Students at Amir Nur secondary school complete studies for this year.
Maalintii khamiista taariikhduna ahayd 26/09/2013 ayaa waxaa xaflad qalinjabin ah lagu qabtay Hoolka Amiir-nuur Secondary School, xafladaas oo loo qabtay arday ka qalinjabisay Dugsi sare ee Amiir-nuur sanad dugsiyeedka 2012-2013.
DS_IMG_2254
Waxaa xaflada kasoo qaybgalay dadweyne aad ufara badan ooka kooban qaybaha kala duwan ee bulshada si,ay ula qaybsadaan farxada ardayda qalinjabisay sida: Madaxda deegaanka, mas’uuliyiinta waxbarashada degmada, gudiga iskuulada, macalimiinta ka hawlgala shanta iskuul ee magaalada kuyaalo, waalidiinta, iyo ardayda waxkabarato Dugsi sare ee Amiir-nuur.
wacdi iyo aayado qur’aan ah oo lagu furay xaflada kadib waxaa xaflada lagu bilaabay gabay iyo qudbooyin Carabi iyo English soo dhawayn ah oo ay soo jeediyeen ardayda iskuulka waxkabarato kuwaas oo marti sharaftii kasoo qaybgashay ay aad oogu riyaaqeen.
waxaa ardayda ku xigsaday oo ka hadlay xaflada maamulaha Dugsi sare ee Amiir-nuur Mr. Cali Maxamed Ciise, wuxuuna kahadlay ahmiyada waxbarashada iyo hababka loo maro koruqaadista iyo horumarinta waxbarashada hadaladiisana waxaa kamid, ahaa (waa, in dadka deegaanka degan isku tashado xaga waxbarista ubadkooda sida,ayba oogu tashadeen maaraynta noloshooda kale oo aysan dawlad iyo hay’ad midna ka sugin wax gacan,ah taa hadii lala yimaadana waxaa lagaarayaa horumar la taaban karo oo degdeg ah xaga waxbarshada,) wuxuuna intaa ku daray (wax firii lagaugu siiyey waxaa ka fiican oo ka barako badan wax qabadka adigu aad la timaado xaga ilaalinta iyo lexojecladana ka wanaagsan).
DS_IMG_2200 - Copy
Waxaa isna kahadlay Xaflada wakiilka ururka Sedo ahna Gudoomiyaha gudiga Amiir-nuur Mr. Maxamed-Weli Maxamuud Cigaal oo si qoto dheer uga warbixiyey iskuulka iyo maraaxishii uusoo maray, wuxuuna sheegay inay labo dafcadood ka baxday iskuulkan tan iyo markii la aasaasay, ardayda hada qalin jabisayna ay gaarayaan 18 arday ookala, ah 14 wiil iyo 4 gabdhood, wuxuu kaloo sheegay Mr. Weli ardada maanta xaflada loo qabtay in qaar ka mid ah ay bilaabeen jaamacado oo aysan xafladaan maanta ku sugnayn inta hartayna degdeg u baxayaan si ay jaamacado ubilaabaan wadanka guduhiisa iyo dibadiisaba.
Wuxuu intaa raaciyey in la dhiiri galiyo waxbarshada isagoo si xeeldheer uga hadlay Gobolka Gedo ee aanu ku noolahay inuu yahay gobol leh khayraad dabiici,ah kaasoo noosuurto galinayo in horumar laga sameeyo horumarkaasna ay ku xiran tahay dadku inay yeeshaan aqoon iyo cilmi ay kulasoo baxaan una maareeyaan khayraadka dhex ceegaaga gobolka.
DS_labo shahaado sharaf
Waxaana hadaladiisana kamid, ahaa: (Gobolka Gedo waa gobolka labaad ee oogu balaaran 18ka gobol ee soomaaliya, wuxuu leeyahay khayraad kala duwan oo laga faa’iidaysan karo hadii loo helo dad aqoonleh, Gobolku waxaa maro labo webi oo inta badan maro degmooyinka gobolka.
