November 4, 2013
Xaflad casho sharaf oo caawa ka dhacday Muqdisho oo uu sameeyey duwa magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu soo dhoweeyey wafdigii iyo ergadii ka socotay jubaland ee ka qayn galaysa shirka dib u heshiisiinta ee Xamar ka socda.
Xafladan oo dad badan ay hadalo ka jeediyeen ayaa waxa xusid mudan in Nabadoon Axmed Diiriye uu si cad cafis u weydiisay dhamaan dadka reer Jubooyinka, iyo waliba ururka Raas-kambooni, sidoo kale Axmed Diiriye waxuu si qaas ah cafis iyo musaaxamaad u weydiistay Axmed Madoobe oo uu sheegay xitaa aabihii Sheekh Maxamed Islaam inuu ahaa sheekhiisa, ayna isku magaalo ahaayeen.
Axmed Diiriye intaas ka dib waxay xabadka isa saareen Sheekh Axmed MAdoobe,
Sidoo kale waxaa isla goobtaasi isku cafiyay dhamaan oday dhaqameedyadii xaflada ka soo qayb galay. Imaam Mudulood aya aisna cafis weydiistay dhamaan ergadii Jubaland ka socotay.
Ugaas Xiireey oo ku hadlayay magaca ergada Jubooyinka ayaa isagana aqbalay cafiska la weydiistay.
xaflada casho sharafta ahayd ee uu fidiyay duqa magaalada Muqdisho waxaa sidoo kale isku cafiyay reer Jubaland iyo wasiir Fiqi oo is gacan qaaday,
Xilibaan Xoosh ayaa isagana ay dadka cafiyeen isna cafis ka dalbaday reer Jubaland.
Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa isaga dhinaciisa hadal kooban ka jeediyey goobta waxuuna Axmed Diiriye ku tilmaamay inuu yahay nin adeerkiis ah,
Axmed Diiriye iyo Xaad waxay ahaayeen labadii nin ee sida weyn uga soo horjeeday dhismaha Jubaland

