the very people helping them survive
Xarunta dhismaha safaardda Turkiga ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa goor dhaweyd ka kacay dab, inkastoo aan la ogeyn waxyaabaha sababay dabkaasi oo ka kacay dabaqa labaad ee dhismaha safaardda, inkastoo ay dad badan oo goobayaal joog ihi ay isku dayaan iney ka faaiideystaan buuqa oo ay xadaan hantida safaarada, waxaana dabkaasi waqti kooban ka dib ku guuleystay in ay damiyaan kooxda dab damiska maamulka gobolka Banaadir, kuwaa oo watay gawaarida casriga ah ee loogu talo galay in ay ka shaqeeyaan meelaha dabka sidaan oo kale uu ka kaco.Durbaba markii uu dabkaasi ka kacay dhismahaasi ka dib waxaa gaaray halkaasi wasiirka arrimaha gudaha iyo ammaanka Qaranka C/kariin Xuseen Guuleed, saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka, mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir, iyo madax kale, iyadoo wasiirka uu kulamo la qaatay mas’uuliyiinta safaaradda Turkiga oo uu kala hadlayay arrima la xiriira dabka kacay xaruntaasi.Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Maxamed Yuusuf Cismaan oo ka mid ahaa mas’uuliyiintii halkaasi gaaray ayaa ka hadlay dabkaasi, isagoo sheegay in hadda baaritaano ay socdaan oo ku aadan waxyaabaha sababay dabka, waxaana uu sheegay in dadaal dheer ay sameeyeen kooxda dab damiska gobolka Banaadir, kuwaa oo ku guuleystay daminta dabka kacay safaaradda.Weli wax war ah kama soo bixin mas’uuliyiinta safaaradda oo ku aadan dabka ka kacay dhismaha safaaradadda Turkiga oo ku taala agagaarka Number afar ee magaalada Muqdisho,
http://radiomuqdisho.net/xarunta-safaar ... -ka-kacay/





why on earth 