Wuxuu kaloo leeyahay dhulka loo yaqaano Adablaha oo ku wanaagsan beeraha si fiicana looga faa’iidaysan karo xiliga roobabku ay da,aan, Gobolka waxaa ku dhaqan xoolo aad,u badan oo isugu jira Geel, Ari iyo Lo, Gobolku wuxuu xuduud aad u,dheer laleeyahay Keenya iyo Itoobiya taasoo ka dhigayso meel ganacsiga aad oogu haboon, wuxuu intaa ku daray khayraadkaas iyo kuwo kale oo badanba waxay suuro galinaysaa hadii,aanu ka faa’iidaysano in waxbarshada gobolka si wanaagsan sare loogu qaadi karo.)
Waxaa sidoo kale ka hadlay xaflada Madaxa Tacliinta Mu,asasada Waxbarashada iyi horumarinta Al-qalam Mr. Maxamed ibraahim xasan, wuxuuna mahad balaaran usoo jeediyey dhamaan marti sharaftii kasoo qaybgashay xaflada iyo sida firfircoonida,ah ee ay uga qaybqaateen xaflada.
Wuxuu kaloo sheegay Mr. Maxamed in bulsho kaste oo kunool aduunyada ay leedahay ururo iyo shaksiyaad ka shaqeeyo danahooda caamka ah iyo horumarinta umada loona baahan yahay inaanu ku baraarugno oo aanu qadarino hay’adaha ka shaqeeyo deegaankeena ee sida weyn wax oogu qabto bulshada.
DS_IMG_2136
Wuxuu intaa ku daray in Mu’asasada Alqalam iyadoo wakiil ka ah Community-ga degmada garbahaarey iyo deegaanada hoosyimaado in ay shahaado Sharaf siinayso Hay’ada la yiraahdo Norwegian Church Aid (NCA) oo ah haya’ad hawlo balaaran ka samaysay gobolka gedo gaar ahaan bartamaha iyo koonfuta gobolka mudo gaarayso labaatan sano.
Wuxuuna si kooban uga hadlay waxqabadka NCA qaybo ka mid ah sida:
Kaqayb qaadshada Gargaarka deg dega,ah xiliyada abaaraha iyo fataahaada iyagoo dadka u caawiyo siyaabo kala duwan oo ay kamid yihiin: raashin bixinta, biyo dhaamiska, iyo xoolo uqaybinta dadka ree miyiga,ah ee xoolahooda ku waayey musiibooyinka dabiiciga ah.
horumarinta iyo kaabayaasha dhaqaalaha sida uqaybinta lacagaha daymaha,ah ganacsatada yaryar, qodista iyo dhisida ceelasha, qodista waraha, musqulo usamaynta dadka danyarta,ah iwm.
waxbarshada oo ah mashruuca oogu balaaran ee ay hay,adu qabatay:
waxay dhistay ilaa 26iskuul,
waxay dayactirtay ilaa 4 iskuul oo horay u dhisnaa qaarkamid,ahna waxay ku dartay dhismayaal cusub,
waxay u keentay 30ka iskuul dhamaan qalabka asaasaiga ah ee iskuul ubaahnaa sida: kuraasta iyo miisaska aradu ku fariisato, sabuuradaha, jeesooyinka, iyo qalabka xafiisyada iskuuladu leeyihiin.
waxay ardada iskuuladaas ku dhigtaan free 100% ah, waxayna oogu dartay si firii,ah buugaagta iyo qalimaanta waxlagu barto, iyo buugaagta manhajka, mararka qaarna waxaa iskuulada laga bixiyaa raashin iyo dhar.
waxay mushaar joogta ah siiyaan macalimiinta ka hawlgasho iskuulada.
waxay sidoo kale tababar isdaba joog ah siiyaan dhamaan macalimiinta ka hawlgalo iskuulada.
