Ciidankaan oo loogu magac daray Guutada Birmad wuxuu ka koobnaa 1000 askari, waxaa la xareyey bilowgii sanadka 2013-da, Dawladii Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamud waxaa ay ugu talagashay in ay ku xaqiijiso amaanka magaalada Muqdisho waxaana laga kala keenay dhamaan Laamaha ciidamada Qaranka waxaa la xareeyay kadib markii dowlada uu Madaxweyne Hassan Sheikh hogaaminayo dalka ka dhalatay , dawladaan ayaa ahayd mid aad loogu hanweynaa, kalsooni buuxdana shacabka ku qabeen, filayeena in amaanka wadanka wax wayn ka bedeli doono, Ciidankaan loogu magac daray Birmad waxaa lagu xareeyay Xero Mariino, waxaana taliye looga dhigay Col Mire, oo runtii ahaa nin aad u shaqsiyad wanaagsan.
Kadibna bishii March ee 2013 da ayaa loo soo bedelay xerada General Kaahiye Academy, kadib markii Tababar u socday mudo 7 bil ah, waxaa loo kala qaybiyey 3 urur, waxaana lasiiyey Hal bil mushaar ah Kaliya, tababarkii markuu u dhamaaday waxaa loo qaybiyey hub iyo gaadiid waxana lagu daadiyey dhamaan isgoysyada Xamar, ciidankaan qorshe la,aan ayaa isgoysyada la geeyay, ma jirin xerooyin la og yahay oo la dejiyey oo ay kasoo hawl galaan kuna noqdaan markii shaqooyinkooda dhameystaan.
Muddo Laba bilood markii ay difaac uga Jireen isgoosyada Xamar wax mushaar ahna aan la siinin, dhimasho iyo dhaawac badan uu soo gaaray ayaa dib loogu celiyey xerada General Kaahiye Academy, kadib markii mudo bil ah xerada joogeeen ciidanku iyaga oo xaquuq la’aan ah, Ciidankii waxa ay u kala baxeen 3 qaybood,
1- Kuwa hubkoodii gatay suuqana hora u galay,
2- Kuwa ciidamada dowlada dib ugu biiray,
3- Iyo kuwa meela fog fog ka yimid ama goboladoodii Alshabab haysto oo aan aadi Karin sidaasna Xeradii iskaga joogey.
Ciidankii xerada ku haray oo ka mid ahaa Guutadii loogu Magac daray BIRMAD Bil mushaar ah ayaa loo qaybiyey hubkiina waa laga qaatay cuntadiina waa laga goostay. haraagii Guutadii Birmad ayaa sheegay in Wax badan waraaqo cabasho ah u qoreen wasiirka Arimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Cabdikariin Xuseen Guuleed laakiin ilaa iyo hada aysan wax jawaab ah ka helin wasiirka.
Haraagii Guutada Birmad oo ka koobnaa 72 Askari oo xaaladii noloshu ku adkaatay ayaa Baarlamanka hortiisa soo istaagay mudo 2 bil ah ka hor iyaga oo weydiisanayna Baarlamaanka si ay xaquuqdooda Rashinka iyo mushaharka ugu raadiyaan, saraakiil sarsare oo booliis ah ayaa la hadashay haraagii Guutada Birmad waxaana lagu amray iney xerada ku laabtaan iyadoo loo balan qaaday in xaquuqdooda helayaan.
72 dii Askari oo ka hartay Guutadii Amniga Muqdisho loogu tala galay oo loogu magac daray BIRMAD, kana koobneyd 1000-ka Askari ayaa todobaad kadib markale Baarlamaankii kusoo hor laabtay kadib markii ay waayeen wax la soo hadla ama ugu yimaada Xerada General Kaahiye, General Saacid Taliyaha booliska Soomaaliya ayaa amar ku bixiyey in xabsiga loo taxaabo ciidankaan tirada yar oo banaan baxaya weydiisanaya xuquuqdooda Rashin iyo Mushaar, Haraagii Guutadii Birmad waxaa soo weeraray Ciidan uu hogaaminayo General Saacid, waxaana gacanta lagu dhigay 38 Askari,waxaana loo gudbiyey xabsiga dhexe, mudo bil iyo maalmo ah markii xabsiga Dhexe ku Jireen maxkamada ciidamada ayaa xukuntay in aysan wax dambiya lahayn oo ay ku laabtaan xerada General Kaahiye, Ciidankii markii xeradii soo gaareen ayaa lagu war geliyey in aysan soo geli Karin Xerada, waxaana loo sheegay in Askari kastaba ciidiisii aaddo, Guutadii Birmad askarta aadka uyar oo dhowaan Maxkamada ciidamadu amartay in xerada ku laabtaan ayaa sheegay in qaraabo aysan u joogin Xamar, lacag ay diyaarado ku raacaana aysan heysan maadaama aysan dhulka Mari Karin oo jidadka Gobolada uu Alshabaab heysto. haraagii Guutada Birmad ayaan haatan laamiyada Xamar ku dhex rafaadsan. Xogtaan ayaanu kasoo xiganay Askari kusoo gaabiyey magaciisa Qadar.
