AFHAYEENKA AMISOM: “Dagaalka Kismaayo waxaa Mas’uuliyadiisa iska leh dowaldda, innagu dhexdhexaad ayaan ka nahay”
Sabti, Juun 29, 2013 (HOL) — Afhyeenka AMISOM, Col. Cali Aadan Xumad ayaa sheegay maanta in dagaalka ka socda Kismaayo ay mas’uuliyaddiisa leedahay dowladda Soomaaliya, ciidamadooda halkaas ku suganna ay dhexdhexaad ka yihiin dagaalka.
Col. Xumad oo u warramayay VOA-da ayaa sheegay in ciidamadooda aysan wax lug ah ku lahayn dagaalka socda, cid gaar ah oo ay la jiraanna aysan jirin, ayna si isku mid ahna loogu daweynayo isbitaallada AMISOM ay halkaa ku leedahay dhaawacyadii soo kala gaaray dhinacyada dagaallamaya.
“AMISOM waxay ka xun tahay dagaallada ka dhacay Kismaayo ee walaalaha Soomaalida dhexmaraya, ciidamadeennuna waxay leeyihiin mas’uulyiad ay ku shaqeeyaan oo ay u soo tababarteen, mas’uuliyaddooduna waa ay kaga shaqeeyaan dalka, howshooduna waa inay nabadda Soomaaliyeed xaqiiyaan, waxaana mas’uuliyadda ciidamada ciidamada halkaas jooga ay saran tahay ciidamada Kenya,” ayuu afhayeenka AMISOM ku yiri wareysiga.
Sidoo kale, afhayeenku wuxuu sheegay in wadahadallo looga dooday xiisada ka taagan Kismaayo ay ka socota Addis Ababa, kaasoo ay leeyihiin AMISOM, IGAD, dowaldda Soomaaliya iyo Sheekh Axmed Madoobe, go’aannada kasoo baxana waan sugaynaa.
“Sida madaxweynaha Soomaaliya uu sheegay mas’uuliyaddeenna waa inaan ilaalinno shacabka halkaas ku sugan iyo hantidooda, innaguna labada dhinac dhexdhexaad ayaan ka nahay, mana jirto cid aan qori u qaadannay,” ayuu Col. Xumad hadalkiisa ku daray.
Mar la weydiiyay eedeyn ay u soo jeediyeen AMSIOM dhinacyada taageera Col. Barre Hiiraale iyo raga la socda oo ah inay ciidamada Kenya qayb ka yihiin dagaalka oo ay madaafiic magaalada ku garaaceen, ayuu sheegay inay yihiin kuwo aanay waxba ka jirin.
“Innagu waxaan dagaalkaas ka nahay dhexdhexaad mana jirto cid aan qori u qaadannay, balse mas’uuliyadda dagaalka Kismaayo waa mid ay leedahay dowladda Soomaaliya, howsheenana waa inaan ku soconno hadafka iyo sida ay doonayso dowladda Soomaaliya, dhaqkhtaradeennana waxaa xilligan lagu daweynayaa 10 ka mid ah dhinacyadii dagaalamay,” ayuu afhayeenku ku daray hadalkiisa.
Dhanka kale, Col. Xumad wuxuu sheegay in xilligan ay xabbadu joogsatay oo xaalku deggen yahay, howsheenuna waa inaan joojinno haddii uu dagaal meel ka dhaco, taasna waan ku soconaynaa maadaama ay mas’uuliyaddeenu tahay.
Ugu dambeyn, afhayeenku wuxuu ka hadlay xariga ay ciidamada AMISOM u geysteen abaanduulihii ciidamada xoogga dalka ee gobollada Jubbooyinka Col. Cabbaas, isagoo sheegay in lagu hayo deegaanka Dhoobley, wixii soo gaaraya ay mas’uul ka yihiin ciidamada halkaas ku sugan.
Waa markii ugu horreysay oo AMISOM ay si toos ah ugu eedeyso dowladda Soomaaliya dagaallada Kismaayo ka socda, iyadoo madxda dowladdu ay ku cel-celinayeen labadii maalmood ee lasoo dhaafay in dagaalka Kismaayo si dhaqso ah lagu joojiyo, ciidamada Midowga Afrikana ay dhexdhexaad ka noqdaan dagaalka.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya
Ceebe Tacaal.AFHAYEENKA AMISOM
Moderator: Moderators
- Adali
- SomaliNet Super
- Posts: 10587
- Joined: Fri Dec 09, 2011 4:04 pm
- Location: Throw me to the hyenas and I will return laughing as the pack leader.
Re: Ceebe Tacaal.AFHAYEENKA AMISOM
dowlad ma ahan waxaan, incompetent Xassan, I can't blame the other guy what was his name, Sariirdoon. 

- Talo alle udaa
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 2739
- Joined: Thu Apr 16, 2009 4:03 pm
- Location: Evaluating the African mind
Re: Ceebe Tacaal.AFHAYEENKA AMISOM
And this is the Djbouti guy in Xamar
This further proves Kenyans were watching from the sidelines all along.
How are the folks who were saying Kenyan tanks stood in our way going to explain this
statement from xamar ?

This further proves Kenyans were watching from the sidelines all along.
How are the folks who were saying Kenyan tanks stood in our way going to explain this
statement from xamar ?
- Adali
- SomaliNet Super
- Posts: 10587
- Joined: Fri Dec 09, 2011 4:04 pm
- Location: Throw me to the hyenas and I will return laughing as the pack leader.
Re: Ceebe Tacaal.AFHAYEENKA AMISOM
exactly, if this was the Kenyans it would be one thing but the useless government is being shown the finger by the AMISOM spokes person, this just goes to show that Somalia is completely colonized, and that we are now an extension of Kenyan and Ethiopian colony, Talo and his Ogaden people enjoy such fate but as Marehan I say fok no.
Talo what is the latest on Kismaayo, 4 Ras Kambooni found dead on the streets following the latest battle.
Talo what is the latest on Kismaayo, 4 Ras Kambooni found dead on the streets following the latest battle.
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 61 Replies
- 4543 Views
-
Last post by Karbaash_killa
-
- 5 Replies
- 613 Views
-
Last post by IRONm@N
-
- 1 Replies
- 360 Views
-
Last post by Voltage
-
- 22 Replies
- 1332 Views
-
Last post by Ganjaweed
-
- 8 Replies
- 1192 Views
-
Last post by Methylamine
-
- 13 Replies
- 1352 Views
-
Last post by Saraxnow
-
- 1 Replies
- 382 Views
-
Last post by Hyperactive
-
- 52 Replies
- 3083 Views
-
Last post by HELWAA
-
- 1 Replies
- 403 Views
-
Last post by 26June1960
-
- 15 Replies
- 1264 Views
-
Last post by hargaysaay