Wuxuu kaloo raaciyey in hay’ada NCA ay taakulayso iskuulo kale oo ay gacanta ku hayaan qaybo ka mid ah Community-ga deegaanka sida dugsiga sare ee Amiir-nuur oo ay Hay’ada NCA kaqaybqaadatay dhismaha iskuulku leeyahay guud,ahaan, sigaar, ahna ay u dhiseen dayrka iskuulka ku leeyahay, hoolka shirarka, qol loogu talagalay shaybaar, iyo dayactir dhawaan lagu sameeyey iskuulka, sidoo kale macalimiinta mushaarkoodana qayblibaax ayay ka qaadaataan.
Waxay Hay’adu sidaa oo kale u taakulaysaa Dugsiga sare ee Ceelcade, waana labada dugsi sare ee ugu tayada fiican dugsiyada sare ee gobolka Gedo.
(Waxaana hadaladiisa ka mid ahaa (hadaba waxqabadkaas balaaran ee aynu kasoo sheekaynay oo hay’adu noo qabatay soonagama mudno inaanu xurmayno uguna hanbalyayno waxtarka balaaran ee ay deegaanka u qabatay). Wuxuuna intaa ku daray: (hadaanu nahay Mu’asasada Alqalam inagoo wakiil ka ah deegaamada ay ka hawlgasho hay’ada NCA waxaanu ku sharafnay Shahaado sharaf aanu ku maamuusayno wax qabadka balaaran ee ay nooqabatay.)
DS_IMG_2211
Waxaana shahaadada la gudoonsiiyey isagoo wakiilka ah Hay’ada Maamulaha Dugsiga Hoosedhexe ee garbahaarey ee ay NCA gacanta kuhayso Mr. Maxamed xasan cilmi.
Waxaa kale oo shahaado sharaf la gudoonsiiyey urur lookal ah oo loo yaqaano Somali Education Development Organization (SEDO) waa urur ay sameeyeen dhalinyaro deegaanka u dhashay oo joogo dalka gudihiisa iyo dibadiisaba fadhigiisuna yahay Norwey, waa ururkii aasaasay Amiir-nuu Secondary School oo ah dugsiga sare ee laga sameeyey degmada Garbahaarey tan iyo markii ay burburtay dawladii dhexe ee soomaaliaya.
Sidoo kale, waxay ka qayb qaateen dhismaha iskuulka, iyagoo si gaar ahna u dhisay qol 9 mitir ah oo maktab ah, dhigayna kutub iyo buugaagta manhajka iskuulka oo gaarayo ilaa 2000 oo buug.
DS_Shahaado sharaf Sedo
Waxay sidoo kale SEDO taakulaysaa iskuulada Alqalam eekuyaalo Tuulobarwaaqo iyadoo dayrna udhisay Dugsiga hoosedhexe ee Salaama, wuxuu kaloo Mr. Maxamed ibraahim ku daray in ay Sedo ka qaybqaadato taakulaynta bulshada waxayna labo matoor oo ku fadhiyo $30,000 (sodon kun oo doolar) oo ay ugu deeqeen ceelka Degmada Garbahaarey).
Waxaana shahaado sharafta la gudoonsiiyey wakiilka SEDO Garbahaarey Mr. maxamed maxamuud Cigaal (Weli). Waxaa isna ka hadlay xaflada Maamulaha Dugsi Hoosedhexesare ee Al-anwar.
Mr. Saadaq Sh daahir Cali, Mr Saadaq wuxuu umahad celiyey maamulka Amiir-nuur sida wanaagsan ee ay usoo abaabuleen xafladaan quruxda badan sidookalena wuxuu bogaadin iyo hanbalyo usoo jeediyey ardadii qalinjabisey.
Waxaa sidoo kale xaflada ka hadlay Mas’uuliyiinta gobolka iyo degmada garbahaarey, marti sharaf iyo aqoonyahanka deegaanka oo aad u badan, dhamaana waxay soo dhaweeyeen qalin jabinta ardayda waxayna mahad balaaran usoo jeediyeen Mu’asasada Alqalam, Sedo iyo Hay’ada NCA, waxayna muujiyeen sida ay raaliga uga yihiin shahaado sharafka la siiyey labada Organization.