khri: Q-3aad: siraha dahsoon
Calanka DDSI
Calanka DDSI
Haddaba waxaa geyigana ka jirtay muddo 18 sanadood Dowlad Deegaan ay leedahay Soomaalida degta Itoobiya kuna mideysantahay oo magac Dowlad wadata,haddana wax qabadkeeda iyo tayadeedaba ay aad u liidatay kuna kooban caasimadda oo aan meelna u dhaafin;sannad-walibana miisaaniyadda Dowladda dhexe ee Federaalka u qoondeeyso horrumarinta Deegaankeena ay dib ugu noqoneeysey khasnadda dhexe ee Federaalka. Waxeyna Ethiopia u kala baxday maamulo horumar ku talaabsaday iyo kuwo haba yaraatee aan wax is beddel ah aan sameynin, sida Deegaankeena Soomaalida,Canfarta,Gambeelada iyo Benishangul;welibana Deegaankeena waxaa intaa u dheereed xasillooni darro middaas oo sabab u noqotay musuq baahsan oo maamulkii hareeyey.
Doorashadii ugu dambeeysey ee ka qabsoontay dalka Ethiopia 2010 xisbiga talada haya ee Deegaanka Soomaalida ee ESPDP) wuxuu u soo sharraxay xilka Madaxweyne-nimada Mudane Cabdi Maxamuud Cumar isagoo taa ku muteystey waxqabadkii muuqday ee uu muujiyey xilligii uu ahaa Madaxa Hoggaanka Xafiiska Caddaalada iyo Nabadgelyada ee DDSI. Kolkeynu dib u milicsano Taariikhda Mudane Cabdi Maxamuud Cumar wuxuu ku barbaaray waxna ku bartay Deegaanka,wuxuu waxbarasho maamulka iyo maareeynta ku soo qaatay Jaamacadda Addis ababa kaddibna wuxuu ku biiray shaqaalaha dowladda,ugu dambeyntiina waxaa loo magacaabay Madaxa Hoggaanka Xafiiska Caddaalada iyo Nabadgelyada ee DDSI.
xilligii uu hayey xilka Hoggaanka Caddaaladda iyo Nabadgelyada ee DDSI wuxuu Deegaanka ka hirgeliyey Ciidaan Khaas ah(liyu Police) kuwaasoo leh tababar gaar ah oo ah : ka difaacidda Deegaanka Nabad-diidka,Burcadda hubeysan,soo-galootiga dal-doonka ah,koontarabaanka daawooyinka iyo raashinka dhacay iyo lacagaha been abuurka ah ee dadkaanaga lagu dhici jirey,joojinta xaluufinta ba´an ee Deegaanka,ka hortagga argagixisada isaga kala goosheysey waqooyi iyo koonfur Soomaaliya oo marin ka dhigtay Deegaankeena,hubinta qofka qaadanaya kaarka dhalashada(ID).
Dhanka kale ciidaanka Liyu Police wuxuuna ku caan baxay daryeelka bulshada isagoo ka caawiya xilliga Diraacda kulul biyo- dhaaminta,qodista baraagaha,daryeelka caafimadka dad iyo duunyaba isagoo leh Dhaqaatiir ka qeyb ka qaata tallaalka iyo daaweynta guud,wuxuu bulshada ka caawiya xilliga beer-goynta una daabula delegga u soo go´ay,waxeyna ciidanku caan ku noqdeen iney xilliga habeenkii iska xaadiriyaan goobaha waxbarashada dadka waaweyn taasoo tusaale u noqotay bulshada inteeda kale iney waxbarashadu laheyn da´,qof waliba oo bulshadeena ka mid ahna ay waajib ku tahay inuu wax barto. Waxeeyna isu fureen isu socodka guud ee deegaanka habeen iyo maalin,waxey soo xireen xuduudii furneyd ee halaq-mareenka aheyd. Waxaana Deegaankeena ka hirgalay markii ugu horreeysey sharci iyo kala dambeyn (Law & Order),taasoo astaan u ah heykalka Dowladnimo.
