Dagaal Kismaayo gudaheeda ku dhexmaray Ciidamada ururka Raaskaambooni iyo Maleeyshiyo Beeleed
Jimco, June 07, 2013(HOL) :- Dagaal xooggan oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa ka dhacay magaalada Kismaayo, iyadoona dagaalkani uu u dhexeeyay ciidamo beeleed taageersan dowladda Soomaaliya iyo ciidamada maamulka Kismaayo garabka uu hogaamiyo Sheekh Axmed Madoobe.
Dagaalkan oo ahaa mid ay labada dhinac isu adeegsanayeen hubka noocyadiisa kala duwan ayaa yimid kadib markii ciidamada maamulka Kismaayo ay weerar ku qaadeen fariisimo ay ciidamo beeleedkaasi ku lahaayeen xaafadda V-afmadow ee magaalada Kismaayo.
Sargaal ka tirsan maamulka Kismaayo oo aan ka wareeysannay dagaalka ayaa sheegay in ay weerar ku qaadeen kooxo uu sheegay in ay jidgooyo dhigteen wadada dheer ee aada garoonka diyaaradaha Kismaayo.
Ilaa imika ma cadda qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi, mana jiraan masuuliyiin ka tirsan dhinacyadii dagaalamay oo faahfaahin ka bixiyay dagaalka iyo weliba khasaarooyinka ka dhashay.
Faahfaahin dheeri ah oo ku saabsan dagaalka iyo weliba khasaarooyinka ka dhashay waxaan haduu rabbi qadaro idinku soo gudbin doonnaa wararkeena danbe.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
hnur@hiiraan.com
Kismaayo-Soomaaliya.
Violent clashes between Kenyan Stooges & somali people
Moderator: Moderators
-
AhlulbaytSoldier
- SomaliNet Super

- Posts: 20301
- Joined: Fri Feb 08, 2008 4:50 am
- Location: Persian Empire
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 5 Replies
- 763 Views
-
Last post by Garuun
-
- 9 Replies
- 898 Views
-
Last post by The_Patriot
-
- 0 Replies
- 381 Views
-
Last post by newsbot
-
- 0 Replies
- 520 Views
-
Last post by Tanker
-
- 8 Replies
- 1095 Views
-
Last post by Adali
-
- 23 Replies
- 1403 Views
-
Last post by kambuli
-
- 0 Replies
- 585 Views
-
Last post by gegiroor
-
- 3 Replies
- 624 Views
-
Last post by Murax
-
- 3 Replies
- 48 Views
-
Last post by Murax
-
- 1 Replies
- 646 Views
-
Last post by sheldibow