http://hiiraan.com/news/2013/Dec/warark ... -44623.htmTalaado, December 24, 2013 (HOL) — Xildhibaannada baarlamaanka ayaa maanta cod u qaadaya guddoomiyeyaasha guddi hoosaadyada baarlamaanka kaddib markii mooshin ka dhan ah ay keeneen xildhibaanno baarlamaanka ka tirsan.
Mooshinkan oo ay keeneen 15 xildhibaan ayaa lagu dalbaday in hoggaanka guddi hoosaadyada baarlamaanka Soomaaliya uu noqdo mid wareegto ah oo sannadkiiba mar la bedelo, taasoo uu guddoonka barlamaanka aqbalay.
“Ajandaha baarlamaanka Soomaaliya ee maanta waa in cod loo qaado guddoomiyeyaasha guddi hoosaadyada baarlamaanka oo mooshin laga keenay, waxaana maanta lasoo gabagabeynayaa khudbado ay jeedinayeen xildhibaanno is-qoray shalay, markaas kaddibna codeynta ayaa dhici doonta,” ayuu yiri xildhibaan Maxamed Cumar oo ka mid ah xubnaha baarlamaanka Soomaaliya.
Xildhibaanka ayaa sheegay in guddoomiyeyaasha guddiyad baarlamaanka oo tiradoodu 15 xildhibaan loo ansixin doono si du-duub ah oo aysan jirin cid si gaar ah codka loogu qaadayo.
“Qorshahan waxaa mid lagu doonayo in guddoonka guddiyada baarlamaanka ay noqdaan kuwo wadaag ah oo sannadkiiba ay qabtaan xubno cusub, taas oo ay soo jeediyeen xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka,” ayuu mudanuhu hadalkiisa ku daray.
Sidoo kale, waxaa lagu wadaa in codeynta kaddib ay xildhibaannadu go’aan ka gaaraan xilliga ay guddi-hoosaadyada baarlamaanku soo dooran doonaan guddoomiyeyaasha cusub ee hoggaamin doona sannadka soo socda ee 2014-ka.
Guddi-hoosaadyada baarlamaanka Soomaaliya ayaa ah xubno joogto ah oo si gaar ah uga hadla howlaha baarlamaanka, iyagoo sidoo kalena uu guddi walba si gaar ah ula shaqeeyo wasaarad ka tirsan xukuumadda Soomaaliya.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
Somali FG parliament endorses vote on changes to leadership
Moderator: Moderators
- XimanJaale
- SomaliNet Super
- Posts: 12578
- Joined: Wed Oct 27, 2010 4:15 am
- Location: Buulo Xubeey, Wadajir District
- Contact:
Somali FG parliament endorses vote on changes to leadership
Somali FG parliament endorses vote on changes to the lower parliamentarian commission.
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 1 Replies
- 457 Views
-
Last post by Berke
-
- 0 Replies
- 681 Views
-
Last post by newsbot
-
- 17 Replies
- 1395 Views
-
Last post by oxymoron
-
- 2 Replies
- 505 Views
-
Last post by IRONm@N
-
- 5 Replies
- 749 Views
-
Last post by Rambie
-
- 1 Replies
- 497 Views
-
Last post by biko
-
- 11 Replies
- 1402 Views
-
Last post by original dervish
-
- 0 Replies
- 238 Views
-
Last post by IRONm@N
-
- 0 Replies
- 473 Views
-
Last post by Kheyrow
-
- 70 Replies
- 3768 Views
-
Last post by Voltage