Page 1 of 1

BREAKING NEWS: THE BATTLE BEGINS FOR KISMAYO

Posted: Fri Jun 07, 2013 8:50 am
by grandpakhalif
Dagaal Kismaayo gudaheeda ku dhexmaray Ciidamada ururka Raaskaambooni iyo Maleeyshiyo Beeleed

Jimco, June 07, 2013(HOL) :- Dagaal xooggan oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa ka dhacay magaalada Kismaayo, iyadoona dagaalkani uu u dhexeeyay ciidamo beeleed taageersan dowladda Soomaaliya iyo ciidamada maamulka Kismaayo garabka uu hogaamiyo Sheekh Axmed Madoobe.

Dagaalkan oo ahaa mid ay labada dhinac isu adeegsanayeen hubka noocyadiisa kala duwan ayaa yimid kadib markii ciidamada maamulka Kismaayo ay weerar ku qaadeen fariisimo ay ciidamo beeleedkaasi ku lahaayeen xaafadda V-afmadow ee magaalada Kismaayo.

Sargaal ka tirsan maamulka Kismaayo oo aan ka wareeysannay dagaalka ayaa sheegay in ay weerar ku qaadeen kooxo uu sheegay in ay jidgooyo dhigteen wadada dheer ee aada garoonka diyaaradaha Kismaayo.

Ilaa imika ma cadda qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi, mana jiraan masuuliyiin ka tirsan dhinacyadii dagaalamay oo faahfaahin ka bixiyay dagaalka iyo weliba khasaarooyinka ka dhashay.

Faahfaahin dheeri ah oo ku saabsan dagaalka iyo weliba khasaarooyinka ka dhashay waxaan haduu rabbi qadaro idinku soo gudbin doonnaa wararkeena danbe.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
hnur@hiiraan.com


I hearing reports Ras Kambooni lost over 30 soldiers :shock:

Re: BREAKING NEWS: THE BATTLE BEGINS FOR KISMAYO

Posted: Fri Jun 07, 2013 9:46 am
by zingii
:lupe:

Re: BREAKING NEWS: THE BATTLE BEGINS FOR KISMAYO

Posted: Fri Jun 07, 2013 9:49 am
by Adali
:|

Re: BREAKING NEWS: THE BATTLE BEGINS FOR KISMAYO

Posted: Fri Jun 07, 2013 9:49 am
by GeoSeven
Clashes were bound to happen sooner or later :Shrug:

ON the political podium, its a different story but TFG and Co vs Ras Kamboni militia. You don't have to be a Sun Tzu to know who has an upper hand militarily. Provided the Kenyan invaders keep their supposed neutrality as part of AMISOM.

Re: BREAKING NEWS: THE BATTLE BEGINS FOR KISMAYO

Posted: Fri Jun 07, 2013 10:04 am
by KartiHaween
Jeclidaa inuu dagaal ka daco Kismayo. moryaan foqol moryaan. Here is what happened.


Kismaayo:Ciidanka maamulka Jubbaland oo kala didiyay maleeshiyaad jidgooyo dhigtay
June 7, 2013

Wararka naga soo gaadhaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in koox maleeshiyo beeleed ah ay saaka jidgooyo dhigteen mid kamida wadooyinka magaalada.Maleeshiyada ayaa rasaas kufuray gaadhi uu saarnaa mid kamida saraakiisha ciidamada Jubbaland oo wadada marayay iyadoo ilaaladii sarkaalka ay rasaas ku jawaabeen.Israsaasayntaas ayaa waxay sababtay dhimashada mid kamida ilaaladii sarkaalka.Kooxdii jidgooyadu utiilay ayaa goobtii ka baxsaday waxayna galeen mid kamida guryaha magaalada iyadoo halkaa uga daba tageen ciidamada maamulka Jubbaland.

Maleeshiyadan jidgooyada dhigtay ayaa horay uga mid ahaan jiray ciidamada dowlada waxayna ciidanka ka gadoodeen isbuucii lasoo dhaafay.

Wixii kasoo kordha shaqaaqadan kala soco wararkaanaga dambe

Re: BREAKING NEWS: THE BATTLE BEGINS FOR KISMAYO

Posted: Fri Jun 07, 2013 10:07 am
by AhlulbaytSoldier
Some sources tells me raskibakis were chased away from the city then they were rescued by their masters.
If fufus did not enter the war they would be chased all the way to Gaarisa.

Re: BREAKING NEWS: THE BATTLE BEGINS FOR KISMAYO

Posted: Fri Jun 07, 2013 10:25 am
by zingii
Faah-Faahin ku Saabsan Dagaal ka soconaya Magaalada Kismaayo
Print here| By: allgedo.com: Friday, June 7, 2013 // u Jawaab

Wararka laga helayo magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in uu halkaasi ka qarxay dagaal u dhaxeeya ciidamo taabacsan Axmed Madoobe oo kamid ah madaxweynayaal Jubaland ay yeelatay Kismaayana kuwada sugan iyo maleeshiyaad kale oo loo maleynayo in ay ka amar qaataan mid kamid ah madaxweynayaasha Jubaland ee Kismaayo ku sugan.

Wararka ayaa intaasi ku daray in dagaalka uu ka dambeeyay kadib markii mid kamid ah madaxweynayaasha iskood is magacaabay ee Jubaland uu doonayay in uu kulan la yeesho wasiirka gaashaandhiga Xukuumadda C/Xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi oo mudooyinkii dambe ku sugnaa Kismaayo, ayadoona la tilmaamay in kulankaasi ay is hor istaag ku sameeyeen maleeshiyo taabacsan Axmed Madoobe kadibna ay dagaal qaraar isaga hor yimaadeen labada dhinac.
Dagaalka oo la sheegayo weli in uu ka socdo meel magaalada ka yara durugsan magaalada Kismaayo ayaanan weli la ogeyn khasaaraha ka dhashay, ayadoona saameyntiisa magaalada laga dareemayo oo la maqlayo rasaasta labada dhinac ay isku weedaarsanayaan.

Aden Xasan/Kismaayo-Somaliya

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com