Wax qabadkii Madaweyne Cabdi Maxamuud Cumar
Madaxweyne Cabdi M. Cumar
Madaxweyne Cabdi M. Cumar
Wuxuu Dowladda federaalka Ethiopia ka soo dhiciyey markii ugu horreysey taariikhda laba wasiir oo heer federaal ah kuwaasoo kala ahaa wasiirka Ganacsiga iyo wasiirka shaqada iyo Arrimaha Bulshada. Waxaa xigtay booqashadii taariikhiga aheyd ee uu Madaxweyne Deegaanka ka arrimiya abid uu ku tago Yurub iyo Mareykan taasoo aheyd bartamihii bishii oktoobar 2010 isagoo ay wehliyaan Afhayeenka Baarlamaanka DDSI mud ane Maxamad-Rashiid Isaaq iyo labada wasiir oo kala ah Ganacsiga,Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee heer Federaal, waxaa kale oo wafdiga ka mid ahaa Wasiiru- Dowlaha Arrimaha Dibadda ee Ethiopia mudane Berhanu Gebre-Christos oo ahaa Diplomasi rug-caddaa ah kana qeyb qaatay wada hadaladdii u socday mucaradkii iyo Dowladda
M. Cabdi iyo M. Maxamed Rashiid
Mudane, Berhanu Gebre-Christos
Mudane, Berhanu Gebre-Christos
Ethiopia xilligii uu ahaa wakiilka Ethiopia ee EU xafiiska Bruxelles,wada hadaladaas oo aakhirkii guul iyo isafgarad kudhammaaday; waxaa kaloo wafdigiisaa ka mid ahaa ururadii heshiiska Nabadda saxiixay.
Wuxuu Madaxweynaha safarkiisu daarnaa heeshiiki ay wada gaareen mucaaridkii iyo Dowladooda in loo soo bandhigo qurbajoogta taas oo ay qurbajoogtu si kalsan ku soo dhoweeyeen,waxaana la isla gartay in Jigjiga la isugu tago. Waxaa bishii december 2010 buuxdhaafiyey Jigjiga qurbajoog ka kala timid 5ta qaaradood oo hilow u qaba dadkooda iyo dalkooda; shirar fara badan ayeey qurbajoogtu la qaateen madaxda dalka waxaana la isku afgartay iney qurbajoogtu ka qeyb qaatan horumarinta dalkooda.
RW. Zenawi iyo Qurbajoogta
RW. Zenawi iyo Qurbajoogta
Waxaana ugu dambeyntii la isugu tagay xaflad loo soo agaasimay si heer sare ah taariikhda markey aheyd 8dii january 2011 oo ka dhacday Xafiiska Ra´iisalwasaare Mudane Meles Zenawi oo ay kasoo qeyb galeen qurba joogtii ugu badneyd Deegaanka oo in muddo ahba u ololeyneysey Nabadda oo ay Hormuud ka aheyd ururka Nabadda iyo Horumarinta Deegaanka Soomaalida Ethiopia, xafladdaas oo socotay muddo 4 saacadood Ugu danbayntii ayay qurbajoogtii gudoonsiiyeen hadiyad gaara oo ay ugu soo talo-galeen Ra´iisal-wasaaraha Mudane Meles Zenawi, hadiyadaasoo ka turjumaysay astaamaha dhaqankeena, sidoo kalena hadiyad taa la mida ayay gudoonsiiyeen Madaxweynaha DDS Mudane Cabdi Maxamud Cumar.
Kaddib xafladdii guusha xambaarsaneyd kolkii ay soo gebgebowday,wuxuu Ra´iisal wasaare Meles Zenawi shir gaar ah la yeeshey Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar wuxuuna ka codsaday inuu Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar hoggaamiyo wafdi Wasiiro ah oo Heer Federaal ah soona mariyo Yurub iyo Mareykan taana Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar wuu aqblay.
Qurbajoogta DDSI
Qurbajoogta DDSI
Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar isagoo fulinayaa codsigii Ra´iisal wasaaraha Mudane Meles Zenawi wuxuu Yurub iyo Mareykan u kaxeeyey wafdi golaha Wasiirada Federaalka Ethiopia ka kooban si ay ula kulmaan Jaalliyadaha Ethiopia ee waddamadaas ku nool;shirar fara badan iyo wada tashiyo guud kaddib waxaa la guddoonsaday oo qalinka lagu duugay in waddankii la horrumariyo qurbajoogtana doorkooda ka qaataan. Waxaa january 2012kii sannad kaddib ololihii qurbajoogta iney ka qeyb qaataan dhismaha iyo horrumarinta dalkooda hooyo,waxaa Ethiopia soo gaartay lacag xaddigooda dhantahay 500,000,000 US$(shan boqol oo milyan oo Dollar),waxey qurbajoogta Deegaanka Soomaalida maal-gashigaas ku lahaayeen saami dhan 400,000,000 US$ (afar boqol oo milyan oo Dollar)unadhiganta 80%(boqolkiiba sideetan) maal-gashigii guud ee Ethiopia.
