
"Dowladda Puntland ayaa ugu yeertay xubnaha kasoo jeeda deegaanadeeda ee uga jira dowladda federalka Soomaaliya inay muddo 15 cisho ah ku yimaadaan gudaha Puntland si ay wadatshi ula sameyso.
Go’aankaan ayaa ka dambeeyay shir deg deg ah oo galabtay galinkii dambe xarunta madaxtooyada ay ku yeesheen golaha wasiirada ee dowladda Puntland oo uu shir gudoominayay madaxweyne Gaas.
War-saxafaadeed kasoo baxay shirkaan oo uu saxaafada u aqriyay madaxweynaha ayaa wuxuu sheegay in dowladda Puntland ay gabi ahaanba xiriirkii ujartay dowladda federalka Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa sheegay inay kasoo horjeedaan hishiiska maamulka u sameynta gobolada Mudug iyo Galgaduud oo uu ku sifeeyay inuu kasoo horjeedo dastuurka kmg ah ee Soomaaliya islamarkaana uu yahay xad gudub lagu sameynayo dhul kamid ah Puntland. Wuxuuna ku eedeeyay madaxda dowladda federalka Soomaaliya inay horseed ka noqdaan hishiis ka hor imaanaya dastuurka dalka.
Wuxuu sidoo kale madaxweynuhu ugu yeeray Caasho Geelle Diiriye oo ah gudoomiyaha gudiga madaxa banaan ee dib u eegista dastuurka inay timaada Puntland.
Ugu dambayn dowladda Puntland ayaa sheegtay inay ka xun tahay in beesha caalamku goob joog ka ahaadaan qorshihii Muqdisho shalay lagu gaaray, waxayna sheegtay wixii ka yimaada oo dhibaato ah inay dusha saarandoonto xukuumada Soomaaliya.
Maalintii shalay ayay ahayd markii madaxda dowladda federalku soo bandhigeen hishiis ay ku tilmaameen in maamul heer federal ah loogu dhisayo gobolada Mudug iyo Galgaduud"