There are officially 4395 Ethiopian troops inside Somalia

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

User avatar
Khalid Ali
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 32728
Joined: Mon Oct 18, 2004 11:03 am
Location: Suldaan Emperior Gacanyarihisa

There are officially 4395 Ethiopian troops inside Somalia

Post by Khalid Ali »

Ciidanka Itoobiya ee Qaybta ka ah AMISOM oo Tiradoodu kor u dhaaftay 4,000

Axad, July 13, 2014 (HOL) — Dowladda Itoobiya oo ahayd tii ugu dambeysay oo ka mid noqotay howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa waxay tirada ciidamadeedu ka sare mareen kuwa dalka Kenya oo kaga horreeyay ka mid noqoshada howlgalkan oo tiradoodu tahay afar kun oo keliya.

Warbixin ay soo saartay AMISOM ayaa lagu sheegay inay haatan ciidamada Itoobiya kaga sugan Soomaaliya marayaan 4395 askari, kuwaasoo ka howlgala gobollada Koonfureed iyo kuwa dhexe ee dalka, halkaasoo ay kula dagaalamayeen bilihii u dambeeyay xoogagga Al-shabaab.

“Ciidamada Itoobiya waxay ka mid noqdeen AMISOM bishii Jannaayo ee sannadkan 2014, iyagoo 100 askari oo keliya howlka ku biiryay markii ugu horreysay, laakiinse askar badan ayay kusoo dareen, waana kuwo ka mid ah kuwa ugu tirada badan howlgalka AMISOM,” ayaa lagu yiri qoraalkan.

Sidoo kale, AMSIOM ayaa sheegtay ka mid noqoshada ciidamada Itoobiya ee howgalkan ay sabab u noqotay in Al-shabaab laga wareego deegaanno badan oo ku yaalla Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, iyadoo hoggaamiyeyaasha dalka Itoobiya ay sheegeen inay taasi qayb ka tahay qorshayaal lagu doonayo in Somalia oo dhan looga cirib-tiro Al-shabaab.

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Hailemariam Desalegn ayaa horay u sheegay in ciidamadooda ay jooji doonaan Soomaaliya tan iyo inta laga adkaayo Al-shabaab oo uu ugu yeeray koox dhibaato ku haysa gobolka Bariga Afrika oo dhan.

Laakiinse, madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxmauud ayaa dhawaan ku sheegay hadal uu warbaahinta siiyay in ciidamada Itoobiya uu howlgalkoodu aad uga duwan yahay kuwa kale ee AMISOM ayna dalka joogayaan muddo kooban.

Xasan Sheekh wuxuu sheegay in sannadka soo socda ee 2015-ka uu howlgalka ciidamada Itoobiya ee AMISOM ka tirsan ku eg-yaha; ayna bixi doonaan wixii markaas ka dambeeya balse ciidamada kale ee AMISOM ay howlgalkooda sii wadan doonaan.

Ciidamada Itoobiya ayaa waxay qayb ka yihiin 22,000 ee askari ee ay ka kooban yihiin ciidamada AMISOM, kuwaasoo ka socda lix dal oo kala ah, Uganda, Burundi, Jabuuti, Sierra Leone, Kenya iyo Itoobiya oo lix ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online

- See more at: http://www.hiiraan.com/news/2014/July/w ... aE2Ys.dpuf
User avatar
Khalid Ali
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 32728
Joined: Mon Oct 18, 2004 11:03 am
Location: Suldaan Emperior Gacanyarihisa

Re: There are officially 4395 Ethiopian troops inside Somali

Post by Khalid Ali »

The Ethiopian Amhara Warrior dance of Gojjam, have finally conquered the Indomitable Somalia

[youtube]5Yoqj1k178U&feature=youtu.be[/youtube]
:meles:
User avatar
KingWaslawi
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5295
Joined: Mon Mar 29, 2010 12:24 pm
Location: Kayd-kii jacaylkaa riyo laygu keenaa, kabbo baan idhaahdaa, mise waaba koob madhan :(

Re: There are officially 4395 Ethiopian troops inside Somali

Post by KingWaslawi »

Ka daa waa ramadaane, waliba 10-kii danbe ee ugu khayrka badnaa, oo usoo ducee.
User avatar
KyrieJama
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3930
Joined: Tue Aug 24, 2010 8:21 pm
Location: Somalia

Re: There are officially 4395 Ethiopian troops inside Somali

Post by KyrieJama »

Khalid Cali abti rag baa jooga aagas sida mujaahidiinta AhlubaytSoldier iyo Grandpa Khalif ku shahidiya xabashida oo is qarxin uu diyaar ah :lol:

Qamadiga Xarshiin idinku siyeen baa waxaas oo hadal ka yeedhinaya :lol:
User avatar
EEGA9
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1906
Joined: Thu Jul 22, 2010 8:05 am

Re: There are officially 4395 Ethiopian troops inside Somali

Post by EEGA9 »

Double or even triple that number, ma Itoopiyaa run sheegta lol
Post Reply
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”