Sannadkaasii waxaa Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar loo caleemasaaray inuu yahay shaqsiga ugu kartida badan madaxweynayaasha ismaamulad deegaanada Ethiopia,waxaana lagu amray madaxda kale iney isaga ka tusaale qaataan;wuxuuna taasi ku muteystey dadaalka uu u galay horumarinta dalkiisa iyo dadkiisa gude iyo dibadba. Mar labaad ayaa Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar loo xilsaaray inuu u ololeeyo iibsiga Boondiga Biyo-xidheenka weyn ee ABAY DAM, wuxuuna socdaalo ku kala bixiyey 5ta qaaradood ee Adduunka si uu Bulshada guud ee Ethiopia ugu bandhigi lahaa waxtarka uu ummadda u leeyahay hirgelinta Biyo-xidheenka weyn ee ABAY DAM,wuxuuna qurbajoogta ku booriyey iney isku daraan tabarucaad iyo iibsi, waxaana ololahaasi kusoo dhammaaday guul, inta ilaa hadda la iibsaday boondiga boqolkiiba lixdan(60%) waxaa iibsaday ganacsatada iyo qurbajoogta deegaanka Soomaalida. Safar waliba waayahiisu leeyahay waxaana safarkaan ugu dambeeyey Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar loo aqoonsaday Diplomaasi Sare isla markaana noqon kara ergey gaar ah.
Kolkaan usoo noqono Horumarinta Deegaanka Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar wuxuu xoogga saaray BIYAHA,waxaa waddanka oo idil laga hirgeliyey in baraago laga qodo dhulka oomanaha ah,ceelal guuntoodu dheer tahay,biyo xidheeno laga hirgeliyey dooxiyinka iyo togaga,kumanaan motorada biyaha oo la saaray webiyada dalka;waxaana dib u dejin loo sameeyey boqolaal kun oo qoys oo reer miyi ahaa,waxaa deegaanka ka hirgalay mashruuca la magac baxay beeraley- xoolaley oo ahaa mashruuc cusub oo isku dhaf ah taasoo ah in beertii iyo xoolihi hal meel la isugu geeyey sida dunida horuumartay oo aad ku arkii kartid beertii oo ay lo´dii,arigii,digaagii iyo shinnidii oo hal meel lagu wada dhaqayo.
Waxaa mashruucaas ku lammaanaa oo meeshii la deegaameeyo ha noqoto berked,ceel-biyood,dooxo,iyo webiyadaba in laga furay iskuul iyo rug caafimad,waxaana sannad dugsiyeedka 2014-2015 waxbarashada bilow ilaa jaamacad ama machadyad heer diploma ah,waxbarashada dadka waaweyn,waxbarashada dad-ban(Correspondence School),iskuuladka gaarka loo leeyahay,akaadeemiyooyinka sare ee Militeeriga iyo Booliska ee heer federaal waxaa intaas maalin kasta taga tiro guud oo dhan 1,500.000(milyan iyo shan boqol oo kun) oo arday ah; kuna darso tiradaasii inuu ka mid yahay Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar oo intii uu xilka madaxweynenimada hayey qaatay shahaadada Master degree haatan uu ku howlanyahay inuu diyaariyo shahaada Ph.D. degree.
xusuusin maalinkii uu Madaxweyne Cabdi Maxamuu Cumar xilka qabtay waxaa iskuulada tegi jirey in ku dhow 200,000(laba boqol oo kun oo arday),waxaana ku soo baxeeyso koru-kaca muddadan gaaban ku timid waxbarashada. Xagga Dhaqaalaha waxaa ka jirtey Ethiopia tobonkii sannadood ee ugu dambeeyey koboc dhaqaalee oo aan marnaba caadi aheyn, gobolkeena wuxuu la jaanqaaday 4tii sanadood ee ugu dambeeysey waxaana taasii sabab u ah dhaqaale fara badan oo ay qurbajoogtu geliyeen iyo fududeyn ay ka heleen xagga dowladda deegaanka,sida sharciga Ethiopia u yaal uu qabo ee xagga maalgashiga kaasoo sahla maalgashiga,qofkana siiya dammaanad buuxda.
Waxaa intaa dheer in ganacsiga Deegaankeena uu la jaanqaaday Ethiopia markii ugu horreeysey taariikhda oo uu muwaadinkii u dhashay Deegaanka uu si xor ah ugu dhex muuqday ganacsiga deegaankiisa; waxaa deegaankeena ganacsigiisa iyo gaadiidkiisa xammuulka qaada uu u xirnaa lagana maamuli jirey Hargeysa iyo Muqdisho; waxaa halkaasii ku soo dhammaaday ineynu Deegaankeena kol dambe ayeynaan marti iyo magan uga noqono ummado kale.
