Xildhibaanno ku biiray Xisbiga Muxaafadka ee KULMIYE

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
Ron
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 415
Joined: Sun Jan 01, 2012 9:22 am
Location: be good

Xildhibaanno ku biiray Xisbiga Muxaafadka ee KULMIYE

Post by Ron »

Xildhibaanno ku biiray Xisbiga Muxaafadka ee KULMIYE iyo loollan loogu jiro hanashadda Taageerada Wakiiladda (SAWIRRO)

Image
November 12, 2013 (HOL) — 11 xildhibaan oo ka tirsan golaha wakiiladda Somaliland, ayaa maanta si rasmi ah ugu biiray xisbiga muxaafadka ah ee KULMIYE.

Munaasibad balaadhan ayaa loogu qabtay hotel Maansoor ee magaaladda Hargeysa, waxaana ka soo qaybgalay madaxda xisbiga KULMIYE, wasiiro, Xildhibaano iyo taageerayaashoodii.

Xildhibaanadda oo ka soo digo rogtay xisbigii UDUB ayaa sheegay inay ugu soo biireen KULMIYE waxqabadka balaadhan ee uu dalka ka wado, isla markaana qiimeyn dheer ka dib go’aansadeen inay ku biiraan xisbiga taladda haya ee kulmiye.

Xisbiga muxaafadka KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, ayaa si weyn usoo dhoweeyey 11 xildhibaan ee ku soo biiray xisbiga, isagoo sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay awoodda balaadhan ee ku so biiray.

Sido kale, gudoomiye Biixi waxa uu si adag uga hadlay shirweynaha xisbiyada mucaaradka ku baaqeen inay qabanayaan, isagoo xusay in aanu dastuurku ogoleyn, isla mrkaana qofna aan laga aqbalayn inuu gees maro xeerarka u yaala Somaliland.

Waxaa iyaguna halkaasi ka hadlay 11 kii Xildhibaan ee golaha Wakiiladda ee ku soo biiray xisbiga, iyagoo sheegay inay ku faraxsan yihiin sida wanaagsan ee xukuumada iyo xisbiguba u shaqaynayaan.
Image
Xildhibaan Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle oo ka mid ahaa siyaasyiintii sida adag uga soo horjeeday xukuumada, isla markaana mar walba soo bandhigi jiray dhaliilaha xukuumadda ayaa sheegay inuu si rasmi ah ugu biiray xisbiga muxaafadka ah Ee kulmiye.

“Markii aanu qiimanay saddexda xisbi qaran, waxa noo soo baxday in xisbiga KULMIYE yahay xisbi wax lagu darsan karo, isla markaana xukuumadiisu qabatay wax badan, waxa laga yaabaa inay dadku is waydiyaan waar miyey u kaadiyaan bilow khilaafkaasi ku burburaan, laakiin waxaan u sheegayaa in xisbiga kulmiye isagoo mucaarad ah khilaaf ku burburi waayey, lagamana filayo in isagoo dawlad leh uu burburo”ayuu yidhi Xildhibaan Axmed Yaasiin oo ka hadlayey sababta ugu soo biireen kulmiye.

Sidoo kale, waxa iyaguna ka hadlay xildhibaano badan oo ka sheekeeyey sababta ay ugu biireen inay tahay ka dib markii deegaanada ay ka soo jeedeen ee laga soo doortay xukuumaddu wax u qabatay.

Xildhibaanadda ku soo biiray KULMIYE ayaa laga soo doortay gobolada Awdal, Hargeysa, Sool iyo Sanaag kuwaas ka mid ahaa xildhibaanada ugu cadcad ee sida xooga ah uga soo horjeeday xukuumada, isla markaan aaad u dhaliili jiray, iyago inta badana looga bartay inay mucaaridaan xukuumada, haseyeeshee hadda isku bedelay kuwo muxaafad ah oo xukuumadda difaaca.
Image

Image

Image

source: http://www.hiiraan.com/news/2013/nov/wa ... -44038.htm
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”