Several months ago Ahlu Sunnah transferred ONLF officials including Sh Ani, ironically the same Ethiopians have arrested Ahlu Sunnah officials and Universal tv( Anti-ONLF) reporters for supporting ONLF. Ahlu Sunnah is a pathetic organisation
Sida ay ku warrameen wariyeyaal jooga magaalada Guriceel ee gobalka Galgaduud waxaa lagu xiray deegaano kamid ah dhulka Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Ethiopia ilaa iyo 15 Xubnood oo isugu Jiray Masuuliyiin ka Tirsan Maamulka Ahlu-Suna Waljamaaca,Aqoonyahano,Nabadoona iyo Waliba Wariyayaal.
Xariga Masuuliyiintaasi ayaa waxa ay dhacday Galinkii Danbe ee Shalay Xili ay isku dayayeen iney Gudaha ugalaan Deegaano kamid ah Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Ethiopia.
Dadka la ay Dowlada Ethiopia Xabsiga utaxaabtay waxaa kamid ah Madaxa Amniga Maamulka Ahlu-Suna ee Dagmada Guriceel Muuse Macalin Tashada waxaa kaloo Masuuliyiinta Laxiray Ku Jiro Mursal Maxamed Xeefoow Madaxa Arimaha Bulshada ee Maamulkaasi.
Kasokoow Masuuliyiintaas waxaa kaloo ku jira Dadka la xiray Wariyayaal oo uu kamid yahay Wakiilka TVga Universal ee Dagmada Guriceel Cabdi Qaadir Guure Barre o wafdiga lasocday.
Dowlada Ethiopia ayaa ku eedeysay dadkaasi ay xirxirtay iney yihiin kuwo xiriir la leh Jabhada udagaalanta Xoreynta Dhulka Somalida ee Ethiopia ee OLNF.
Baaris Dheeri ah oo ay Sameeyeen kadib waxey ku ogaadeen in dadkaasi aaney wax xiriir ah la leheyn Jabhadaasi Balse Ethiopia ayaa dadkaasi weydiisay Ujeedka Socdaalkooda.
Waxey ku Jawaabeen in Ujeedkoodu uu yahay Sidii ay usoo kormeeri lahaayeen Deegaano la sheegay iney ka Jirto Biyo La’aan Baahsan oo Laga Soo Sheegay.
Ma jirto ila iyo Hada Wax Hadal ah oo kasoo Baxay Dowladda Ethiopia iyo Maamulka Ahlu-Suna oo ku Aadan Arintan iyadoon aan sidoo kale laga warheyn Goobta Lageeyay Dadkaasi la Xiray.