Waxaa Jigjiga laga hirgeliyey Akadeemiyada ugu weyn Geeska Afrika ee ururinta hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliga,tasoo intey jirtey ku tallaabsatay guulo dhaxalgal sida xuskii afartanguuradii qoraalka farta Soomaaliga 2012, waxeyna soo bandhigtay qoraalo fara badan iyo bandhigyo ciyaaro dhaqameedka aan hiddaha u leenahay. Waxaa hirgelinta Akadeemiyada ee Jigjiga markiiba soo dhoweeysey Heyadda UNESCO, warbixin dheerna ku sheegtay iney Jigjiga ka badbaadisey inuu afka iyo dhaqanka Soomaaliga dabar go´.
Waxaa dib loo soo nooleeyey wixii aanu dhaqan iyo hiddo u laheyn sida gabayada,ciyaraha dhaqanka oo la casriyeey kolka la tumayana xiiso gaar ah u leh bulshadeena,waxaa la uruuriyey guud ahaan farshaxanka aanu hiddaha u laheyn ee soo jireenka ahaa. Kol haddii la uruurinaayo taariikh ,dhaqan iyo hiddo; intaas oo sifo waxaa hormuud ka ahaa Sayid Maxamad Cabdille Xasan sidaa awgeed Waxaa magaalada Jigjiga bartankeeda laga tagaay taalada Geesigii weynaa ee Sayid Maxamad Cabdille Xasan oo ahaa geesi caan ah oo Taariikhda Geeska Afrika baal dahab kaga jira halgankii hubeysnaa uu kaga hortagay Gumeystihii Reer Yurub qarnigii aynu soo dhafnay bilowgiisa.
waxaa bishii December 2013 ka qabsoomay Jigjiga Xuska qowmiyadaha Itoobiya oo sannadle ah,sannad walibana ay martigeliso Deegaan ka mid ah Deegaanada Ethiopia,waxeyna Qowmiyad waliba soo bandhigtaa Hiddaheeda iyo Dhaqankeeda, taasoo astaan u ah iney Ethiopia ka koobantahay Qowmiyadaha Geeska Afrika dega oo hal Dowlad iyo hal calan ku mideysan,markaad u fiirsatid kala duwaanashaha hiddaha,dhaqanka iyo luqadaha.
Dhaqankeenii iyo Hiddaha
waxey marti sharaftii ka kala timid Ethiopia iyo marti sharaftii kale aad iyo aad ugu riyaaqeen dhaqankeena iyo hiddaheena,waxaa kaloo laga daawanaayey dunida dacaladeeda. Isku soo wada duub waxqabadka Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar laguma soo koobi karo qormo iyo labo; tani waa guud mar waxqabadkiisa inta aan is leeyahay waa kuwa ugu doorka roon waxaadse kaga bogan kartaa adigoo si joogta ah u daawada ESTV Jigjiga.
Kolkaan usoo noqdo Madaxweyne Cabdi Maxanuud Cumar bulshada Reer Ethiopia waxey isla qireen inuu yahay Halyeey Geesi ah wax badan ka qabtay Nabadda iyo horumarka Ethiopia, Diplomaasi isku xirey bulshada Ethiopia ee qurbaha ku kula firirsan iyo Dalkooda hooyo,kuna dhiiriyey iney dalkooda aaminaan oo maalgashtaan. Deegaanka Soomaalidana bulshada ku dhaqn waxey isla qireen inuu yahay Halyeey Geesi ah isla markaana ah ninkii Bulshada Baray micnaha Dowladnimo,islamarkaana dib u dejin u sameey boqolaal kun oo qoys oo reer guuraa ahaa mustaqbalna u sameeyey; magacya fara badan bey u bixiyeen sida : CIILTIRE,DIIRIYE iyo NOOLEEYE.
Kolka aynu isweydiino Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar yaa neceb oo cadow u ah? waa tan bulshadiisa uu caleema-saaratay Halyeeynimada. Taa jawaabteeda wey sahlantahay waxaa cadow u ah kuwa danahooda gurracnaa ka waayay Ethiopia intii uu xilka qabtay,haddaba waa kuwee kuwaasi? waa Masar,Al-qaacida,Qatar iyo kuwa danahooda Geeska Afrika ka fuliya kuwaasoo kala ah maamulada Hargeysa iyo Muqdisho
Lasoco Q.5aad
Farax Hayir
Qorraxeey
Siraha Dahsoon ee Ogaadeenya Q-4aad
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 2 Replies
- 496 Views
-
Last post by hanqadh
-
- 0 Replies
- 264 Views
-
Last post by LeonidaS
-
- 4 Replies
- 470 Views
-
Last post by paidmonk
-
- 0 Replies
- 579 Views
-
Last post by Barwaaqoiyobashbash
-
- 0 Replies
- 543 Views
-
Last post by MrPrestige
-
- 0 Replies
- 9246 Views
-
Last post by keysar123
-
- 14 Replies
- 849 Views
-
Last post by bashe19
-
- 12 Replies
- 1139 Views
-
Last post by paperino
