
Wadahadaladii lagu waday iney Adis Ababa uga Bilowdaan Jubaland State iyo Dowlada federaalka oo qorshuhu ahaa iney ka qaybgalaan Madaxweyne Xigeenka Jubaland iyo Wasiiro ka socda Villa Soomaaliya ayaa loo badalay Wadahadal Madaxweyne, waxaana ka qayb qaadanayaa oo lawada hadalsiinayaa Madaxweynaha Dowlada Federaalka Xasan Sheikh Maxamuud iyo Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe.
Sida aan Warar Dublamaasiyadeed uga helney dhinaca Nairobi, Madaxweyne Kuxigeenka Jubaland Cabdullahi Shiikh Ismaaciil oo maalmahaan ku sugnaa Nairobi si uu ugu gudbo Adis ababa ayaa iminka ku sugan Dalka Itoobiya wuxuuna u gogol Xaarayaa isaga iyo Wafdi ka socda Dowlada federaalku wadahadalka labada Madaxweyne, Madaxweyne ku xigeenka Jubaland shalay ayuu u duuley Adis ababa.
IGAD oo u kala dabqaadaya labada dhinac ayaa qayb wayn ka qaatey inay kulmaan Xasan Sheikh iyo Axmed Madoobe, waxaana lagu wadaa in Wadahadalku uu ka dhaco Adis ababa Dabayaaqada Bishaan Ogoosto.2013.
http://puntlandi.com/wadahadaladii-juba ... adaxweyne/