Jamhuuriyada Somaliland iyo dadka ku nool waxa ay maanta muujiyeen sida ay uu yihiin dad GOB ah oo keligood wax qabsada, reer Somaliland ma aha sida dalalka qaarkood eh baryo uun la daba taagan aduunka intiisa kale. Dalalka Afrika qaarkood xita shirarkooda nabadeynta ah ba dalal shiisheeye lagu qabta, maxa taas ka ceeb badan, dadkaasi iyo dalalkaasi wa kuwa Afrika ceeb uu soo jiida halka Somaliland ay marwalba sharaf uu soo jiido Afrika.
Doorashada barlamaanka eh ka dhacday Somaliland waxa ay ka nabad badnayd doorashooyinki Ethiopia iyo dabcan doorashooyinka dalal badan oo loo yaqaano \"developed nations\".
Hadaba reer Afrika iyo dalalka Afrika wakhtigi ay runta isu sheegi lahayeen ba la gaadhay, hadi dalalka horumarka Afrika ka shaqeynaya la leeyahay ma ictraafayno, dee Afrika weligeed meelna gaadhimayso. Jamhuuriyada Somaliland wa Singapore-ta Afrika, reer Somalilandna wa dadka Afrika gaadhsiin kara horumar balaadhan oo dhinac walba leh.
Waxa muhiim ah in reer Somaliland Afrika inteeda kale fahamsiiyaan muhiimada ay Afrika uu leedahay in Somaliland la ictraafo.
Wa run in Somaliland uu baahan tahay Afrika inteeda kale, ictraaf baanu ka doonayna Afrika inteeda kale. Laakin waxa iyaduna aan shaki ku jirin in Afrika ino baahantahay, Afrika kama maarmi karto Jamhuuriyada Somaliland iyo dadkeeda.
GONCRATULIONS TO THE BEST KEPT SECRET OF AFRIKA:SOMALILAND
