Page 1 of 1

Breaking news: UN agree upon arming the somali national army

Posted: Mon Nov 04, 2013 5:33 am
by Somali-Transporter
FOWZIYO YUUSUF: “Xubnaha joogtada ah ee Golaha Ammaanku waxay isku raaceen in la tageero Ciidamada Soomaaliya”

Image

Isniin, November 04, 2013 (HOL) —Wasiiradda arrimaha dibadda Somalia, ahna ra’iisul wasaare ku xigeen, Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa sheegtay in golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ay ogolaadeen in in la taageero ciidamada xoogga dalka iyo kordhinta ciidamada AMISOM.

Fowziyo oo shalay dib ugu soo laabtay Muqdisho ayaa shir jaraa’id oo ay ku qabatay garoonka diyaaradaha waxay ku sheegtay inay dadaallo badan u gashay sidii loo taageeri lahaa ciidamada xoogga dalka si ay xasilinta dalka uga gaaraan guulo la taaban karo.

“Xubnaha golaha ammaanka waxay dhageysteen warbixin shirkii dhacay 30-kii bishii hore ka jeediyay ku xigeenka xoghayaha guud ee QM, Jan Eliasson oo qiray guulaha wax ku oolka ah ee ay ka gaareen ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM dagaalladii lala galay Al-shabaab,” ayay ku yiri shirkeeda jaraa’id.

Wasiiradda ayaa sheegtay in 15-ka xubnood ee golaha ammaanka ay isku raaceen in laga taageero ciidamada dowladda Soomaaliay dhinaca dib u dhiska iyo qalabeynta.

“Dadaal dheer, wadatashi iyo kulammo is-xig-xiga oo aan la kala yeeshay xubnaha joogtada ah ee golaha ammaanka ayaa waxaan iskula garannay in ciidamada xoogga dalka oo tababarro helay laga helay dhinaca qalabeynta iyo waxyaabaha kale ee ay u baahan yihiin, kuwaasoo wax ka tari doona kor u qaaidda awoodda ciidamada xoogga dalka,” ay mar kale tiri wasiiradda.


Dhanka kale, wasiiraddu waxay sheegtay in xubnaha joogtada ah ee golaha ammaanka la filayo inay kulammo kale oo arrintan la xiriira yeeshaan inta lagu jiro bishan November.

Ugu dambeyn, wasiiraddu waxay sheegtay in tallaabadan ay tahay mid lagu doonayo in Soomaaliya ay kaga baxdo xilliyadii dagaallada sokeeye ayna u gudubto in dib loo soo celiyo ammaankii iyo kala dambeyntii dalka 22-sano kaddib.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

Re: Breaking news: UN agree upon arming the somali national

Posted: Mon Nov 04, 2013 7:30 am
by SomaliDefenceCouncil
Good news and good work by Dr Fowzia.

Re: Breaking news: UN agree upon arming the somali national

Posted: Mon Nov 04, 2013 8:12 am
by Somali-Transporter
it should be celebrated..

Re: Breaking news: UN agree upon arming the somali national

Posted: Mon Nov 04, 2013 9:10 am
by BigBreak
somaliland's military can squash this fake army militia bug in no time

Re: Breaking news: UN agree upon arming the somali national

Posted: Thu Nov 07, 2013 11:44 am
by Somali-Transporter
BigBreak wrote:somaliland's military can squash this fake army militia bug in no time
You will flee without a doubt! :lol: :lol:

Re: Breaking news: UN agree upon arming the somali national

Posted: Sat Nov 09, 2013 10:30 am
by Casanova25
28.000 train soldiers + other untrain tribal militias with there weapons will secure the land...

Re: Breaking news: UN agree upon arming the somali national

Posted: Sat Nov 09, 2013 10:32 am
by BigBreak
^ somaliland has 250,000 soldiers - zoomalia's no match