Mudane Faroole Shares His Wisdom With The Young Politically immature Lad.



Raysal Wasaaraha Somalia Cabdi Farax Shirdoon Saacid iyo Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiraxmaan Faroole oo caawa kulan casho wada yeeshay
Raysal Wasaaraha Dowlada Federaalka Soomaaliya Cabdi Farax Shirdoon iyo Marwadiisa ayaa caawa casho sharaf oo Casho Famil ah ku casumay Madaxweynaha Dowlada Puntland Dr. Cabdiraxmaan Sheikh Maxamed Faroole iyagoo ku sugan Dalka Jabuuti. Raysal Wasaare Saacid iyo Marwadiisa oo wada socda ayaa galabta ku soo booqdey Hotelka uu Degan yahay Madaxweyne Faroole iyo wafdiga la socday waxayna ka codsadeen iney Caawa Wada casheeyaan.
Cashada oo goordhow soo dhamaatey ma jiraan Wax siyaasad ah oo labada dhinac ka wada hadleen, inkastoo xiligaan ay labada masuul si gaara isu waraysanayaan.
Dowlada Puntland waxay horey Xiriirkii ugu jartay Dowlada Federaalka ah,Warar hoose oo howlwadeenada Puntlandi ka heleen caawa dhinaca Jabuuti ayaa sheegaya in Masuuliyiinta Puntland ay uga mahadceliyeen Raysalwasaaraha iyo Marwadiisa sida sharafta leh ay ugu casuumeen cashadaas wafdiga Madaxweynaha Puntland, cashadaasna ma ahayn mid siyaasad ku salaysan.
http://puntlandi.com/raysal-wasaaraha-d ... casheeyey/