaasi oo muddo kooban uu hayay uu ka qabtay guulo la taaban karo oo ay weli qaarkood shacabku ku xasuustaan Mudane Cuuke.

Dowladda Puntland ee uu hoggaamiyo Cabdiraxmaan Faroole ayaa doorashadii 2009 loo igmadey in ay xilka hayaan 4 sano, waxa uu ballan qaadey in doorashada danbe ay u dhici doonto nidaamka Dimoraadiga ah ee qofwalba codkiisa ku soo dooranayo Xildhibaanada dooranaya Madaxweynaha, taasi may dhici, Waxaana sanadkii 2012 xilka loo kordhiyey Xukuumadda oo laga dhigey 5 sano halkii ay ka ahayd 4 sano, Musharixiin hore isugu soo taagey in sanadkan 2013 Bisha Janaayo ay u tartamayaan xilka Madaxweynaha ayaa ku hungoobey wax doorasho ah ma dhicin, iyada oo waqtigu aad u yarayd waxaa hadda Xukuumadda jirta ay sheegtey in Doorashooyinka Goloyaasha deegaanku dhacayaan 30 June 2013, Dad badan ayaa aaminsan in doorashada Madaxweynuhu ay u dhici doonto sidii hore ay ugu dhici jirtey, Musharaxan cusubna ee Cabdiraxmaan Cuuke iskama so sharixin Xisbiyada hadda isu diyaarinaya Doorashada goloyaasha Deegaanka.

Image

Image

Image

Image
Southie4life
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 481
Joined: Thu Apr 16, 2009 10:16 am

Re: Fmr Governor of Mudug annouces he is running for Pres (p

Post by Southie4life »

http://puntlandnews24.com/maxamuud-crax ... odhagaysi/

Maxamuud C/raxmaan Cawke oo ku dhawaaqay inuu u sharaxanyahay madaxtinimada Puntland [Sawiro+Dhagaysi]
May 16, 2013 // Warar Somaali

Magalada Gaalkacyo ayaa maanta waxaa ka dhacaday Xaflad lagu maamuusayo Musharax Madaxwayne ee Dawlada Puntland waxaana isu soo taagay oo sheegtay in uu u taaganyahay xilka madaxwayne ee dawlada puntland musharaxay Maxmuud C/raxmaan Cawke.

Musharaxa ayaa waxaa uu sheegay in uu doonayo in uu noqdo madaxwaynaha dawlada puntland waxana uu sheegay in uu wax ka bedeli doono siyaasadda dawlada Puntland ,mushaarka ciidamda Dawlada Puntland iyo waxbarashada oo uu lacag la,aan kadhigayo waasiduu hadalka u dhigay Musharaxa cusub.

Musharaxan Cusub Maxmuud ayaa horay Dawlada Puntland Xilalkaladuwan kasoo Qabtay Isagoo Soo maray Gudoomiyaha Gobolka Mudug , Duqa Magalada Gaalkacyo iyo agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarshada Puntland, sidoo kale waxaa uu kasoo shaqeeyey xafiiska raysal wasaarihii ugu dambeeyey ee dowladdii KMG Soomaaliya, isagoo xafiiskaasi ka shaqo bilaabay kadib markii si iskiis ah xilka uu isaga casilay isagoo ahaa gudoomiyaha gobolka Mudug iyo duqa Gaalkacyo.

Dadkii Xafladaasi Musharaxnimo kasoo qayb galay ayaa waxaa ka kalayimadeen qaybaha kaladuwan ee Bulshada iyo Qaarkatirsan Baarlaanka Dawlada Puntland.

Musharaxa ayaa Waxaa uu Dadka u Balanqaaday in uu noqonayo Hogaamiye Wanaagsan isaga oo sidoo kale sheegay in uu daacad u noqonayo Dadka iyo Dalkaba Dhankale musharaxa ayaa kasoo qayb galayaasha u sameeyey qado Sharaf .

