P/Land Prsdntl candidate (AY nephew) attempted assassination

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

Fall
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 751
Joined: Sat Dec 07, 2013 8:50 am
Location: In the face of apathy

P/Land Prsdntl candidate (AY nephew) attempted assassination

Post by Fall »

Axad, December 22, 2013 (HOL) — Waxaa goor dhaweyd xarunta Puntland ee Garoowe lagu rasaaseeyay mid ka mid ah musharrixinta u tar tamaya xilka madaxweynanimo ee Puntland oo lagu magacaabo C/daahir Maxamed Yuusuf (Yeey).

Musharraxa la weerar ayaa goor dhaweyd la hadlay HOL, isagoo sheegay in gaari uu la socday ay rasaas ku fureen ciidammo ka tirsan kuwa amniga ee Puntland, isagoona inta ku daray in rasaastii lugu furay ay khasaaro dhalisay.

Cabdidaahir Maxamed Yuusuf (Yeey) wuxuu intaa ku daray in rasaastii ay ciidamada ku fureen baabuurka uu la socday inay dhalisay dhaawaca soo gaaray qaar ka mid ah dadkii gaariga la saarnaa.

"Anigu waxaan ahay C/daahir Maxamed Yuusuf (Yeey), kulan baan waxaan la lahaa saaka musharrixinta kale uu u tartamaya xilka madaxweynimo ee Puntland iyo madaxweyne ku-xigeen Puntland, shirkii mar dhawayd ayuu soo dhamaaday ,markana kasoo baxay oo an marayay jidka laamiga, waxaa gaarigii an la socday lugu furay rasaas badan, waxaana rasaasta soo riday gaari ciidan wuuna cararay, waxaana uu ahaa baaburta ay leeyihiin ciidanka madaxtooyada, waxaana ku dhaawacmay qar ka mid ah xubnihii ila socday, annigana wax ima soo gaarin," ayuu yiri musharrax Yeey.

Sidoo kale, musharraxa oo sii hadlayay ayaa sheegay in arrinta la isaga daba imaan doonno oo ay doonayan in la caddeeyo sababta ka dambeysay rasaasta la igu furay, isagoo caddeeyay inay garanayaan ciddii ka weerarka ka dambeysay, inkastoo uu ka gabsaday inuu carrabaabo dadkii weerarka ku qaaday.

Weerarkan lagu qaaday musharraxa ayaa imaanya xilli uu jiro khilaaf ka dhex taagan musharrixinta u tartamaya xilka madaxnimo ee Puntland iyo madaxweynaha maamulka Puntland, C/raxmaan Sheekh Maxamed (Faroole).

Ma jiro illaa hadda war kasoo baxay dhinaca maamulka Puntland oo ku aaddan weerarka uu sheegay in musharraxa ay ku qaadeen ciidammo ka tirsan kuwa Puntland.
He's Abdullahi Yusuf's relative and Faroole loyalists tried to kill him.
HusseinHassan
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2980
Joined: Mon Nov 11, 2013 11:12 pm
Location: Somalinet boycott by Puntites in effect 24/12/14

Re: P/Land President candidate (AY nephew) attempted assinat

Post by HusseinHassan »

you must got a phd on hartiology and a masters on puntlandosphy to know who's related to who amongst the puntlanders. :Heh:
Fall
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 751
Joined: Sat Dec 07, 2013 8:50 am
Location: In the face of apathy

Re: P/Land President candidate (AY nephew) attempted assinat

Post by Fall »

HusseinHassan wrote:you must got a phd on hartiology and a masters on puntlandosphy to know who's related to who amongst the puntlanders. :Heh:
I found that out from this thread: viewtopic.php?f=246&t=338739

And the only reason I remembered he's AY's relative is because I knew Faroole would be stupid enough to attack someone like him and someone he finds a threat :umad:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”