Somali Defence Minister ''The Goal is to built A strong army

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

User avatar
Somali-Transporter
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4064
Joined: Thu Jun 15, 2006 8:19 pm
Location: ******
Contact:

Somali Defence Minister ''The Goal is to built A strong army

Post by Somali-Transporter »

WASIIRKA DIFAACA: “Waxaan qorsheynaynaa inaan saddexda sano ee soo socota dhisno ciidan Soomaaliyeed oo awood leh”

Image
Sabti, November 02, 2013 (HOL) — Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdixakiin Maxamuud Xaaji Fiqi ayaa shaaca ka qaaday inay qorsheynayaan in saddexda sano ee soo socta la dhiso ciidammo Soomaaliyeed oo awood leh.

Fiqi oo la hadlayay warbaahinta ayaa sheegay in qorshahan uu yahay mid ay dowladda Soomaaliya ku doonayso inay ku sugto ammaanka dalka oo dhan, isagoo xusay in ciidamadaas loo dhameystiri doono qalabka iyo tashiilaadka kale ee ay u baahan yihiin.

“Waxaan qorsheynaynaa in saddexda sano ee soo socota aan dhisno ciidan Soomaaliyeed oo awood leh, kaasoo tiradiisu noqon doonto 28,000 oo askari si ay u hantaan ammaanka dalka oo dhan,” ayuu yiri wasiirka oo intasa ku daray in ciidamadan ay ka imaan doonaan gobollada Soomaaliya oo dhan.

Sidoo kale, wasiirka difaaca Soomaaliya ayaa hoosta ka xariiqay in ciidanka Soomaaliya ee hadda jira uu wanaagsan yahay, balse uusan ku filnayn inuu hanto ammaanka dalka oo dhan, taasna ay tahay sababta keentay in tiro iyo tayo ahaan sare loo qaado ciidammada xooggaa dalka.

“Howshan waa mid dhawaan billaabanaysa, laakiinse waxaa jirta in qaar ka mid ah deegaannada dalka aanay ciidammo ka imaan karin, taasna waxaa sabab u ah Al-shabaab oo deegaannada dalka qaarkood weli ka talisa,” ayuu wasiirku hadalkiisa ku daray.

Dowladda Somalia ayaa waxay hadda awood ahaan ku tiirsan tahay ciidanka AMISOM oo ka socda shan dal oo ay ku jiraan kuwa dariska ah, waxaana ay dagaallo culus la galeen xoogagga Al-shabaab oo ay labadii sano ee lasoo dhaafay ka saareen degaanno badan oo Koonfurta iyo bartamaha Somalia ku yaalla.

Tan iyo markiii ay dowladdii dhexe ee Soomaaliya burburtay 1991-kii waxaa burburay qaybihii kala duwanaa ee ciidamada Soomaaliya, iyadoo tan iyo xilligaas aysan jirin ciidan habeyn oo Soomaaliyeed.

Hadalka wasiirka ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xilli golaha ammanka ee Qaramada Midoobay ay toddobaadkii hore ka doodeen qorshe ku saabsan in beesha caalamku ay taageerto dib u dhiska ciidamada qalabka sida ee dalka Soomaaliya iyo qalabeyntooda.
The_Patriot
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 20702
Joined: Wed Jun 28, 2006 9:39 am

Re: Somali Defence Minister ''The Goal is to built A strong

Post by The_Patriot »

Militia beleedka Dayniile kolke baa laqaramey?
User avatar
Bermooda
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1675
Joined: Fri Jul 19, 2013 1:23 pm

Re: Somali Defence Minister ''The Goal is to built A strong

Post by Bermooda »

The_Patriot wrote:Militia beleedka Dayniile kolke baa laqaramey?
:dwill: :wtf:
User avatar
Somali-Transporter
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4064
Joined: Thu Jun 15, 2006 8:19 pm
Location: ******
Contact:

Re: Somali Defence Minister ''The Goal is to built A strong

Post by Somali-Transporter »

The_Patriot wrote:Militia beleedka Dayniile kolke baa laqaramey?
:lol:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”