Kismaayo(AGGM) Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Col Bare Aadan Shire Hiiraale ayaa shaaca ka qaaday qodobo uu ku fashilinayo damaca Axmed Madoobe ee Magaalada Kismaayo & guud ahaan gobollada Jubooyinka,waxaana uu sheegey in qodobadaasi yihiin kuwo laga damacsan yahay in la dhaqan galiyo balse uu sheegey inuu arrintaasi wax ka qaban doono.
Madaxweyne Barre waxa uu Daboolka ka qaaday in Magaalada Kismaayo uu Axmed Madoobe ka damacsan yahay Siyaasaddo badan oo salka ku haaya Fulinta Rabitaanka Kenya,Waxaana uu shaaciyey in aanay arrintaasi u suuro gali doonin Axmed Madoobe iyo kooxdiisa.
1- In isaga iyo Kenya ay isku raaceen in Kismaayo la raaciyo Dalka Kenya.
2- Waxa uu sheegay in Axmed Madoobe iyo Dowladda Kenya ay kala saxiixdeen in Biraha iyo qalabka Dekada Kismaayo loo raro Kenya.
3- Waxa ay ku heshiiyeen in Dhaqaalaha Dekada kasoo xaroodo ay Dowladda Kenya qaadaneyso 80%.
4- Waxa ay ku heshiiyeen in Saraakiisha iyo Ciiddamadda Raaskambooni lagu biiriyo kuwa Kenya.
5- In Taliyaha guud ee Ciiddamadda Jubbaland ay soo magacawdo Dowladda Kenya.
6- In Shacbiga Asal ahaan kasoo jeeda Kismaayo ay qaatan Sharcida Kenya, loona aqoonsado inay yihiin dhalat Kenyaatti ah.
7- Waxaa la kala saxiixday In Jubbaland aysan ka dhici dooni wax doorasho ah, isla markaana Madaxweynaha Rasmiga ah uu ahaan doono Axmed Madoobe.
8- In is-bedel waliba oo dhaca uu saameyn doono Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland iyo Xubnaha kale.
9- In Maamulka Jubbalan garabka Axmed Madoobe uu xili waliba u dhaga nuglaan doono Awaamirta Kenya.
10- In Shaqaalaha iyo Nabadsugida Garoonka Kismaayo uu noqon doono Ciiddamo laga soo xulay Kenya.
11- In Deegaanada Kismaayo laga saaro ama aan lagu arkin wax Ciiddamo ka tirsan Dowladda Somalia.
president barre hiiraale talks about kenya and madoobe
Moderators: Moderators, Junior Moderators
-
- SomaliNet Super
- Posts: 30687
- Joined: Tue Sep 01, 2009 10:32 am
- Location: Darul Kufr
- Contact:
Re: president barre hiiraale talks about kenya and madoobe
Kenya gonna give Kismaawis, kenyan sharci
:
Atleast its worth more than the passport in Mogadisho

Atleast its worth more than the passport in Mogadisho

-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 1 Replies
- 537 Views
-
Last post by Kafkaesque
-
- 94 Replies
- 4638 Views
-
Last post by Boqor__Daarod
-
- 56 Replies
- 3587 Views
-
Last post by Koronto91
-
- 45 Replies
- 2909 Views
-
Last post by sahal80
-
- 11 Replies
- 1387 Views
-
Last post by EEGA9
-
- 9 Replies
- 822 Views
-
Last post by DawladSade
-
- 1 Replies
- 425 Views
-
Last post by paidmonk
-
- 9 Replies
- 745 Views
-
Last post by Padishah