Shirka Dabadhilifyada oo ka furmay Muqdisho

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

AhlulbaytSoldier
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 20301
Joined: Fri Feb 08, 2008 4:50 am
Location: Persian Empire

Shirka Dabadhilifyada oo ka furmay Muqdisho

Post by AhlulbaytSoldier »

Daawo Sawirada Ra'iisul Wasaaraha oo si rasmi u furay shirkii Dib u Heshiisiinta Jubooyinka


Ra’isiul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa si rasmi ah u furay maanta shirkii dib-u-heshiisiinta Jubooyinka, kaas oo ay ka soo qayb galeen Ergooyinka ka kala socday qabybaha kala duwan ee dadka ku dhaqan gobolada Jubooyinka.

Shirka ayaa waxaa goob joog ka ahaa xubno ka tirsan golaha Wasiirada, Safiirada Soomaaliya u fadhiya caalamka, UNSOM, Fanaaniinta Hobolada Waaberi, iyo kooxaha shirbka oo dadka ku maaweelinayey heeso muujinaya wadaniyad iyo dib-u-heshiisiin.

Ugu horayntii Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay inuu rajo wanaagsan ka qabo in shirkaan uu noqdo mid u horseeda horumar dhamaan shacabka ku nool jubooyinka oo 22 sano ee la soo dhaafay ay haysteen dhibaatooyin kala duwan.

“Waxaan sharaf ii ah inaan si rasmi ah u furo shirkii Jubooyinka oo daba socda shirkii Addis-Ababa, waana shir leh muhiimad gaar ah mar hadii wax garadkii Jubooyinka ay halkaan ku dhanyihiin, waxaana rajaynayaa in shirkaan uu horseed u noqdo kalsooni dhisida maamul KMG ah ee Juba, kaas oo shaqaynaya mudo laba sano ah, hadii isfahamka dadka uu ku soo dhamaado intaas in kayar waxaa loo gudbayaa dhisida maamul gobleed ay yeeshaan dadka Jubooyinka, ka dowlad ahaan waxan diyaar u nahay inaan samayno dhamaan tasiilaadkii loo baahnaa oo dadka jubooyinku ku gaari lahaayeen isfam u horseeda nabad kuwada noolaansho” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Saacid oo dhanka kale sheegay in tiirarka asaaska u ah dowladda Soomaaliya uu yahay hirgalinta nidaamka Federaalisamka, heshiiska ay gaaraan dadka jubooyinkana uu unoqonayo gogol dhig asaaska dhisida maamul goboleedyada dalka.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed oo Gudoomiye u ah gudiga qaban qaabada shirka ayaa sheegay in shirkaan uu gogol xaar u yahay shirweynaha ka dhici doono magaalada Kismaayo kaas oo lagu gaari doono xal kama danabys ah.

“Waxaa aad ugu faraxsanahay inuu si habsami leh looga soo wada qayb galay shirkaan, wuxuuna shirkaan daba socdaa shirkii Addis-Ababa, wxuuna qayb yahay talaabooyinka la rabo in lagu dhameeyo mad-madowga ku dhexjira dadka Jubooyinka dega, waana muhiim in shirka uu ku bilowdo qalbi furnaan iyo in qof walba doonayo in xal la gaaro, arintaas kaliya ayaa ah mida ay ku imaan karto xal waara oo laga gaaro dhibaatooyinka soo noq noqday ee Jubooyinka” ayuu yiri wasiir Cabdikariin.

Dhanka kale Hogaamiyaha KMG ah ee Juba Sheekh Axmed Ismaalam ayaa dhankiisa qiray in loo baahan yahay in gogoshaan ay noqoto mid dadka isugu yimid ay ka kacaan iyagoo midaysan, taasna ay u baahantahay geesinimo iyo daacadnimo.

“Heshiiskii Adis-Ababa wuxuu ahaa mid muhiimad gaar ah leh, waxaana uga mahadcelin dowlada Ethiopia Wasiirkeeda Arrimaha Dibada oo si hagar la’aan ah habeen iyo maalin ugu soo jeedey sidii xal loo gaari lahaa, shirkaana maantana waaa mid lagu turxaan bixinayo wixii ka dhimanaa shirkii Addis-Ababa, waxaan loo baahan yahay geesinimo dheeraad ah inaan la nimaano, si aan u aadno Kismaayo inagoo midaysan, shirkana waa inaan dib ugu celino guryaheena iyo geedka hoostiisa, hadii aanaan isu muujin tanaasulaadna ma gaarisiin karno horumar dadkeena.

Ugu danbayntii Cabdi Shire Warsame oo ku hadlayey magaca ergooyinka Jubooyinka qaybtooda ku sugnayd muqdisho ayaa sheegay in heshiiskii Addis Ababa ay wada saxiixeen dowladda Soomaaliya iyo Hogaamiyaha Maamulka Juba Axmed Madoobe, heshiiskaasna ay garab koodu soo dhaweynayaan loona baahan yahay in loo midoobo taaba galinta Maamul dhamaystiran oo ay yeeshaan dadka Jubooyinku. “Xasuustaa xal magaaro, waa murti Soomaaliyeed oo inagu boorinaysa in aan dhanka wanaagsan wax ka eegno oo aan horay uga sii dhaqaaqno halka aan joogno” ayuu yiri Cabdi Shire

Image



Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image


You will not find a people who believe in Allah and the Last Day having affection for those who oppose Allah and His Messenger, even if they were their fathers or their sons or their brothers or their kindred. Those - He has decreed within their hearts faith and supported them with spirit from Him. And We will admit them to gardens beneath which rivers flow, wherein they abide eternally. Allah is pleased with them, and they are pleased with Him - those are the party of Allah . Unquestionably, the party of Allah - they are the successful.
User avatar
watchman
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 321
Joined: Tue Sep 11, 2012 8:35 am

Re: Shirka Dabadhilifyada oo ka furmay Muqdisho

Post by watchman »

aayadaan shirka may ku soo degay
AhlulbaytSoldier
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 20301
Joined: Fri Feb 08, 2008 4:50 am
Location: Persian Empire

Re: Shirka Dabadhilifyada oo ka furmay Muqdisho

Post by AhlulbaytSoldier »

Nope. It means these gaalo addicts should fear Allah swt and make tawbah. :up:
User avatar
1moonlight
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 969
Joined: Sat Jan 29, 2011 4:32 pm
Location: Guriga Jid Cadaha Saaran.

Re: Shirka Dabadhilifyada oo ka furmay Muqdisho

Post by 1moonlight »

the reason Ahmed Madoobe is getting all this attention from the government is becouse he wants to be part of the government he knows he can't go against the much stronger Somali Government lead by Hassan Sheikh.

waxaan aaminsanahay ineey dowlada bad baadineeyaso Axmed Madoobe sababtoo ah dagaal haduu dhaco beesha Ogaadeen sida gaalada oo gale ayaa loo ugaarsanaa.

i respect beesha Ogaadeen by the way i think they are good people.
User avatar
manaxe88
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 367
Joined: Fri Oct 12, 2012 10:02 pm
Location: chilling in DASHEEG WAAMO

Re: Shirka Dabadhilifyada oo ka furmay Muqdisho

Post by manaxe88 »

xagee ogadeen lagu ugaarsan? qabiilkeese ugaarsan?
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”