Dhagayso Khudbadii musharaxa

Intaasi kadib ayaa waxaa Goobtaasi musharaxu ka hadlayey lagu soo badhigay Riwaayad lagu matalayey maamulwanaaga iyo Musharaxnimada.

Puntland-news24.
Fortran
Posts: 44
Joined: Tue Mar 10, 2009 2:02 pm
Location: Rock City

Re: Fmr Governor of Mudug annouces he is running for Pres (p

Post by Fortran »

If I'm not wrong Cuuke pulled Sara Palin on the governorship, he quit before serving single month.

Puntland lacks leaders, the all seem self serving bastards. I say keep Faroole until he dies.
Southie4life
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 481
Joined: Thu Apr 16, 2009 10:16 am

Re: Fmr Governor of Mudug annouces he is running for Pres (p

Post by Southie4life »

Fortran wrote:If I'm not wrong Cuuke pulled Sara Palin on the governorship, he quit before serving single month.

Puntland lacks leaders, the all seem self serving bastards. I say keep Faroole until he dies.
If you listen to the former governors audio he makes it clear why he quit (lack of funds). People are being slaughter in Gaalkaayo for years and farole refuses to put the money to help the people. Can you believe the Leelkase actually took-up arms against their own government? I and many others find it quite commendable that he left the government after seeing how farole is neglecting the people of puntland (particularly Mudug). It would have been a crime had he continued to work under farole.

For the first time in Somali history, a (so-called) leader like farole actually named his son as his official media advisor. His son has now made it a campaign to bride and intimidate as many news websites and forums as possible.

Your attack on the former governor Cuuke, and your subsequent unbelievable un-democratic call for farole to be president of life, makes it quite clear who - you, and the others that have recently joined this forum - are being influenced by.

More so, the bias some have here is evident through their quick attacks on anyone that opposes farole, yet, they will never utter a single criticism of him.

I guess I am simply trying to neutralize things.
Southie4life
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 481
Joined: Thu Apr 16, 2009 10:16 am

Re: Fmr Governor of Mudug annouces he is running for Pres (p

Post by Southie4life »

Image

Image

Image
SecretAgent
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4824
Joined: Wed Jan 09, 2013 4:58 pm
Location: east south west north

Re: Fmr Governor of Mudug annouces he is running for Pres (p

Post by SecretAgent »

hes 2 young faroole said nobody under age 55 can be president in puntland looks like another term for king faroole
:blessed:
Southie4life
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 481
Joined: Thu Apr 16, 2009 10:16 am

Re: Fmr Governor of Mudug annouces he is running for Pres (p

Post by Southie4life »

SecretAgent wrote:hes 2 young faroole said nobody under age 55 can be president in puntland looks like another term for king faroole
:blessed:
Have fun going to the hospital to get his birth certificate.

Lol, you've obviously haven't been to Somalia lately. People can be whatever age they want.

Did you think it was just a coincidence that so many people are born on January 1st? :lol:
User avatar
TheAspiringMufti
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 394
Joined: Thu May 09, 2013 4:42 pm
Location: The genius Hyuuga Neji will never be forgotten!

Re: Fmr Governor of Mudug annouces he is running for Pres (p

Post by TheAspiringMufti »

Image

ugly bantu weave
User avatar
Guul13
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1021
Joined: Fri Apr 05, 2013 1:55 pm
Location: Suldaan Guul Suldaan Mooracase- KABLALAX!

Re: Fmr Governor of Mudug annouces he is running for Pres (p

Post by Guul13 »

It's called braided hair, and how do you know what weave looks like? :mindblown:
Southie4life
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 481
Joined: Thu Apr 16, 2009 10:16 am

Re: Fmr Governor of Mudug annouces he is running for Pres (p

Post by Southie4life »

TheAspiringMufti wrote:
ugly bantu weave
I hope you are not a male, commenting on women's hair.
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”