SYL party in Mogadishu with Hibo Nuura

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

User avatar
Somali-Transporter
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4064
Joined: Thu Jun 15, 2006 8:19 pm
Location: ******
Contact:

SYL party in Mogadishu with Hibo Nuura

Post by Somali-Transporter »

Naadiga dhaqanka ee SYL II oo Shahaado Sharaf guddoonsiyay fanaanadda Qaran ee Hibo Maxamed Hudoon (SAWIRRO)

Sabti, Oktoobar 12, 2013 (HOL) — Naadiga dhaqanka ee SYL-II ayaa xaflad ballaaran oo shahaado lagu guuddoonsiiyay ugu qabtay Muqdihso fannaanadda weyn ee Hibo Maxamed Hudoon (Hibo Nuura), iyadoo xafladdan ay Khamiistii lasoo dhaafay ka dhacday hoteelka Saxafi.

Xafladdaas waxaa kasoo qaybgalay agaasimaha wasaaradda horumarinta iyo adeegga bulshada, Aways Sheekh Xaadaad, guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan), mudane Maxamed Cumar Dalxa iyo xubno kale oo isugu jira abwaanno iyo fanaaniin kuwaasoo dhamaantood aad ugu riyaaqsanaa xaflada loo qabtay fannaannada weyn ee Hiba Nuura oo bishii hore dalka kusoo laabatay.

Kooxda Rajo Band ee naadiga SYL II ayaa waxay halkaa kusoo bandhigeen ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka iyo heeso ka turjumaya soo dhaweyn iyo ammaan ku wajahan fannaanada Hibo Nuura iyo suugaan waddani ah.

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Hibo Nuura Got always a Award...
Image

Image

Image

In memory of Hibo Nuura's best single hit...


Hibo Nuura ayaa iyaduna dhankeeda waxay halkaa ay ka qaaday heeso kala duwan oo ay horay ugu luuqeysay kuwaasoo muujinayay waddaniyadda iyo aqoonta. Waxaa sidoo kale iyana halkaa heeso ka qaaday fannaanadda Binti Cumar Gacal.

Sidoo kale, waxaa munaasabadda laga soo jeediyay khudbado kala duwan oo iyagoo bogaadiyay ururka dhalinyarada Soomaaliyeed ee SYL II, waxayna tilmaameen inay tani astaan u tahay horumarka magaalada Muqdisho ayna filaayaan inay fannaaniin badan dalka dib ugu soo laaban doonaan.

Ugu dambeyn, fannaanada Hibo Nuura ayaa halkaa lagu guddoonsiiiyay Shahaada Sharaf iyo dharka hiddaha iyo dhaqanka dumarka Soomaaliyeed ; iyadoo loo aqoonsaday looguna magac daray “Hiddo Dhowrta Fanka”. Iyadoo munaasabaddu ay kusoo idlaatay jawi qurux badan iyo damaashaad.
SecretAgent
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4824
Joined: Wed Jan 09, 2013 4:58 pm
Location: east south west north

Re: SYL party in Mogadishu with Hibo Nuura

Post by SecretAgent »

Poor lady she never got married or had kids maybe its not to late :?
User avatar
anzeloti
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3246
Joined: Sat Jul 20, 2013 1:23 pm
Location: Lagu xanto lagu xasuusto aa ka horeyso

Re: SYL party in Mogadishu with Hibo Nuura

Post by anzeloti »

Hibo Nuura :up: :som:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”