Malaa bil iyo dheeraad
Wali dhuuni cuninoo
Dhexdu qabasho leeg tahay
Koromada dhufaaniyo
Dhawr qaalin didiyoo
Ka dhexsaaray geelii
oo micida dhaaliyo
dhoolaha is mariyoo
dhiilaabay galawgii
oo doobta dhiifta ah
dhawr goor garaacoo
rakaadiina daba dhigay
dhiriftiina roorsaday
galoof xayl ku dhigayoo
markii uu dhulka u riday
afartiisa dhaadheer
baalaha ka dhaafsoo
dhinacyee markay tidhi
ku dhirbaaxay jeeniga
