April 7, 2014 // admin1 // News
Howlgaladii ciidamada amaanka Kenya ay ka wadaan xaafada soomaalidu ku badn tahay ee Islii ee magaalada Nairobi ayaa lagu soo qabtay soomaali kor udhaafaysa 3000 kuwaas oo la isugu geeyay garoonka ciyaaraha ee Kasaraani.
Dadkan halkaas la isugu geeyay ayaa waxaa lagu wadaa baadhitaan iyo wareysiyo si loo ogaado in dalka ay sharci ku joogeen iyo inkale.
Xildhibaanada Muslimiinta Kenya gaar ahaan kuwa laga soo doorto gobolka waqooyi Bari Kenya ayaa ciidamada Booliska Kenya ku eedeeyay in tacadiyo ka dhan ah insaaniyada ay kula dhaqmeen soomaalida ku nool xaafada isli waxayna xildhibaanadu sheegeen in hantidooda la dhaco,dumarka la kufsado lacag madax furasho ahna laga qaato.Waxay xildhibaanadu sidoo kale Boolisku ku eedeeyeen in dadka soomaalida oo kaliya la bartilmaameydsanayo.
Dowlada Kenya ayaa iyadu sheegtay in howlgaladan aysan ahayn kuwo lagu bartilmaameydsanayo xaafada isli oo kaliya balse hada ka hor laga soo sameeyay xaafada Kaaraan.
Madaxa Booliska magaalada Nairobi Njoroge wuxuu sheegay in howlgalada laga wado xaafada Islii ay sii socon doonaan
Been reading comments on kenyan newspapers lately, and walaahi i predict there will be a machete festival in Islii if there is another attack.
Somalis have been warned they were living on borrowed time in Nairobi, best bet would be to sell your business and move to muslim majority city ASAP.
On the other hand massacre of somalis will surely have deep ramifications for Kenya and it's economy. Insecurity will drive away investors.
Already Kenya is hemorrhaging money in the tourist industry due to the unrest in the coastal region, a historically predominate muslim region that has been marginalized.




