State funeral for PM Hussein (Pictures)

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
hydrogen
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9607
Joined: Sat Dec 22, 2012 2:44 pm
Location: Leicester

State funeral for PM Hussein (Pictures)

Post by hydrogen »

He was buried beside his old friend Adan Cadde :som:

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Muqdisho, 07 Febraayo 2014 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka qeybgalay aaskii qaran ee loo sameeyey Ra’iisul Wasaarihii hore Marxuum Cabdirisaq Xaaji Xuseen oo maanta lagu aasay Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa hoggaaminayey mas’uuliyiin kuwaas oo meydkii ku soo dhoweeyey garoonka diyaaradaha ee Muqdisho. Mas’uuliyiintaas oo ay ka mid ahaayeen Guddoomiyaha Baarlamaanka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed, Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Hoggaamiyaha Jubba Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe), Wasiiro, Xildhibaanno iyo mas’uuliyiin hore.

Madaxweynaha ayaa yiri “Maanta waxaan EEBBE u baryeynaa mid ka mid ah geesiyaasheena. Cabdirisaq Xaaji Xuseen waxuu ahaa nin aad noogu weyn oo waddani ah. Waxuuna tusaale u yahay Soomaalida oo dhan una baahan in lagu daydo si aan dalka dib ugu dhisno. Haddii ay jirto cashar aan ka baran karno waxaa noqoneysa sida uu ugu dadaali jirey midnimada ummadda Soomaaliyeed. Waxaan shaki iiga jirin haddii aan gacmaha is wada qabsano inaan wax badan oo guulo ah aan gaari karno. Waana inaan midownaa oo aan ka gudubnaa sanooyin badan oo khilaaf ah.”

Madaxweynaha oo ka hadlayey guulihii Cabdirisaaq Xaaji Xuseen ayaa sheegay:

“Cabdirisaaq waxuu ahaa shaqsi u istaagay cirib tirka musuqmaasuqa, maamul wanaag iyo inuu u adeego shacabka Soomaaliyeed, tanoo noo wada aheyd mid aan tusaale ka dhigan karno oo aan ku dayankarno dadaalkii uu sameeyey. Waana inaan ku wada xasuusanaaoo uu tusaale noo wada noqdaa. Bacdamaa uu geeriyooday, laakin taariikhdiisii fiicneyd wey nala joogtaa oo ma hilmaameyno.“

Masaajidka Isbaheysiga baa salaadii Janaasida lagu dukaday, oo ka dib meydka lagu aasay Ceel Cirfiid oo lagu ag aasay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Adan Cabdulle Cismaan.
hydrogen
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9607
Joined: Sat Dec 22, 2012 2:44 pm
Location: Leicester

Re: State funeral for PM Hussein (Pictures)

Post by hydrogen »

There will be more pictures coming out later, the event was quite large
original dervish
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 29468
Joined: Mon Aug 22, 2005 5:08 pm

Re: State funeral for PM Hussein (Pictures)

Post by original dervish »

It was a funeral for goodness sake.
hydrogen
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9607
Joined: Sat Dec 22, 2012 2:44 pm
Location: Leicester

Re: State funeral for PM Hussein (Pictures)

Post by hydrogen »

original dervish wrote:It was a funeral for goodness sake.
Exactly, and even that annoys you. How sad.
quark
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7820
Joined: Sat Oct 16, 2010 1:22 pm
Location: Xarunta Xisbiga Gooni Isu Taaga Dal udug

Re: State funeral for PM Hussein (Pictures)

Post by quark »

hydrogen wrote:He was buried beside his old friend Adan Cadde :som:
:up: AUN to both men, honorable men from a different era. :meles:
hydrogen
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9607
Joined: Sat Dec 22, 2012 2:44 pm
Location: Leicester

Re: State funeral for PM Hussein (Pictures)

Post by hydrogen »

:up: AUN
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”