Xubnaha booqashada ku tagay Cisbitaalka degmada Galdogob waxaa hoggaaminayey guddoomiyaha gobolka Mudug,Maxamed Yuusuf Jaamac(Tigay),waxana ujeeda socdaalkooda ay ahaayd sid ay wax ugu ogaan lahaayeen xaaladda degmada Galdogob.
Waftigaan ka socda maamulka gobolka waxaa ay booqden goobo muhiim ah oo ku yaalla degmada,waxana ugu muhiim saneed goobaha ya tageen Cisbitaalka degmada Galdogob,duqsiyada waxbarashada ee degmada iyo goobaha u adeegga shacabka ku yaalla degmada.
Xilligii waftigaan ay tageen Cisbitaalka degmada Galdogob waxaa lugta mariyeen qeybaha uu Cisbitaalka ka kooban yahay,waxana ay warbixin ka dhageysteen maamulka Cisbitaalka oo ugu warbixiyey xaaladda uu ku shaqeeyo Cisbitaalka.
Maamulaha Cisbitaalka degmada Galdogob Maxamed C/laahi Aadan,oo ka waramayey xaaladda uu Cisbitaalka ku shaqeeyo ayaa sheegay in Cisbitaalku uu yahay mid u adeegga bukaano ka kala yimaada deegaannada ismaamulka Soomaalida ee Itoobiya,qeybo ka tirsan koonfurta Soomaaliya iyo guud ahanba deegaannada hoostaga degmada Galdogob.
Sidoo kale Maxamed C/laahi Aadan agaasimaha Cisbitaalka degmada Galdogob,waxaa uu sheegay inay jiraan bahaiyo Cisbitaalka uu qabo,waxana uu sheegay in xilligaan uu qabyo yahay qeybtii loogu talagalay in lugu daweeyo buukan socodka,waxana uu baaq u diray dhamanba jaaliyadda Soomaaliyed gaar ahaana kuwa reer Puntland iyo hay’aadda arrimah caafimaadka ka shaqeya,waxana uu ugu baaqay inay wax ka ogaadan xaaladda uu Cisbitaalkani ballaaran ku shaqeeyo.DSC07518
….”"”Cisbitaalku waa mid u adeegga xilligaan dhul ballaaran,waxana jira baahiyo Cisbitaalka ka jiro oo ay ka mid yihiin qeybti loogu talagay bukan socodka in lugu daweeyo,waxan baaq udiraya Soomaalida iyo shacabka Puntland inay ka qeyb qaatan dadaalada uu Cisbitaalka ku shaqynayo…”"”ayuu yiri Maxamed C/laahi Aadan agaasimaha Cisbitaalka degmada Galdogob.
Guddoomiyaha gobolka Maxamed Yuusuf Jaamac(Tigay) ayaa isna dhankiisa sheegay in booqashadis ay ahaayd mid uu ku ogaanayey xaaladda deegaanka ka jira,waxana uu caddeyey inuu ku faraxsan yahay booqashadiis aloona baahan yahay in wax laga qabto degmada ,gaar ahaana bahaiyaha bulshada ay tabayaan.
…”"”Socdalkeena waa mid xaaladda degmada an ku ogaanayney,waxana ku baaqeyaa in wax laga qabto baahida ka jirta degmada…”"”ayuu yiri guddoomiye Tigay









