
Warar kasoo baxaaya madaxtooyada Soomaaliya ee Muqdisho ayaa waxay sheegayaan in uu cirka isku shareeray khilaafka xoogan ee ka dhaxeeya madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo sidoo kale Ra’iisul wasaare Saacid.
Khilaafkaan ayaa salka ku haaya shirka maamulka Jubaland looga arinsanaayo ee gaba gabada ku ah magaalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya iyo qaabka maamulkaasi loola heshiinaayo.
Saacid ayaa soo jeediyay in marnaba aan wax wada hadal ah lala gelin Axmed Madoobe oo
uu sheegay inuu yahay nin dagaal ula bareeray dowladda Soomaaliya, hase ahaatee madaxweynaha ayaa qaba aragti ah in shirkaasi uu yahay mid muhiim ah.
Labada mas’uul ayaa isku fahmi la arimo Jubaland ka mid ah, waxaana Saacid uu soo jeediyay qodobo badan oo hadii lagu dhaqaaqo wada hadalada dhaawacyo badan u geysanaaya.
Weli mowqif mid ah ma aanay wada qaadan, laakiinse arinta ayaa u muuqata mid miisaankeeda culus leh, wax walbana la ogaan doono halka ay ku dambeeyaan.
http://marqaannews.com/2013/08/27/xogma ... is-sababa/