Sida ay sheegayaan wararka xiisada labada dhinac u dhaxeysa ayaa timid kadib markii shalay Abaanduulaha ciidamada xooga dalka Jen. C/risaaq Khaliif Cilmi loo diiday inuu galo magaalada, halka wafdigii Xildhibaanada ahaa ee magaalada ku sugnaa iyana loo diiday inay ka tagaan magaalada.
Wararka oo ah kuwo aad isu soo tarayay saacadihii u dambeeyay ayaa la sheegaya in ammaanka Xildhibaanada ee ku sugan Hotel ku yaal Kismaayo ay la wareegeen ciidamada dowladda, iyadoo ciidamadan la sheegay inay ka careysan yihiin sababta Abaanduulaha ciidamada loogu diiday in magaalada uu galo.
Xiisada ka jirta magaalada ayaa saameyn ku yeelatay dhaq dhaqaaqa gaadiidka iyo goobaha waxbarashada, waxaana saacadihii u dambeeyay magaalada ay gashay xaalad cabsi ah, iyadoo dadka ku nool magaalada ay wadnaha farta ku hayaan.
Magaalada Kismaayo oo uu ka jiro muran ku saabsan dhanka Maamulka iyo Madaxweynayaal dhowr ah oo isku heysta xilka Jubaland ayaa magalada waxaa maalmihii u dambeeyay ay gashay xaalad ciidan, markii ciidamo fara badan ay gudaha u soo galeen magaalada.
Dhinacyada isku haya maamulka magaalada ayaa loogu baaqay inay ka fogaadaan wax kasta oo keeni kara colaad iyo fowdo, waxaana baaqii u dambeeyay uu xalay ka soo baxay Madaxweynayaasha IGAD oo ku shiray Addis Ababa.
Time to karbaash the traitors RasKenyaatta
