












Wararka ka imaanaya Magaaladda Buhoodle ee xarunta Gobalka Cayn ayaa shegaya in ay Gareen halkaas Wafdi Balaaran oo kasocda Maamulka Khaatumo state.
Dadweyne tirabadan oo isugu jira qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa ka qayb galay soo dhoweynta waftigan, waxaana Madaxdu dadweynaha kula hadleen garoonka kubadda cagta ee magaalada Buuhoodle
Garaad Saleebaan Buraale Aw-Aadan oo kamid ah Isimadsa gobolka Cayn, kana mid ahaa bulshadii soo dhoweysey waftigan ayaa ugu horayn ka hadlay munaasibada soo dhoweynta.
Garaad Maxamuud Cismaan (Mashqarre) oo kamid ahaa waftiga lasoo dhoweeyey ayaa umahad celiyey dadkii soo dhoweynta ka qaybqaatay Wuxuuna ka Hadlay Arimo Dhowr Ah.
Intaas kadib waxaa hadalka qaatay hogaamiyaha waftigan Madaxwayne Maxamed Yuusuf Jaamac (Indhasheel) oo kamid ah golaha madaxtooyada ee maamulka Khaatumo, Wuxuuna ka warbixiyey safarkii uu kaga yimid Ethiopia & waxyaabihii ay kusoo arkeen.