Saraakiisha Kenya iyo Raaskambooni ayaa ku mashquulsan dhoofinta dhuxusha oo si xowli uga socoto Dekeda Kismaayo, iyadoo Dekeda uu ku sugan yahay markab weyn oo ku soo xirtay 24-kii bishan
Markabkan ayaa la sheegay inuu u kireysan yahay Ganacsato Soomaaliyed, iyadoo lagu wado in horaanta bisha soo socoto uu dhuxusho geeyo magaalada Dubai.
Wararka ayaa sheegaya in markii hore uu muran ka dhashay dhoofinta dhuxusha, kadib markii saraakiisha Raaskambooni iyo kuwa Kenya ay ka dalbadeen ganacsatada inay loorkiiga bixiyaan $3, hase ahaatee markii dambe lagu heshiiyay in Markabkan oo qaada 200-kun oo kiish la bixiyo lacagka Kastamka oo gaareysa lix boqol kun oo doolarka Mareykanka.
Gawaari ayaa dhuxushan lagaga soo daabulaya meel ka mid ah magaalada oo ay taalo, iyadoo sawiro lagu soo qaaday Mobil ay muujineyso dhuxusha oo lagu rarayo Markabka oo lagu tilmaamay kii ugu weynaa ee dhuxul ka daabula Dekeda.
Dhoofinta dhuxusha ee ka socota Dekeda Kismaayo ayaa waxaa uu jabinayaa cunaqabateyntii Qaramada Midoobey ku soo rogtay dhoofinta dhuxusha Soomaaliya, iyadoo dhowaan warbixin ka soo baxday Qaramada Midoobey lagu eedeeyay Ciidamada Kenya iyo kuwa maleeshiyada Raaskambooni in dhuxusha ay ka dhoofiyaan Dekeda Kismaayo.
Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya oo ku aadan dhoofinta dhuxusha ee ka socota Dekeda Kismaayo.
http://jowhar.com/news.php?readmore=936




SFG must do something about this immediately !! We can´t allow KDF and their stooges to benefit illegally of our sparce woodland !


you are from sanaag, sanaag, sanaag.
