
Warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska afhayeenka Madaxtooyada Jamhuuriyada Somaliland oo uu ku saxeexan yahay Mudane, Axmed Saleebaan Dhuxul waxa uu u dhignaa sidan:-
Wafti culus oo ka socda Jamhuuriyada somaliland oo uu hogaaminayo wasiirka Arimaha debeda ee somaliland Maxamed Bihi Yoonis oo a weheliyaan wasiirka arimaha gudaha, Cali Maxamed Warancade, wasiirka duulista hawada, Maxamuud Xaashi Cabdi, wakiilka somaliland u fadhiya itoobiya, Adan nuh dhule iyo safiirku xigeenka safaarada Addis ababa, Ayaanle Salaad Diiriye ayaa kulan balaadan la yeeshay raysal wasaare ku xigeenka ahna wasiirka Arimahaa dibeda itoobiya, Dr Tedros Adhanom xafiiskiisa.
Kulankaasi oo qaatay waqti aad u dheer, waxay labada dawladood masuuliiintii metelaysay si mugleh uga wada hadleen xidhiidhka qotada dheer ee soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dal itoobiya iyo somaliland.
Masuuliyinta labada dal, waxay isla garwaaqsadeen baahiyaha labada bulsho ee walaalahi u qabaan in ay iska kaashadaan Arimaha nabad gelyada, dhaqaalaha, horumarinta waxbarashada iwm.
Falanqayn dheer iyo qiimayn sugan ka dib, waxay masuuliyiinta labada wadan si mugleh isula qaateen.
In la xoojiyo xidhiidhka siyaasadeed ee labada wadan
In la dhiirigeliyo ganacsiga iyo maalgashiga
In dib loo hawlgeliyo lana soo celiyio duullimaadyadii shirkada Ethiopian airline ku samayn jirtay somaliland Hargaysa.
- See more at: http://ramaasnews.com/index.php/News/Ne ... ub5qB.dpuf