"iyadoo dib u hagaajineysa Dhismayaasha Madaxtooyda Soomaaliya"
I have being posting this pic for 4 months!
Basically the UAE will re-construct hassan sheekhs palace with two helicopters

"Waxaa Dalka dib ugu soo laabtay ciidamo gaar ah iyo Saraakiil lagu soo tababaray dalka Imaaraatka Carabta. Ciidammadaas oo loo soo tababaray ilaalinta Madaxtoyada Soomaaliya iyo goobaha kale ee muhiimka ah ee Caasimmadda.
Tirada ciidankan sida gaarka ah loo soo tababaray ayaa waxay gaareysaa 58 askari oo ay ku jiraan dhowr Saraakiil sar sare ah, waxayna ku soo qaateen dalka Imaaraatka Carabta tababar socday muddo labo Bilooda ah.
Ciidamadan iyo Saraakiishan oo la socday Diyaarad gaar ah oo ka soo qaaday dalka Imaaraatka Carabta ayaa waxaa Gegida Diyaardaha ee Aadan Cadde ku soo dhaweeyay Madax ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya iyo Saraakiil ciidan iyo Madax ka tirsan Safaaradda Dowlada Imaaraatka Carabta ee dalka Soomaaliya.
Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Mudane Cabdi Muxumed Axmed oo ka hadlay Munaasabaddi soo dhaweynta ayaa u mahadceliyay Dowladada Imaaraatka Carabta kuna ammaanay taageerada dhinac walba leh ee ay la garab taagan tahay Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed.
“ Anigoo ku hadlaya magaca Madaxtooyada Soomaaliya waxaan aad uga mahadcelineynaa taageerada Dowladda aan Walaalahanahay ee Imaaraatka oo nala garab taagan mar walba Taageeradda xaga Dhaqaalaha, xaga Siyaasadadda iyo xaga ciidamadda intaba” ayuu yiri mudane Cabdi Muxumed Agaasime ku xigeenka Madaxtooyada.
Waxa kale oo uu Agaasime ku xigeenka Madaxtooyada uu kala dardaaramay Ciidanka iyo Saraakiisha soo dhammeystay Tababarka in ay si hufan uga soo dhalaalaan howsha loo idmaday oo ah inay sugaan ammaanka goobaha muhiimka ah ee dowladda oo ay ka mid tahay xarunta Madaxtooyada.
Waxaa kale oo halkaasi ka hadaly Col. Maxamed Maxamud oo ah Madaxa Saadka ee Madaxtooyada oo sheegay in taageerada Dowladda Imaaraatka Carabta ay tahay mid muhiim u ah Shacabka Soomaaliyeed
Dowladda Imaaraatka Carabta ayaa dalka Soomaaliya ka wadda Mashaariic kala duwan oo isugu jira kuwo Bani aadannimo iyo kuwo Hrumarineed, iyadoo dib u hagaajineysa Dhismayaasha Madaxtooyda Soomaaliya, iyo sidoo kale Isbitaal weyn oo ay ka dhiseyso Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir, dhismahaas oo gabagabo ku dhow waxaa ku baxaysa lacag Malaayiin Dolar ah. Waxaa kale oo Mashaariicda Dowlada Imaaraatka ay ka fulineyso Soomaaliya ka mid ah; dhismaha Dugsiyo, Xarumo Ciidan , Saldhigyo Boolis, Ceelal Biyood iyo Dowladaha hoose ee Gobollda dalka"