Puntland Investment Meeting: London

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
Guul13
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1021
Joined: Fri Apr 05, 2013 1:55 pm
Location: Suldaan Guul Suldaan Mooracase- KABLALAX!

Puntland Investment Meeting: London

Post by Guul13 »

Puntland Chamber of Commerce & Industry & The Somali Economic Forum held a meeting in London, ( sponsored by Amal Express & Golis Telecom ).

Image

Image

Image

Waxaa halkaasi ka hadlay gudoomiyaha Rugta Ganacsiga oo in muddo ahba socdaal ku marayay dalkan Britain oo u jeedediisu aheyd inuu ka qeyb galo shirweynihii ka dhacay London ee looga hadlayay Kobcinat Dhaqaalaha iyo Maalgashiga Soomaaliya, Waxaa uuna ka waramay xaalada dhaqaale ee Puntland ay ku sugantahay Iyo horumarka la gaaray, isagoo xusay baahida dalka uu uqabo xirfadleyda iyo sidii qurba joogta reer Puntland ey kaga faa’iideysan lahaayeen fursadaha manta wadanka yaal.

Somali Economic Forum mudane Xasan Muse Dude oo isagu ka hadlay kaluumeysiga in fursadaha maalgashi ee shirkadaha kaluumeysiga iyo baaxada uu la ehyahay kaluumeysiga Soomaaliya. Waxaa uu yiri badda Soomaaliya waxaa ka soo bixi kara 300,000 tan oo kaluun ah sadankii balse waxaanu lasoo baxnaa I nka yar 1%. Waxaa uu sheegay in ay ha’adiisu soo saarto macluumaad ku saabsan kaluumeysiga iyo in ay ku howlanyihiin mashaariic maal galineed ee quseysa qeybta kaluumeysiga.
Ugu danbeytii waxaa isna halkaa ka haday Gudoomiyaha ururka PUNSA Dr.Nuur Mohamed Nuur oo isagu diirada saaray dhaqashada xoolaha ama ‘Livestock’. Waxa uu kahadlay sida ay u fududahay in la dhaqdo xoolaha lagana fiaaideysto fursadaha dhinaca xoolaha. Dr. Nuur ayaa ku dheeraaday ahmiyada Somalidu u leedahay dhaqashada xoolaha, wuxuu kaloo sheegay in shirkad uu isagu iska leeyahay uu ka hirgeliyey Puntland taas oo ku howlan sifeynta caanaha xoolaha, iyadoo lagu dedaalayo in la helo caano caafimaad qaba oo ay u dhameeystiran tahay dawadadeeda.
Kulankan ayaa dadkii kasoo qayb galay loogu sharaxayey ahmiyaha ay leedahay ganacsiga, maalgashiga, iyo waliba fursadaha wali ka jira Puntland ee dalka lagu horumarin karo, iyadoo sidoo kale la daawaday muuqaalo ku saabsan khayraadka dabiiciga ah iyo taariikhda Puntland. Muuqaalada sida weyn dadkii kulanka joogay ay u daawadeen waxaa ugu muhiimsanaa kalluunka ka buuxa badda, luubaanta, meydiga, xabkaha, aargoosatada, dhirta iyo dalagyada kasoo go’a Puntland.
Ugu dambeyntii kulankan oo ahaa mid noociisa aan horay jaaliyadu ugu qaban dalkan Britain ayaa, wuxuu ku soo aadayaa xilli magaalada London uu ka dhacay kulan ku saabsan ganacsiga iyo maalgashiga Somalia.
Last edited by Guul13 on Thu May 23, 2013 4:17 pm, edited 2 times in total.
User avatar
Guul13
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1021
Joined: Fri Apr 05, 2013 1:55 pm
Location: Suldaan Guul Suldaan Mooracase- KABLALAX!

Re: Puntland Chamber Of Commerce: LONDON

Post by Guul13 »

Chamber of Commerce Director on SomaliChannel

User avatar
Guul13
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1021
Joined: Fri Apr 05, 2013 1:55 pm
Location: Suldaan Guul Suldaan Mooracase- KABLALAX!

Re: Puntland Chamber Of Commerce: LONDON

Post by Guul13 »

Investing in Puntland, video filmed in Garowe

Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”