Somaliland army takes more territory in eastern and southern

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

THE_TRUTH1
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1512
Joined: Thu Nov 24, 2005 9:01 pm
Location: canada

Somaliland army takes more territory in eastern and southern

Post by THE_TRUTH1 »

Ciidamada Somaliland oo qabsaday Deegaanno ka tirsan Gobolka Sool
Jimce, Febaraayo 14, 2014 (HOL) — Deegaanno ka tirsan gobolka Sool ayaa la sheegayaa in xilligan gacanta ay u galeen ciidammo ka tirsan Somaliland, waxaana ciidamadan maalmahan ay dhaq-dhaaqyo ka wadeey gobollada Sool iyo Cayn.

Dhowr guuto oo ciidamada Somaliland ka tirsan ayaa xilligan ku sugan deegaanka Kalabayr oo 28-km koonfur galbeed kaga beegan degmada Laascaanod, guddoomiyaha gobolka Sool ugu magacaaban Puntland arrintan xaqiijiyey.

Axmed Ibraahim Faarax (Faracade), wuxuu sheegay in ciidammo ka socda Somaliland ay si buuxda ula wareegen deegaanno dhowr ah oo ay ka mid yihiin Kalabaydh, Karin Dabayl Wayn, Dharkeyn Geenyo iyo tuulooyin kale oo dhammaantod kawada tirsan gobolka Sool.

Guddoomiyaha gobolka Sool ee Puntland wuxuu uu intaas ku daray in ciidamada xilligan isku ballaariyay deegaannada ay yihiin ciidammo si weyn u xooggan oo ka yimid magaalada Hargeysa.

“Ma ahaa wax cusub in ciidammo Somaliland ka tirsan ay qabsadaan deegaanno gobolka Sool ka tirsan horay Laascaanood ayaa gacantooda ugu jirtay, xilligan waxaan idiin xaqiijinaynaa in ciidammo si weyn u hubaysan ay la wareegen deegaanno gobolka Sool ka tirsan,” ayuu yiri Axmed Faracade.

Sidoo kale, wuxuu xaqiijiyay mas’uulkan in wax dagaal ah uusan ka dhicin deegaannada xilligan ciidamada Somaliland ay soo gaareen, isagoo sheegay inay si nabad ah ula wareegen oo aysan la kulmin wax iska caabin ah.

Qabsashada deegaanada cusub ayuu ku sheegay guddoomiyuhu Axmed Fara-cadde mid gar-darro ah oo ay Somaliland ku dan-daansanayso Puntland.

Dhinaca kale, Axmed Ibraahim wuxuu beeniyey warar soo baxayay oo sheegay in ciidammo ka tirsan Somaliland ay madaxweyne xigeenka Puntland, C/xakiim Cabdulaahi (Camey) ka hor-istaageen safar uu ku tagi laha degmada Buuhoodle oo deegaan ahaan uu kasoo jeedo.

Puntland iyo Somaliland waxay ku muransan yihiin maamulka gobolka Sool iyo deegaanno ka tirsan, waxaana labada dhinac ay sheegtaan in maamulidda deegaannadaas ay iyagu leeyihiin.

Dhaq-dhaaqyada cusub ee ciidamada Somaliland ayaa ka dhigaysa mid soo cusbooneyn karta xiisada labada maamul u dhexeysa ee ku aaddan maamulidda gobollada ay isku haystaan.

Ma jiro wali wax hadal ah oo kasoo baxay madaxda sare ee Puntland iyo Somaliland, lamana garan karo jawaabta ay bixin doonto Puntland maadaama deegaanno cusub ay qabsadeen ciidanka Somaliland.


PunaniLand :lost: :clap:


How would Puntland react f-king Punnanis just giving away land
User avatar
Even123
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1368
Joined: Thu Oct 10, 2013 4:19 am

Re: Somaliland army takes more territory in eastern and sout

Post by Even123 »

old news, by the way they weren't taken by the somaliland army, but by its own inhabitants the dhulbahante that sided with somaliland.

Dhulbahante only changed shirts, not a big deal.
User avatar
Meyle
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3519
Joined: Tue Aug 28, 2012 3:36 pm

Re: Somaliland army takes more territory in eastern and sout

Post by Meyle »

Even123 wrote:old news, by the way, the weren't taken by the somaliland army, but by its own inhabitants the dhulbahante that sides with somaliland.
Nonsense..


The article clearly states;

Guddoomiyaha gobolka Sool ee Puntland wuxuu uu intaas ku daray in ciidamada xilligan isku ballaariyay deegaannada ay yihiin ciidammo si weyn u xooggan oo ka yimid magaalada Hargeysa.
THE_TRUTH1
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1512
Joined: Thu Nov 24, 2005 9:01 pm
Location: canada

Re: Somaliland army takes more territory in eastern and sout

Post by THE_TRUTH1 »

original dervish And Dhuus elders Respond nothing but calacal



Hargeysa Admin Denies Puntland VP to enter his Home land kkkkkkkkkkkkk
User avatar
Warabaha
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1724
Joined: Thu Jan 23, 2014 5:41 pm

Re: Somaliland army takes more territory in eastern and sout

Post by Warabaha »

Sland owns the territory
User avatar
Hodan94
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4931
Joined: Sat Jun 09, 2012 4:16 pm
Location: cirka iyo dhulka dhexdooda.

Re: Somaliland army takes more territory in eastern and sout

Post by Hodan94 »

khatumo and puntlands reaction to the situation....
[youtube]watch?v=s27Oq5ot0ZI[/youtube]
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”