Dawladda Madaxweyne Hassan Sheekh ayeysan jirin isla xisaabtan, xil magaabida xukuumadana waxaa ay noqotay uun mid ku saleysan saaxiibtinimo ama xubin ka ahaanshada ururka Damujadiid!!!
Xageebey ku danbeysay Guutadii loogu tala galay Amniga Muqd
Moderator: Moderators
-
THE_TRUTH1
- SomaliNet Heavyweight

- Posts: 1512
- Joined: Thu Nov 24, 2005 9:01 pm
- Location: canada
-
THE_TRUTH1
- SomaliNet Heavyweight

- Posts: 1512
- Joined: Thu Nov 24, 2005 9:01 pm
- Location: canada
Re: Xageebey ku danbeysay Guutadii loogu tala galay Amniga M
President Sh Maxmuud and his government are proving to be Failures in every aspect Honestly speaking no one can defend him One year of no Progress -
Mogadishu Police force have collected over $ 150 million dollar in taxes - were did money go this on unacceptable
Mogadishu is in unstable condition where alshabaab can attack and cause Chaos kill doctors - Suicide bombing - carrying out attack at Night times .... the situation is getting worse .
The Governor Of Mogadishu Tarzan is busy with empty threats holding parties at every degmo - in terms of cleaning the city and renovating it Banaadir admin are doing a excellent job . without stability and strong security force everything they are working for will vanish . Districts like Daynill and Hurwa are said be under alshabaab law at night . Bandaair admin needs to build security team that hunts down Alshabaab financiers and cells kill them straight hit-mans no mercy the oday who comes looking for his sun should also get bullet in his head Point Blank.
lost all hope on President Sh Hassan lets see and hope the new Pm can change things around ...........
SAHAl and the rest how do we support a Government that's a sitting duck ....
Mogadishu Police force have collected over $ 150 million dollar in taxes - were did money go this on unacceptable
Mogadishu is in unstable condition where alshabaab can attack and cause Chaos kill doctors - Suicide bombing - carrying out attack at Night times .... the situation is getting worse .
The Governor Of Mogadishu Tarzan is busy with empty threats holding parties at every degmo - in terms of cleaning the city and renovating it Banaadir admin are doing a excellent job . without stability and strong security force everything they are working for will vanish . Districts like Daynill and Hurwa are said be under alshabaab law at night . Bandaair admin needs to build security team that hunts down Alshabaab financiers and cells kill them straight hit-mans no mercy the oday who comes looking for his sun should also get bullet in his head Point Blank.
lost all hope on President Sh Hassan lets see and hope the new Pm can change things around ...........
SAHAl and the rest how do we support a Government that's a sitting duck ....
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 2 Replies
- 338 Views
-
Last post by Babygirl-
-
- 19 Replies
- 1001 Views
-
Last post by Siciid85
-
- 0 Replies
- 527 Views
-
Last post by The_Patriot
-
- 10 Replies
- 859 Views
-
Last post by 0sman
-
- 51 Replies
- 3679 Views
-
Last post by Ducaysane_87
-
- 2 Replies
- 2859 Views
-
Last post by Bermooda
-
- 0 Replies
- 271 Views
-
Last post by sahal80
-
- 9 Replies
- 844 Views
-
Last post by Advocatar
-
- 3 Replies
- 36 Views
-
Last post by ina aadan
-
- 3 Replies
- 895 Views
-
Last post by ina aadan