Warbaahinta Dhanaan Media waxaa soo gaaray warar lagu kalsoonaan karo oo sheegaya in ciidanka Kenya ee ku sugan magaalada Kismaayo la badalayo laguna wareejin doono ciidan ka socda mid kamid ah dalalka ciidamadu ka joogaan AMISOM.
Wararku waxay sheegayaan in amar kasoo baxay taliska guud ee AMISOM lagu go’aamiyay in ciidanka Kenya laga qaado Kismaayo laguna badalo ciidan AMISOM ah oo ka socda dal aan Kenya ahayn.
Ciidanka Kenya ee ku sugan Kismaayo ayaa ahaa ciidan wada shaqan wanaagsan ka dhaxaysay shacabka iyo maamulka Jubaland aadna uga anshax wanaagsanaa ciidamada kale ee ku sugan koonfurta Somalia.
Wixii warkan kasoo kordha dib ayaan kasoo tabin doonaa hadii Allah idmo
Is Barre ready for a second round or what?

http://www.dhanaan.com/dhanaan/maxaa-ka ... reejinayo/