dadkaan naftooda yaa yirahdo kala carara meesha..

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

User avatar
FarhanYare
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 19029
Joined: Fri Jun 17, 2011 10:06 pm
Location: Location:Location

dadkaan naftooda yaa yirahdo kala carara meesha..

Post by FarhanYare »

Ganacsato Soomaaliyeed oo lagu Toogtay Duleedka Magaalada Johannesburg
Jimco, May 02, 2014 (HOL) — Kooxo Koonfur Afrikaan ah ayaa toogasho ku dilay laba ganacsato Soomaaliyeed ah, kaddib markii ay ku weeraray dukaan ay ku lahaayeen meel ka baxsan magaalada Johannesburg.

Goobjoogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in labadan ganacsatada Soomaaliyeed ah la dilay xalay iyagoo ku sugan dukaankooda, xilli ay xisaabinayeen lacagihii ay shaqeeyeen maalintaas.

“Labada ganacsatada ah waa la toogtay, kaddibna kooxaha burcadda ah waxay ka qaateen dukaanka intii aysan baxsan wax walba oo yaallay,” ayuu yiri goobjooge ka mid ah kuwii la hadlay warbaahinta dilka kaddib.

Burcadda ayaa weeraray tiro ka mid ah dukaamo ay ganacsatada Soomaaliyeed ku leeyihiin goobaha ka baxsan magaalooyinka waaweyn, iyadoo ay booliiska dalkaas gaareen halkii lagu dilay ganacsatadan Soomaaliyeed ayna ku guuleysteen inay gacanta ku dhigaan mid ka mid ah kooxihii dilka iyo boobka u geystay ganacsatada Soomaaliyeed.

Ganacsatada Soomaliyeed ee la dilay ayaa lagu kala magacaabi jiray, Shaafici Xasan Nuur iyo Cabdirisaaq Cabdullaahi Xasan, iyagoo qayb ka noqonaya tiro ganacsato Soomaaliyeed oo dalkaas lagu dilay dhowrkii sano ee lasoo dhaafay.

Soomaalida ku nool dalka Koonfur Afrika ayaa xukuumadda dalkaas ku eedeeya inaysan waxba ka qaban burcadda dilalka iyo dhaca u geysanaya, kuwaasoo si joogto ah u geysta weerarrada iyo dilalka ay u geysanayaan dukaamada ganacsi ee Soomaalidu leedahay.

Waxayna sidoo kale xukuumadda Koonfur Afrika ku eedeeyeen inay iyadu dabada ka riixayso beegsiga dadka ajaanibta ah ee dalkaas ku nool, iyadoo dambiyada ay geysanayaan kooxaha burcadda ah ay aad u sii kordhayaan.

Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa ku nool boqolaal kun oo Soomaali ah, kuwaasoo intooda badan dukaamo ganacsi ku leh duleedyada magaalooyinka, iyadoo dilalka loo geysanayo loo aaneeyo goobaha ay ganacsiga ka sameystaan.
quark
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7820
Joined: Sat Oct 16, 2010 1:22 pm
Location: Xarunta Xisbiga Gooni Isu Taaga Dal udug

Re: dadkaan naftooda yaa yirahdo kala carara meesha..

Post by quark »

:meles: :damn: :mindblown: don't know what to say, a damn shanty dukaan is more precious then their lives.
HusseinHassan
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2980
Joined: Mon Nov 11, 2013 11:12 pm
Location: Somalinet boycott by Puntites in effect 24/12/14

Re: dadkaan naftooda yaa yirahdo kala carara meesha..

Post by HusseinHassan »

poor guys, they should've locked their store and carry weapons for self-defense.
with previous incidents, you'd think they'd get themselves ready for any possible attack.
User avatar
BoholKing
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1072
Joined: Sun Jan 12, 2014 1:53 pm
Location: In Xarshow by the beach

Re: dadkaan naftooda yaa yirahdo kala carara meesha..

Post by BoholKing »

Guns for self defense is legal in South Africa, don't get why they don't purchase it.
User avatar
FarhanYare
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 19029
Joined: Fri Jun 17, 2011 10:06 pm
Location: Location:Location

Re: dadkaan naftooda yaa yirahdo kala carara meesha..

Post by FarhanYare »

BoholKing wrote:Guns for self defense is legal in South Africa, don't get why they don't purchase it.
The system is against them, that's why only rarely do you hear a somali who killed a zulu in self defence.
Post Reply
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”