Ururkii XAQSOOR Oo Ku Biiray Xisbiga Kulmiye

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
Ron
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 415
Joined: Sun Jan 01, 2012 9:22 am
Location: be good

Ururkii XAQSOOR Oo Ku Biiray Xisbiga Kulmiye

Post by Ron »

Dec 5,2013 Hargeysa(Cadceed) – Xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye, ayaa Maanta Munaasibad balaadhan oo soo dhaweyn ah ku qaabilay masuuliyiin ka mid ahaa urur siyaasadeedkii XAQSOOR iyo taageerayaal faro badan oo maanta ku biiray.

Munaasibadda soo dhaweynta ah oo ka dhacday huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa, ayaa waxa ka qayb-galay Masuuliyiin ka mid ah xukuumadda Somaliland, kuwaasi oo ay ka mid yihiin wasiirka Caddaaladda Xuseen Axmed Caydiid, wasiirka Ganacsiga, Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar iyo Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga Kulmiye, Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed iyo Masuuliyiin kale oo ka mid ah xisbiga Kulmiye iyo marwada koowaad ee Somaliland, Marwo Aamina Xaaji Maxamuud Jirde (Aamina-weris).

Masuuliyiinta urur siyaasadeedka XAQSOOR ee ku biiray xisbiga Kulmiye, ayaa waxa ka mid ah Gudoomiyihii hore ee Xaqsoor Axmednuur Aw Cabdi Shaacir, Maxamed Ibraahin Qabo, Cabdiqaadir Iimaan iyo xubno kale oo muhiim ah iyo weliba taageerayaal tiro badan.

Wasiirka Caddaaladda Somaliland Xuseen Axmed caydiid ayaa isna hadal soo dhaweyn ah ka jeediyay madashaasi, waxaanu yidhi “Waa maalin qaaliya, waa Munaasibad aynu ku xusayno Midawga Ururkii Xaqsoor iyo Xisbiga Kulmiye. Waa Xoog isku biiray, waa rejo iyo Guul u soo hoyatay Xisbiga Kulmiye”.

Wasiirka Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah ee Somaliland, Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar iyo wasiirka Ciyaaraha Somaliland Cali Siciid Raygal oo iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inay soo dhawaynayaan Xubnaha iyo taageerayaasha Xaqsoor ee ku soo biiray Kulmiye.
Gudoomiye xigeenka Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed, oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “Heshiiska aanu maanta saxeexayno, saacaddaa laga bilaabo Hay’ad kasta oo dastoori ah oo Talada Xisbiga Kulmiye haysa, ururka Xaqsoor-na waa ka mid”

Maxamed Ibraahin Qabo oo ka mid ah masuuliyiinta Xaqsoor ee Kulmiye ku biiray ayaa yidhi “Reer Xaqsoor in badan ayaynu soo soconay, maanta halkii aynu u soo soconay ee caqabadaha badan aynu u soo maray ayaynu nimid, waxaynu isla garanay inaynu la midawno Xisbigii horeba aad u ahaydeen ee Kulmiye. Kulmiye Jismi iyo Ruux ayuu ahaa, Jismigii ayaa baryahan joogay oo ruuxdii ayaa ka maqnayd oo reer Xaqsoor ah,. Maanta laga bilaabo Kulmiye waxaa gashay Ruuxdii”

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image
User avatar
Meyle
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3519
Joined: Tue Aug 28, 2012 3:36 pm

Re: Ururkii XAQSOOR Oo Ku Biiray Xisbiga Kulmiye

Post by Meyle »

Is this supposed to be democracy? Xisbi xisbi kale ku biira. :lol: :lol:
User avatar
Ron
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 415
Joined: Sun Jan 01, 2012 9:22 am
Location: be good

Re: Ururkii XAQSOOR Oo Ku Biiray Xisbiga Kulmiye

Post by Ron »

There can only be three xisbi qaran in SL. Xaqsor and the rest are 'urur siyasaded' or 'political organisation', cause they did not qualify for a majot party position from November 2012 local elections results.

Disagree that they have to wait another ten years to try again. should be once in every five years
User avatar
Meyle
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3519
Joined: Tue Aug 28, 2012 3:36 pm

Re: Ururkii XAQSOOR Oo Ku Biiray Xisbiga Kulmiye

Post by Meyle »

Why join Kulmiye though? Weligoodba ha hadhaan.


The point is xisbi xisbi kale ku biira maanta iigu horeysa. :lol:
User avatar
srsbsns
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 399
Joined: Tue Mar 26, 2013 6:56 am
Location: On sanctioned raiding expeditions...

Re: Ururkii XAQSOOR Oo Ku Biiray Xisbiga Kulmiye

Post by srsbsns »

Meyle wrote:Why join Kulmiye though? Weligoodba ha hadhaan.


The point is xisbi xisbi kale ku biira maanta iigu horeysa. :lol:
That is because you don't understand secular politics.

Anyway, the elections are looming and alliances are being forged. Kulmiye have done a great job in securing the arap vote. The gadabursii will vote kulmiye and habar jeclo for certain. Now is the time people for a Sacad Muuse president. Good times.
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”